4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2007
Fariisin ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Magaalada Muqdisho oo la weeraray

Axad, November 25, 2007(HOL): Fariisimo ay Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin qeybo ka mid Wadada 30-ka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa habeenkii xalay ahaa weerar ku qaaday kooxo hubeysan.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa lagu weeraray agagaarka Isgoyska Cali Kamiin, Labo Dhagax iyo Baar Ubax, waxaana deegaanadaas laga maqlayay rasaas xoog badan oo ay isku ridayeen Ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxihii hubeysnaa ee soo weeraray.

Goob jooge ku sugan Xaafadda Xamar Jadiid ayaa sheegay in ay dagaalkaas ku dhinteen 3 ruux oo rayid ah, halka uu sheegay in ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan.
 
Lama  oga ilaa iyo haatan khasaare rasmi ah oo soo gaaray Ciidamada Itoobiyaanka iyo Kooxihii weerarku ku soo qaaday, waxaase lagu soo daabacay Bog uu leeyahay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo lagu magacaabo Al-Mujaahid in Ciidamada Itoobiyaanka ay dagaalkaas ku kala firxadeen kadib markii ay dagaal xooggan kala kulmeen Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, waa sida Boggaas lagu xusaye.
 
Wuxuu ahaa weerarkii labaad oo muddo 24 saacadood gudahood ah lagu qaado fariisin ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan, habeen hore ayayna ahayd markii Ciidamada Itoobiyaanka ee ku jira Xarunta Warshaddii Baastada lagu weeraray Madaafiic Hoobiyayaal ah.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa tan iyo markii ay yimaadeen Magaalada Muqdisho waxaa lala beegsadaa weerarro ku dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah, kuwaasi oo ay ka dambeeyaan Kooxo ka soo horjeeda joogitaankooda dalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciidamada Itoobiyaanka ay haatan bilaabeen inay dadka si aan kala sooc lahayn u dilaan mar kasta oo weerar lagu qaado, waxayna taasi dad badan ku kaliftay in ay ka cararaan meelaha ay ka dhow yihiin Ciidamada Itoobiyaanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia