4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2007
Shirkadaha Duulimaadyada iyo Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka oo isku haya Dukumiintiyada ay ku baxayaan Dadka ka dhoofaya Muqdisho

Axad, November 25, 2007(HOL):  Shirkadaha Duulimaadyada ee ka howlgala Magaalada Muqdisho iyo Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ku heshiin la’ yihiin qaabka ay Xujaayda sanadkan ugu amba baxayaan Dalka Boqortooyada Sacuudiga iyo weliba dadka kale ee ka dhoofaya Magaalada Muqdisho.
 
Shirkadaha Diyaaradaha ayaa waxay Xujaay badan Visa ugu dalbeen Baasaboorkii hore ee Soomaaliya, kaasi oo ay Waaxda Socdaalka shaacisay in aan lagu dhoofi karin, waxayna taasi mugdi gelisay rajada ay Xujaay badan ugu amba bixi lahaayeen Dalka Sacuudiga.

Waaxda Socdaalka waxay sheegtay in ciddii dooneysa in ay soo Xajiso oo aan heysan Baasaboorka cusub ee Soomaaliya ay u diyaarisay Dhaafiye fudud oo Xajka kaliya loo isticmaali karo (Travel Document For Haj), kaasi oo shaqeynaya muddo seddex bilood ah.
 
Mas’uuliyiin u hadlay Shirkadaha Diyaaradaha ayaa waxay sheegeen in aysan damaanad qaadi karin in Dukumiintiga Dhaafiyaha fudud ah ee ay diyaarisay Waaxda Socdaalka, kaasi oo ay sheegeen in aysan hubin in ay aqbali doonto Dowladda Sacuudiga.
 
Taliyaha Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed Jen. Maxamed Warsame Darwiish oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa waxay sheegeen in ciddii lagu helo iyadoo ku socdaaleysa Baasaboorkii hore ee Soomaaliya tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumaddii is-casishay Xuseen Ceelaabe Faahiye, isla markaana uu xubin ka ahaa Taliyaha Waaxda Socdaalka Jen.C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa dhawaan waxay socdaal ku tageen dalka Sacuudiga, iyagoo wada hadallo la soo qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Sacuudiga, hayeeshee ilaa iyo haatan ma jiro mas’uul ka tirsan Wafdigii Sacuudiga booqday oo ka waramay waxyaabihii ay Sacuudiga kala socdeen haddii ay ahaan lahayd arrimaha Xujaayda sanadkan iyo haddii ay ahaan lahayd Baasaboorka cusub ee ay sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia