4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2007
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Hay’adaha Gargaarka ugu baaqay in ay Dawo la gaaraan Caruur ku jirta Isbitaalka Baydhabo

Axad, November 25, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta booqday Isbitaalka Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu baaq u jeediyay Hay’adaha Samafalka, isagoo ka codsaday inay gargaar dawo ah gaarsiiyaan Isbitaalka Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Yuusuf ayaa codsigaas jeediyay kadib markii uu Isbitaalka Baydhabo ku arkay Caruur badan oo la il-daran cudurka Shuban Biyoodka, kuwaasi oo aan helin dawooyinkii ay u baahnaayeen.

“Hay’adaha Samafalka, gaar ahaan Bisha Cas, Laanqeyrta Cas, UNICEF iyo WHO waxaan ka codsaneynaa in ay gargaar deg deg ah oo dawo ah la soo gaaraan Isbitaalka Magaalada Baydhabo oo ay ku jiraan Caruur la il-daran shub biyood”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay in haddii ay Hay’adaha gargaar soo gaarsiiyaan Caruurtaas ay u mahadcelin doonaan, haddii ay soo gaarsiin waayaana aysan dhihi doonin nalama ogeysiin.
 
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sii waday baaqa uu u jeediyay Hay’adaha Samafalka waxaa uu sheegay in haddii aan wax laga qaban xaaladda Caruurta ku xanuunsan Isbitaalka Baydhabo halis loogu jiro  in cudurka uu ku sii fido Magaalada Baydhabo, kadibna uu u sii gudbo Gobollada kale ee Dalka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waa markii ugu horeysay ee uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf intuu Isbitaal booqday hadana uu gargaar deg deg ah u codsaday bukaano ku jira Isbitaalka uu booqday, wuxuuna baaqan Madaxweynaha ku soo beegmayaa iyadoo Qaramada Midoobay ay indhawaalaba ku celi celineysay in ay Dalka Soomaaliya ka jiraan Xaalado Bani’aadannimo oo aad u daran, kuwaasi oo inta badan heysta Dadkii ka barakacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia