4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2007
UNHCR oo ka walaacsan halka la geeyay Dad Soomaaliyeed oo in muddo ah ku xayirnaa Garoonka Jomo Kenyata

Isniin, November 26, 2007(HOL): Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Qaxootiga ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yiraahdo UNHCR ayaa waxay sheegtay in ay si weyn uga walaacsan tahay xaaladda ay ku sugan yihiin Dad badan oo Soomaaliyeed oo muddo ku xayirnaa garoonka Jomo Kenyata ee Magaalada Nairobi, kuwaasi oo aan haatan la ogeyn halka ay ku dambeeyaan.

UNHCR waxay sheegtay in aysan ogeyn meesha ay ku dambeeyaan 26 ruux oo Soomaali ah oo ka mid ahaa 49 Ruux oo u badnaa  Caruur, Haween, kuwaasi oo ay  markoodii hore ay shirkado diyaaradeed geeyeen Nairobi, kadibna loo sii gudbiyay Dalka Uganda, balse dib loogu soo celiyay Nairobi kadib markii ay Dowladda Uganda sheegtay in ay dadkaas ahaayeen kuwo sharci darro ku socday.

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay waxay sheegtay in qaar ka mid ah dadkaasi si qasab ah dib loogu celiyay Magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka soo carareen, iyadoo sida ay tiri aan fursad loo siinin inay codsadaan magangalyo.

Dowladda Kenya oo lagu eedeeyay in ay ku xad-gudubtay sharciga ka yaala dadka maganyalo-doonka ah, isla markaana ay dad dhibaato ka soo cararay ay dib ugu celisay halkii ay ka yimaadeen ayaa waxay isku difaacday in aaney dadkaasi ahayn dad ka codsaday magangalyo, balse ay ahaayeen kuwo la soo qalday oo  sharci darro ku socday.

Hay’adda UNHCR waxay in muddo ku celcelinyesay codsi ku saabsan in aan dadkaas dib loogu celin dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay dhibaatooyin uga soo carareen, sidoo kalena waxay Hay’adda codsatay in loo ogolaato Koox ka socota UNHCR in ay tagaan garoonka lagu hayo Dadka Soomaaliyeed, si ay u helaan xuquuqda ay Dadkaas leeyihiin oo ay ka mid tahay in aan dib loogu celin halkii ay  dhibaatada uga soo carareen.

“ilaa iyo haatan fursad uma helin in aan la kulanno dadkan, balse waxaan arintooda kala hadleynaa Dowladda Kenya oo aan ka codsaneynaa in aan helno halka ay dadkan ku sugan yihiin iyo weliba sida aan ula xiriiri karno” sidaasi waxaa yiri Afhayeen u hadlay UNHCR oo lagu magacaabo Emmanuel Nyabera.

Ugu dambeyntiina, Ali-Amin Kimathi oo ah Guddoomiyaha Urur u doodaa Xuquuqda Dadka Muslimiinta ah ayaa dhawaan wuxuu Dowladda Kenya ku eedeeyay in ay ku xad-gudubtay sharciga ka yaala dadka magangalyo-doonka ah ee heer caalami iyo heer dowladeed, wuxuuna sheegay in ay Dowladda Kenya si aan wanaagsaneyn ula dhaqantay Dadka ka soo cararay dhibaatada Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in 18 ka mid ah dib loogu celiyay Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia