4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2007
LUUL AXMED DIIRIYE: “Dowladda Federaalka waxaan ka codsaneynaa in haddii uu nool yahay Aabahey ay soo deyso, haddii uu dhintayna ay nagu wargeliso”

Isniin, November 26, 2007(HOL): Luul Axmed Diiriye oo ah gabar uu dhalay Afhayeenka dhaqanka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo maanta saxaafadda la hadashay ayaa waxay ka codsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya in aabaheed ay sii deyso haddii uu nool yahay, haddii uu dhintayna ay ku wargeliso, “Dowladda Federaalka waxaan ka codsaneynaa in haddii uu nool yahay Aabahey ay soo deyso, haddii uu dhintayna ay nagu wargeliso” ayay tiri Luul Axmed Diiriye.

Luul Axmed Diiriye waxay sheegtay in aysan war u heynin xaaladda uu haatan ku sugan yahay Aabaheed oo ay gurigiisa ka kaxeysteen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka, waxayse carabka ku dhufatay in markii ugu war dambeysay naloo sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay xumaatay kadib markii ay ku kacday sokor uu qabay.

“Hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Madaxweyne Yuusuf Axmed, Ra’iisal Wasaaraha cusub Nuur Cadde iyo Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa in la soo daayo Aabahey, Walaalkey iyo Dadkii kale ee lala xiray”ayay mar kale tiri Luul Axmed Diiriye.
 
Luul Axmed Diiriye waxay sheegtay in ay shaqeyn waayeen dadaallo ay wadaan Odayaasha ka soo jeeda Beeshooda, kuwaasi oo wada hadallo la yeeshay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere), waxayna sheegtay in ay rajo la’aanta dadaalkaas ay si weyn u niyad xumeyneyso.

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa dhowr jeer oo hore oo uu soo saaray Warsaxaafadeedyo waxaa uu Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay sii deyso Afhayeenkii dhaqanka ee Golahaas Axmed Diiriye Cali, hayeeshee ilaa iyo haatan codsigaas waxba kama aysan qaban Dowladda Federaalka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu dhawaan  ku qabtay magaalada Nairobi ayaa wuxuu ku sheegay in Axmed Diiriye uu u aqoonsan yahay in uu Afhayeen u yahay sida uu hadalka u yiri kooxaha rabshadaha wada, isagoo gaashaanka ku dhuftay in uu yahay Afhayeenka Golaha Dhaqanka Hawiye.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia