3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2007
Suuqa Bakaaraha oo mar kale ay xasilooni darradii ku soo laabatay

Isniin, November 26, 2007(HOL): Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa maanta waxaa mar kale laga dareemay deganaasho la’aan ku timid dhaqdhaqaaqyadii ganacsiga, iyadoo gudaha Suuqa ay qaraxyo iyo is-rasaaseyn ay ka dhaceen.
 
Waddooyinka koowaad iyo labaad ee Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa lagu arkayay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo rasaas ridayay, kuwaasi oo aan la arkeynin cidda ay rasaasta ku ridayaan.

Rasaasta ay Ciidamadaas ridayaan ayaa timid waxyar kadib markii ay Isgoyska Howl-Wadaag ka dhaceen labo qarax oo is-xigay, kuwaasi oo lagu riday Ciidamo Boolis ah oo Isgoyskaas ku sugan.

Dad badan ayaa markii uu qaraxaas dhacay kadib waxay xireen goobahooda ganacsiga, iyagoo iska aaday guryahooda oo ay saaka ka soo shaqo tageen, waxaana haatan Suuqa ku harsan dad yar oo gudaha uga jira goobahooda ganacsiga, kuwaasi oo aan banaanka uga soo bixi karin goobahooda ganacsiga sabab la xiriirta iyagoo ka baqaya in ay waxyeesho rasaasta ay ridayaan Ciidamada Dowladda.

Shalay gelinkii dambe ayay ahayd markii sidoo kale Bambooyin lagu tuuray Ciidamo ku sugan Isgoyska Howl-Wadaag, inkastoo aysan bambadaas waxyeello u geysan Ciidamadii lagu tuuray.

Ugu dambeyntiina, Suuqa Bakaaraha ayaa muddo bil ku dhow wuxuu ahaa mid xaaladdiisa ay degan tahay, isla markaana aysan ka dhicin qaraxyo iyo dilal ka dhici jiray bil ka hor, waxayna deganaantaas timid kadib markii ay Suuqa galeen, isla markaana ay howlgallo baaris ka sameeyeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
11/26/2007 7:16 AM EST
Isniin, November 26, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sharci adag ku soo rogay Warbaahinta madaxa bannaan ee ka howlgasha magaalada Muqdisho, xili uu sharcigii lagu dhaqi lahaa Saxaafadda uu horyaallo Baarlamaanka Soomaaliya.

11/26/2007 7:13 AM EST
Isniin, November 26, 2007(HOL): Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inaan Somaliland lagu soo geli karin ama lagaga dhoofi karin Passport-ka cusub ee ay hadda samaysay Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Somalia, isla markaana waxay xustay in taa bedelkeeda dekedaha iyo Madaarada dalka laga dhoofi karo, lagagana soo degi karo Passport-ka Somaliland ama kii hore ee Somalia ee Cagaarka ahaa.

11/26/2007 6:12 AM EST
Isniin, November 26, 2007(HOL): Luul Axmed Diiriye oo ah gabar uu dhalay Afhayeenka dhaqanka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo maanta saxaafadda la hadashay ayaa waxay ka codsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya in aabaheed ay sii deyso haddii uu nool yahay, haddii uu dhintayna ay ku wargeliso, “Dowladda Federaalka waxaan ka codsaneynaa in haddii uu nool yahay Aabahey ay soo deyso, haddii uu dhintayna ay nagu wargeliso” ayay tiri Luul Axmed Diiriye.

11/26/2007 3:28 AM EST
Isniin, November 26, 2007(HOL): Shalay gelinkii dambe iyo xalay saacado kala duwan ayaa waxay qaraxyo ka dhaceen Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Beledweyne, iyadoo qaraxyadaasina lagu qaaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

11/26/2007 3:27 AM EST
Isniin, November 26, 2007(HOL): Sarkaal sare oo u hadlay Ciidamada Uganda ee nabad ilaalinta u jooga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay jawaab ka bixin doonaan haddii mar kale weerarro lagu soo qaado fariisimadooda.

11/26/2007 3:26 AM EST
Isniin, November 26, 2007(HOL): Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yiraahdo UNHCR ayaa waxay sheegtay in ay si weyn uga walaacsan tahay xaaladda ay ku sugan yihiin Dad badan oo Soomaaliyeed oo muddo ku xayirnaa garoonka Jomo Kenyata ee Magaalada Nairobi, kuwaasi oo aan haatan la ogeyn halka ay ku dambeeyaan.

11/26/2007 3:25 AM EST
Isniin, November 26, 2007(HOL): Xubno isugu jira Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Golaha Barlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), Siyaasiyiin, odayaal iyo Wax-garad kale, oo dhamaantood dhalasho ahaan ka soo jeeda beelaha Gobolka Sool, ayaa jawaab adag ka bixiyay go’aamo qaar ka mid ah isimmada Gobolka Sool ka soo saareen shir Khamiistii todobaadkan lagu soo gabagabeeyay magaalada Boocame. Waxaanay ku tilmaameen shirkaasi in uu yahay mid aan loo dhammayn, isla markaana aanay Isimada iyo Madax-dhaqameedka go’aanka soo saaray aanay awood u lahayn inay ka talo bixiyaan go’aan qaadashada arrimaha siyaasadda ee Gobolka.