4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2007
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo u amba baxay magaalada Addis Ababa

Axad, November 25, 2007(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa maanta wuxuu u amba baxay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Guddoomiyaha oo intii aanu u dhoofin Addis Ababa u waramayay saxaafadda ayaa sheegay in uu Magaalada Addis Ababa u tegayo ka qeybgalka shir ay leeyihiin Baarlamaannada Midowga Afrika iyo kuwa IGAD, kaasi oo maalinta berri ah ka furmi doona Magaalada Addis Ababa.

Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in shirkaas oo socon doona muddo seddex maalmood ah looga hadli doono danaha Baarlamaannada Afrika, horumarintooda iyo weliba sidii ay iskaashi u yeelan lahaayeen.

Shirka Baarlamaannada Afrika ayuu sheegay Shiikh Aadan Madoobe in uu ka jeedin doono codsi ku saabsan sidii ay dalalka Afrika Ciidamo Nabad ilaaliyayaal ah ugu diri lahaayeen Soomaaliya, isagoo caddeeyay in uu si gaar ah uga codsan doono in ay fududeeyaan sidii ay dalalkooda Ciidamo ugu soo diri lahaayeen.
 
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan wuxuu ka mid noqday Baarlamaannada Dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, iyadoo mar sii horeysayna uu ka mid noqday Baarlamaannada Carabta, waxayna muujinayaan Isbaheysiyada uu gelayo Baarlamaanka Soomaaliya  sida ay Soomaaliya u soo ceshaneyso Xiriirradii heer gobol iyo heer Caalami ee ay lahaan jirtay 17 sano ka hor.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia