4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2007
Maxaabiis ku xirneyd Xabsiga Dhexe ee Kismaayo oo la wareegay gacan-ku-heynta Xabsigaas

Sabti, November 24, 2007(HOL): Maxaabiis tiradooda gaareysay 46 Maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Mgaalada Kismaayo ayaa waxay la wareegeen gacan ku heynta xabsigaas, kadib markii ay qabsadeen Ciidamadii ilaalinayay.
 
Maxaabiista la wareegay Xabsiga ay ku xiran yihiin ayaa la sheegay in ay burburiyeen dhismayaasha Xabsiga iyo weliba Albaabadiisa, iyagoo gudaha Xabsiga ku heysta Ciidamadii ilaalada ka ahaa.

Ciidamo aad u tiro badan oo isugu jira kuwii Xabsiga ilaalinayay iyo kuwo Boolis ah oo lagu soo biiriyay ayaa haatan waxay ku hareereysan yihiin Xabsiga Dhexe ee Kismaayo, iyagoo ka hortegaya inay baxsadaan maxaabiistaas oo qaarkood ay ku eedeysan yihiin falal burcadnimo ah.

Maxaabiistan ayaa waxaa laga soo qabtay deegaano u dhaxeeya Gobolka Jubbada Hoose iyo Gobolka Jubada Dhexe, gaar ahaan Magaalooyinka Kismaayo iyo Jilib, waxayna deegaanadaas dhac, kufsi iyo jir-dil ugu geysan jireen dadka socotada ah ee isticmaala Wadada isku xirta Kismaayo iyo Jilib.

Waa markii ugu horeysay oo Maxaabiis Xabsi ku jirta ay la wareegaan gacan ku heynta xabsigii ay ku jireen, isla markaana ay qabsadaan Ciidamadii ilaalada ka hayay Xabsiga, waxaana la dhowrayaa sida ay Ciidamada Booliska iyo kuwa ilaalada ka hayay Xabsigaas ay uga hortagaan in ay maxaabiistaas baxsadaan.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia