4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2007
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ka hadlay xarigga Axmed Diiriye, Idaacadaha Muqdisho iyo isku-day lagu dili lahaa Inj. Suudaan Cali Axmed

Sabti, November 24, 2007(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa maanta wuxuu mar kale soo saaray warsaxaafadeed uu ku dalbanayo in la sii daayo oo xoriyaddiisii dib loogu soo celiyo Afhayeenka Dhaqanka Golahaas Axmed Diiriye Cali oo muddo 14 maalmood ah u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Afhayeen u hadlay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo lagu magacaabo C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa sheegay in ay si weyn uga xun yihiin sida uu yiri xarigga sharci darrada ah ee lagu heysto Afhayeenka Dhaqnka Beelaha Hawiye, wuxuuna caddeeyay in ay ugu baaqayaan Dowladda Federaalka inay sii deyso Axmed Diiriye Cali.

C/llaahi Dheere waxaa uu intaas ku daray in ay cambaareynayaan isku day la rabay in lagu dilo Guddoomiyaha Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ee Elman Inj. Suudaan Cali Axmed iyo weliba shaqo joojin lagu sameeyay xafiiska hay’addaas, waxayna falalkaas ku tilmaameen kuwo lid ku ah u doodista Nabadda iyo Xuquuqda Dadka Soomaaliyeed.

Afhayeenka u hadlay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu intaas ku daray in ay sidoo kale cambaareynayaan shaqo joojinta lagu sameeyay Idaacado ka howlgala Magaalada Muqdisho oo kala ah Shabeelle, Simba iyo Banaadir, “aamusinta Idaacadahan iyo weliba xariga loo geystay Afhayeenka Dhaqanka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali waxay caddeynayaan sida aaney Dowladda Federaalka u rabin in la sheego dhibaatooyinka ay Ciidamadeeda iyo kuwa Itoobiya ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho”ayuu yiri C/llaahi Dheere, Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye.

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo la sameeyay wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Itoobiyaanka soo galeen gudaha Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu had iyo jeeraale soo banaan-dhigaa dhibaatooyinka ay geystaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee gacanta siinaya, iyadoo ay xusid mudan tahay in aysan Dowladda Federaalka jecleysan qaabka uu golahaas u shaqeeyo.
 
Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo dhawaan wareysi siinayay Idaacadda Somaliweyne ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu magaalada Muqdisho isaga baxay kadib markii ay soo gaareen Hanjabaado uga yimid dhinaca Dowladda Federaalka, isagoo ka gaabsaday in uu sheego halka uu Magaalada Muqdisho ka aaday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia