4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2007
Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo saaka la dhigay Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

Axad, November 25, 2007(HOL): Ciidamo aad u tiro badan oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxaa lagu daadiyay Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
 
Ciidamadan oo ku hubeysnaa gaadiidka Dagaalka ayaa waxay dad ku sugan hareeraha Wadadaas u sheegeen in ay qabsadaan wixii howlo ah oo ay leeyihiin wixii ka horeeya 9-ka subaxnimo, iyagoo sheegay in uusan waqtigaas kadib jiri doonin wax dhaqdhaqaaq ah.

Sababta Ciidamada loo geeyay halkaas ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in ay Ciidamadan howlgallo nabad-sugid ah ka wadaan deegaankaas, halka ay jiraan warar kale oo sheegaya in uu wadadaas ku soo socdo wafdi ka imaanaya dhinaca magaalada Baydhabo.
 
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray dhinaca Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye-na waxay sheegayaan in haatanba uu istaagay dhaqdhaqaaqii Dadka iyo Gaadiidka Wadadaas.
 
Hareeraha Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ku dhaqan dad badan oo ka barakacay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo badankood ay degan yihiin Deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana dadkaas heysata xaalad nolol xumo ah kadib markii ay ka soo carareen guryahoodii iyo mehradahoodii ganacsiga.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia