4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2007
Fursado Muhiim ah oo horyaala Mucaaradka Dowladda Federaalka iyo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Axad, November 25, 2007(HOL): Magacaabista Ra'iisul Wasaare Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) waxaa la oran karaa waa mid albaab cusub u furi karta hor mar dowladu ka sameyso dhinaca dib u hishiisiinta iyo waliba sidii loo xisilin lahaa Caasimada Muqdisho oo magan noqotay qaraxyo iyo dagaalo aan dhamaad laheyn.
 
Ra'iisal wasaaraha Cusub oo ah marka la eego  Shaqsi ka fiyow islamarkaana aan wax lug ah ku laheyn dhibaatadii ka dhacaday dalka 16sano ee la soo dhaafay taa badalkeedana kana shaqeynayay arimaha Bani'daanimada ayaa la oran karaa waxaa  uu heystaa fursado badan oo waqtiga kooban ee u harsan uu ku qaban karo howlihii ka qabyoobay dowlada 3sano ee la soo dhaafay.
 
Waxaa uu awood buuxda u leeyahay Ra'iisal wasaare Nuure Cade la hadalka kooxaha ku kacsan Dowlada mar hadii uusan shaqaba ku laheyn arimaha lasyku maan-dhaafay ee ah keenista Ciidamada shisheeye gaar ahaan kuwa Itoobiya oo siweyn  kooxaha Mucaaradku ugu eedeeyaan Madax-weyne C/laahi Yuusuf iyo Saaxiibkiisii kursiga kaga horeeyay ee Cali Max'ed Geedi.
 
Sidoo kale dhinaca Mucaaradka waxaa hor yaala fursad  ay kula gor-gortami karaan dhinaca Dowlada iyaga oo soo bandhigaya wax yaabaha lasyku diidan yahay hadii ay ahaan lahaayeen joogista Ciidamada Itoobiya ama qaabka loo maamulay awood qeybsiga dowlada si markaa wax uun laysugu af-garto.
 
waxaana hubaal ah wada xaajood madax-banaan oo dhax-mara Ra'iisal Wasaaraha Cusub Col. Nuur cade iyo kooxaha ku kacsan Dowlada laga kaari karo natiijo dhab ah, waa hadii markaa arimuhu yihiin kuwo  u dhaxeeya labada dhinac oo kaliya  kana badax banaan gacan sadaxaad oo ah tan mar walba lagu kala tago.
 
Xitaa marka la eego dhinaca Madax-weyne C/laahi Yuusuf Axmed inkastoo uu ka warqabo doonista Xukuumada Itoobiya oo saxiib weyn la ah Dowlada federaalka waxaad moodaa in uu soo dhaweynayo wado kastaba ha loo maro  in  mar uun dalka laga samata bixiyo dhibaatada heysata taasoo ku xiran dib u hishiisiin la gaaro.
 
Hadii markii hore kooxada fadhida Asmara ahaayeen kuwo diidan hogaanka Madax-weyne Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaarihii hore ee Pro. Geedi hada xaalku sidaa waa uu ka badalan yahay oo waxaa furan wado lagu wada hadli karo, waxaan muuqneysa in dhinaca dowlada iyo kooxaha ka soo horjeedaba ku daaleen iska soo jorjeedka aan dhamaadka laheyn una baahan yihiin in wax badan layska shaafiyo.
 
Sidoo kale Ra'iisal Wasaare Nuur Cade oo ah Shaqsi wax badan la soo shaqeeyay hay'adaha Caalimiga ah ee ka shaqeeya Arimaha Bani'aadanimada xiriir fiicana la leh beesha caalamka ayaa u muuqda mas'uul soo celin kara gacantii taageero ee beesha caalamku siin jirtay Dowlada federaalka taasoo uu mugdi soo galay tan iyo wixii ka danbeeyay khilaafkii soo kala dhax-galay Madax-weyne C/laahi Yuusuf iyo Pro. Geedi,
 
Isaga oo ka Faa'ideysanaya Xogta aan yareyn ee uu ka hayo dhibaatada Bani'aadnimo ee ka jirta dalka ayaa waxaa hubaal ah Ra'iisal Wasaaraha cusub in uu ka shaqeyn doono sidoo shacabka dhibaateysan loola soo gaari lahaa kaalmo heer caalami ah,  taasoo hadii lagu guuleysto lagu tilmaami karo guul u soo hoyata Dowlada Federaalka oo inta badan wax yaabaha lagu dhaliilo ay ka mid tahay sida ay uga gaabisay wax u qabashada dadka ka firxaday dagaaladii cuslaa ee ka dhacay Caasimada Muqdisho.
 
Madax-weyne C/laahi Yuusuf Axmed oo soo magacaabay Ra'iisal Wasaaraha cusub ayaa marka uu hadlayo ayaa dhinaca kale u muuqda mid siweyn ugu faraxsan in uu Ra'iisal Wasaare u magaacbo shaqsi siweyn Beesha Caalamku u taaqano islamarkaana xiriir qota dheer la leh hay'adaha kuwooda deeqda bixiya, waxaadna moodaa in Madax-weyne C/laahi Yuusuf u arko Ra'iisal Wasaaraha cusub mid horay u dhaqaajin kara wax yaabo badan oo ay ku guul dareysatay xukuumadii Pro. Geedi.
 
Si kastaba arintu ha ahaatee, inkastoo dad badani qabaan isbadal ka dhalan kara magacaabista Col. Nuur Cade ayaa hadana waxaa arintaa sii xoojin kara sida Ra'iisal Wasaaruhu u soo dhiso Xukuumada cusub oo u  baahan in ay noqoto mid laga eego dhinca tayada lakiin aan laga fiirin dhinaca tirada oo kaliya si loo qanciyo shaqsiyaad iyo wax la mid ah.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia