4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2007
Ciidamada Itoobiya oo howlgallo ka wada Deegaanka Suuqa Xoolaha kadib qaraxyo halkaas ka dhacay

Sabti, November 24, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa waxay howlgallo ka wadaan Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa, iyadoo wararka halkaasi naga soo gaarayana ay sheegayaan in ay deegaankaas isaga carareen Dadkii deganaa iyo kuwii mehradaha ganacsi ku heysan.
 
Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo ka baxay Xarunta Warshaddii Baastada iyo Xeradii Maslax  ayaa waxay halkaas tageen kadib markii ay saaka halkaas ka dhaceen qaraxyo, sidoo kalena habeenkii xalay ahaa madaafiic hoobiyayaal ah lagu weeraray Xarunta Warshaddii Baastada.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee howlgallada ka sameynaya Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa la sheegayaa in ay rasaas ku ridayaan dadka ay meelaha fog ka arkaan, iyagoo sidoo kalena kaxeystay dad ay ka qabteen meelaha ay ka howlgaleen.
 
Dorraad ayay ahayd markii uu iska hor-imaad ka dhacay Deegaanka Suuqa Xooolaha, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha Hubeysan ee ka soo horjeeda, wuxuuna iska hor-imaadkaas sababay dhimashada shan ruux oo rayid ah iyo dhaawac 7 ruux gaaraya oo ay ku jireen Shaqaale ka howlgala Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee SOS.
 
Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa wuxuu yahay Deegaankii ugu horeeyay ee looga banaanbaxay markii ay Ciidamada Itoobiyaanka ka soo galeen dhinaca Wadada Balcad horaantii sanadkan, waxayna ilaa iyo haatan Ciidamada Itoobiyaanka deegaankaas kala kulmayaan iska caabin xoog leh.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia