4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2007
Qaraxyo shalay iyo xalay ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho Baydhabo iyo Beledweyne

Isniin, November 26, 2007(HOL): Shalay gelinkii dambe iyo xalay saacado kala duwan ayaa waxay qaraxyo ka dhaceen Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Beledweyne, iyadoo qaraxyadaasina lagu qaaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe lagu weeraray Wadada koowaad ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo Ciidamo ku sugnaa Isgoyska Howl-Wadaag lagu tuuray labo bambo oo nooca gacanta laga tuuro ahaa. Lama sheegin cid wax ku noqotay qaraxyadaas.

Suuqa Bakaaraha ayaa muddo bil ku dhow wuxuu ahaa mid xaaladdiisa ay degan tahay, isla markaana aysan ka dhicin qaraxyo iyo dilal ka dhici jiray bil ka hor, waxayna deganaantaas timid kadib markii ay Suuqa galeen, isla markaana ay howlgallo baaris ka sameeyeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Kooxo hubeysan ayaa iyana waxay xalay bambooyin ku weerareen Saldhigga Booliska Degmada Kaaraan, inkastoo wararka naga soo gaaraya dhinaca saldhiggaas ay sheegayaan in aysan wax khasaare ah geysan Bambooyinka Saldhigga lagu tuuray.

Sidoo kalena, Saldhig-yaraha magaalada Baydhabo ayaa xalay waxaa lagu tuuray Bambo Gacmeed, waxaana halkaas ku dhaawacmay labo askari oo Saldhigga joogay, inkastoo Rasaas ay qaraxaas kadib fureen Ciidamada Booliska ay ku geeriyootay haweeney Shaah ku iibineysay meel aan Saldhigga u dheereyn.

Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan wararka naga soo gaarayana waxay sheegayaan in xalay Bambo gacmeed lagu tuuray Saldhigga Booliska Degmadaas, hayeeshee lama soo sheegin wax khasaare ah oo halkaas ka dhacay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaraxyadaan oo u muuqda kuwo qorsheysan ayaa waxay dhamaantood ahaayeen kuwo lagu qaaday saldhiggo ay degan yihiin Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay inay qaraxyadan muujinayaan in aanu weli sugneyn ammaanka magaalooyinka ay qaraxyada ka dhaceen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia