3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2007
Prof. Geeddi sidee buu u arkaa Ra’iisal Wasaaraha cusub ee loo Magacaabay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya?

Sabti, November 24, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee loo magacaabay Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Ra’iisal Wasaaraha la magacaabay uu yahay nin xilka loo magacaabay gudan kara.
 
“Dr. Nuur Cadde waa nin Aqoonyahan ah, Sharci-yaqaan ah oo waayo-arag ah, isla markaana xilal badan ka soo qabtay Soomaaliya, waxaana rumeysanahay in uu ka bixi karo xilka loo magacaabay, inkastoo ay hortaallo howl adag”ayuu yiri Ra’iisal wasaarihii hor ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi.

Prof. Cali Maxamed Geeddi waxaa uu sheegay in haddii ay aragtidooda mideeyaan madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Golayaasha Dowladda ay wax badan ka qaban karaan dhibaatada Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in uu isna intii karaankiisa ah kala shaqeyn doono xasilinta iyo nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya.
 
Wuxuu sheegay Prof. Cali Maxamed Geeddi in uu dukumiintiyadii Xukuumadda Federaalka iyo Xafiiskii Ra’iisal Wasaaraha uu ku wareejin doono Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, isagoo dhinaca kalena gaashaanka ku dhuftay in uu hunguri kaga jiro in uu xil kale ka qabto Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu Ra’iisal Wasaaraha ka soo ahaa, “waxaan soo shaqeynayay muddo 3 seddex sano ah oo aan biyo qabow la cabeynin, haatanna waxaan gelayaa nasiino, mana ii qorsheysno in aan xil ka qabto Xukuumadda Federaalka Soomaaliya”ayuu yiri Prof. Geeddi.
 
“Ra’iisal Wasaaraha cusub waa nin isku xiri kara Caalamka iyo Dowladda Federaalka, waayo in muddo ah ayuu ka soo shaqeynayay hay’ado ku shaqo leh Gargaarka Bani’aadannimada”ayuu yiri Xildhibaan/Prof. Cali Maxamed Geeddi oo shacabka Soomaaliyeed iyo Golayaaasha Dowladda ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ra’iisal Wasaaraha cusub.

Hadalka bogaadinta ah ee Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu maalin ka hor u magacaabay Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) kadib muddo todobaadyo ah oo uu ku jiro la-tashiyo ku saabsan qofka uu xilkaas u magacaabayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
11/24/2007 6:28 AM EST
Sabti, November 24, 2007(HOL): Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu cod aqlabiyad ah ku ogolaaday Ra’iisal Wasaarenimada Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo dhawaan xilkaas loo magacaabay.

11/24/2007 6:27 AM EST
Sabti, November 24, 2007(HOL): Maxaabiis tiradooda gaareysay 46 Maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Mgaalada Kismaayo ayaa waxay la wareegeen gacan ku heynta xabsigaas, kadib markii ay qabsadeen Ciidamadii ilaalinayay.

11/24/2007 6:26 AM EST
Sabti, November 24, 2007(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, garabka uu hoggaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa maanta wuxuu mar kale soo saaray warsaxaafadeed uu ku dalbanayo in la sii daayo oo xoriyaddiisii dib loogu soo celiyo Afhayeenka Dhaqanka Golahaas Axmed Diiriye Cali oo muddo 14 maalmood ah u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya.

11/24/2007 6:25 AM EST
Sabti, November 24, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa waxay howlgallo ka wadaan Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa, iyadoo wararka halkaasi naga soo gaarayana ay sheegayaan in ay deegaankaas isaga carareen Dadkii deganaa iyo kuwii mehradaha ganacsi ku heysan.

11/24/2007 6:24 AM EST
Sabti, November 24, 2007(HOL): Sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Mataan ee Gobalka Hiiraan C/laahi Warsame Daba-gooye waxaa habeenimadii xalay si lama filaan ah gudaha iyo daafaha degmada Matabaan soo galay Kooxo aad u hubeysan oo sida wararku sheegayaan loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen Maxkamadihii Islaamiga.

11/24/2007 4:13 AM EST
Sabti, November 24, 2007(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa ka soo horjeestay magacaabidda uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf xilka ra’iisal Wasaarenimada u magacaabay Xeer-ilaaliyihii Maxkamaddii Badbaadada Dalka Col Nuur Cadde, wuxuuna sheegay in uusan wax badan ka bedeleynin dagaallada wax iska caabinta ah ee lagula jiro Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka.

11/24/2007 4:12 AM EST
Sabti, November 24, 2007(HOL): Ururro ka shaqeeya xaquuqul Insaanka oo tiradoodu gaarayso 8-urur, kana howlgala Gobollada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa qaylo dhaan ku aaddan fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka geysnayo deegaanno ka tirsan Somalia muujiyay.