4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2007
Ciidamada Uganda ee Muqdisho ku sugan oo sheegay in ay jawaab bixin doonaan haddii mar kale la soo weeraro

Isniin, November 26, 2007(HOL): Sarkaal sare oo u hadlay Ciidamada Uganda ee nabad ilaalinta u jooga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ay jawaab ka bixin doonaan haddii mar kale weerarro lagu soo qaado fariisimadooda.
 
Taliyaha Ciidamada Lugta Uganda Lt-Gen Katumba Wamala ayaa sheegay in weerar kasta oo lagu soo qaado ay iska difaaci doonaan, isal markaana ay jawaab ka bixin doonaan, isagoo caddeeyay in aysan waxba u arkeynin hanjabaad ay u jeediyeen Hoggaamiyayaal ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo kala ah Aadan Xaashi Ceyrow iyo Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Lt-Gen Katumba Wamala wuxuu sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo ay soo gaaraan hanjabaado uga yimid dhinaca dad ka soo horjeeda joogitaankooda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aysan hanjabaadahaas waxba u arkeynin, isla markaana ay gudanayaan howsha ay Soomaaliya u yimaadeen.

Janaraalkan u hadlay Ciidamada Uganda ayaa sheegay inay wadaan dadaallo ay ku doonayaan in ay wada hadallo uga dhex bilaabaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, wuxuuna  caddeeyay in ay haatan dadaalladaas meel wanaagsan marayaan, isla markaana ay dhinaca ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay ka heleen hadallo aan xumeyn oo rajo fiican leh.

Ciidamo Kun Askari ka badan ayaa Dowladda Uganda waxay ka joogaan Caasimadda Xabadda iyo Qaraxyada laga baqo ee Soomaaliya, inkastoo ay Ciidamadaas ku egyihiin sugidda ammaanka Garoonka iyo Dekedda Muqdisho iyo weliba Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Ugu dambeyntiina, dhawaan ayay ahayd markii habeen saq dhexe ah ay kooxo hubeysan weerar ku qaadeen fariisin ay Ciidamada Uganda ku leeyihiin Isgoyska Km4, iyadoo weerarkaasina uu ahaa mid ugu horeeyay oo si toos ah loogu qaado Ciidamada Uganda tan iyo markii ay Muqdisho yimaadeen horaantii sanadkan. 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia