4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2007
Shirkii Boocame iyo Jawaabta ay ka bixiyeen Siyaasiyiinta Gobolka Sool ka soo jeeda ee Somaliland

Isniin, November 26, 2007(HOL): Xubno isugu jira Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Golaha Barlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), Siyaasiyiin, odayaal iyo Wax-garad kale, oo dhamaantood dhalasho ahaan ka soo jeeda beelaha Gobolka Sool, ayaa jawaab adag ka bixiyay go’aamo qaar ka mid ah isimmada Gobolka Sool ka soo saareen shir Khamiistii todobaadkan lagu soo gabagabeeyay magaalada Boocame. Waxaanay ku tilmaameen shirkaasi in uu yahay mid aan loo dhammayn, isla markaana aanay Isimada iyo Madax-dhaqameedka go’aanka soo saaray aanay awood u lahayn inay ka talo bixiyaan go’aan qaadashada arrimaha siyaasadda ee Gobolka.

Masuuliyiinta iyo Siyaasiyiinta bayaankan soo saaray ee ku saxeexan oo ay ka mid yihiin,  Wasiirka horumarinta reer Miyiga iyo Deegaanka Fu’aad Aadan Cadde, Wasiirka Caddaaladda Axmed Xasan Cali (Casoowe), Wasiiru-dowlaha Waxbarashada Somaliland Maxamuud Garaad Maxamed, Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), Axmed Cabdi Xaabsade, Xildhibaan Dhakool, Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Xildhibaan Cali Cumar, oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida iyo Xildhibaano iyo Waxgarad kale, ayaa waxay qodobada ka soo baxay shirkaasi Boocame ku tilmaameen qaar aan sax ahayn, isla markaana aan loo dhammayn.

 “Waxaanu leenahay Garaadadu waxay ka gudoomiyeen arrin siyaasadeed, oo aan Siyaasiyiintii Beeshu ka soo qayb-galin gudo iyo dibad toona, oo xataa aan la isugu yeedhin Siyaasiyiintii halkan joogtay, kuwii Garoowe jiray iyo kuwii fadaraal jiray midna aan loo yeedhin. Sidaa awgeed sharciyadiisu maaha mid sax ah.” Sidaa waxa yidhi Wasiiru-dowlaha Waxbarashada Somaliland Maxamuud Garaad Maxamed, oo ka mid ah Siyaasiyiintii Shirka Jaraa’id qabtay ee goobtaasi ka hadlay. Waxaanu intaa raaciyey oo uu yidhi, “Anagu colaad ku baaqi mayno ee waxaanu ku baaqaynayaa Nabadgalyo, beesha Sool dhexdeeda iyo darisyadeeda inay nabad kula noolaato, waxaanu ku baaqaynaa oo kale beelaha Sool inay isugu yimaadaan shir, oo cidii wax ka qabtaa ay miiska soo saarto fikirkooda. Laakiiin shirarka go’aamada lagu gaadhayo aanu noqonin mid kooxi maamulatay, oo dhamaan Garaadada aqoonyahanka dibad iyo gudaba meel kasta oo ay joogaan ka soo qaybgalaan, oo ay danahooda si miyir qabta danaha beeshooda ugaga tashadaan.” Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay Wasiirka Horumarinta reer Miyiga S/land Fu’aad Aadan Cadde, Xildhibaan Cali Cumar iyo qaar kale.

Dhinaca kale, Guddiga nabadgalyada Gobolka Sool ayaa go’aansaday In la xidh xidho marka ay soo gaalaan Magaalada Laascaanood xubinihii ka qaybgalay shirkaasi. Guddidan oo ka kooban todoba xubnood oo ay ku jiraan Gudoomiyaha Gobolka Sool, Maayarka magaalada Laascaanood iyo taliyayaasha ciidamadu go’aankooda waxa ay ku sheegeen in wakhti kooban loo qabanayo qofka shirka Boocame ka qaybgalay inuu kaga noqdo go’aamada shirkaa laga soo saaray oo ka soo horjeeda Somaliland, haddii kale la xidho marka uu soo galo magaalada Laascaanood.

Dhawaaqyadan isa soo taraya ee ka imanaya Masuuliyiinta, Siyaasiyiinta iyo qaar ka mid ah waxgaradka iyo Salaadiinta Somaliland, ayaa waxay ka dambeeyeen Shir dhawaan ka dhacay Magaalada Boocame, oo ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Isimada iyo Garaadada Gobolka Sool. Kaas oo qoddobadii ay halkaa ka soo saareen ay ka mid ahaayeen in Somaliland Ciidamadeeda kala baxdo Gobolka Sool iyo in Siyaasiyiinta gobolka u dhashay ee ka tirsan Somaliland ay muddo cayiman kaga soo baxaan Somaliland.
 
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.