4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2007
Xukuumadda Somaliland oo amar ka soo saartay Passport-ka cusub ee Soomaaliya


Isniin, November 26, 2007(HOL): Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inaan Somaliland lagu soo geli karin ama lagaga dhoofi karin Passport-ka cusub ee ay hadda samaysay Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Somalia, isla markaana waxay xustay in taa bedelkeeda dekedaha iyo Madaarada dalka laga dhoofi karo, lagagana soo degi karo Passport-ka Somaliland ama kii hore ee Somalia ee Cagaarka ahaa.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, Capt. Cabdi Cali Obsiiye, oo maanta Xafiiskiisa shir-jaraa’id ku qabtay, ayaa sheegay in ciddii ku timaadda dalka Passport-ka cusub ee Dawladda Ku-meel-gaadhka ahi dhawaan samaysay, laga ogolaan doonin, isla markaana lagu celin doono.. “Waxa loo sheegayaa reer Somaliland iyo adduun-weynahaba in Madaarada iyo Dekeddaha Somaliland lagaga dhoofi karo Passport-ka Somaliland ama Passport-kii hore ee Cagaarnaa oo kaliya (Passport-kii hore ee Somalia). Somaliland gudo iyo dibedba lama ogola in lagu yimaaddo Madaarka iyo Dekedda.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland.

Arrintan ayaa waxay ka dambaysay ka dib markii ay Dawladda Ku-meel gaadhka ah ee Somalia iclaamisay in Passport-ka cusub ee ay samaysay lagaga dhoofi karo dhammaan intii Somalia laysku odhan jiray, oo ay Somaliland ka mid tahay. Taas oo keentay in Xukuumadda Somaliland ka hadasho arrintaas. Waxaanay ku soo beegantay waqti ay Madaarrada Somaliland ka dhoofayaan boqollaal Xujaaj ah oo sanadkan soo gudanaysa Waajibaadka Xajka.
 
Barkhad M. Kaariye    Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland