4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2007
Baarlamaanka Soomaaliya oo codka kalsoonida siiyay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya

Sabti, November 24, 2007(HOL): Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu cod aqlabiyad ah ku ogolaaday Ra’iisal Wasaarenimada Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo dhawaan xilkaas loo magacaabay.
 
Kulankii maanta oo ay fadhiyeen 212 Mudane ayaa waxaa cod kalsooni leh ku ogolaaday 211 mudane, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan, waa sida uu caddeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe.

Markii ay Mudanayaasha codkooda kalsoonida siiyeen Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa Baarlamaanka hortiisa lagu dhaariyay Ra’iisal Wasaaraha, iyadoo uu dhaarintaas goob-joog ka ahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo Mudanayaasha Baarlamaanka la hadlay ayaa sheegay in Nuur Cadde uu yahay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, sidaas darteedna loo baahan yahay in ay Mudanayaasha Baarlamaanka bartaan. Intaas kadibna madaxweynaha waxaa uu sheegay in haddii Ra’iisal Wasaaraha la dhaariyay uu si dhaqsi leh ku soo magacaabi doono Xubnaha Xukuumaddiisa, “haddii uu Ra’iisal Wasaaraha ka yimid Baarlamaanka Dibaddiisa, waxay ila tahay in uu xubnaha Xukuumaddiisa ka keeni doono gudaha Baalramaanka”ayuuna yiri Madaxweyne Yuusuf oo hadalkiisaas uu u muuqday mid laabta loogu qaboojinayo Xildhibaano badan oo ka baqaya in ay ka mid noqon waayaan Xukuumadda la soo dhisi doono.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo isna ka hadlay Baarlamaanka hortiis kadib markii la dhaariyay ayaa wuxuu Mudanayaasha Baarlamaanka ka codsaday inay qabtaan haddii ay arkaan isagoo waddo qaldan ku socda, halka uu ka codsaday in ay dhiirigeliyaan haddii ay arkaan isagoo ku taagan wadada saxda ah.
 
Ugu damebeyntiina, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa maalmaha soo socda laga dhowrayaa in uu soo magacaabo Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa oo uu Axdiga u degsan Baarlamaanka Soomaaliya uu u ogol yahay in uu ka keeno Baarlamaanka Dibaddiisa iyo Gudahiisa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia