4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2007
Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo sheegay in uusan waxba soo kordhineynin Ra’iisal Wasaraaha loo magacaabay Soomaaliya

Sabti, November 24, 2007(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee fadhigiisu yahay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa ka soo horjeestay magacaabidda uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf xilka ra’iisal Wasaarenimada u magacaabay Xeer-ilaaliyihii Maxkamaddii Badbaadada Dalka Col Nuur Cadde, wuxuuna sheegay in uusan wax badan ka bedeleynin dagaallada wax iska caabinta ah ee lagula jiro Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka.
 
Afhayeen u hadlay Isbaheysiga Dib u xoreynta oo lagu magacaabo Axmed Cabdalla ayaa sheegay in ujeedada aysan ahayn Qof lagu bedelo qof kale balse ujeedadu ay tahay in ciidamada Itoobiyaanka laga saaro Soomaaliya.

Hadalka Afhayeenkan u hadlay Isbaheysiga Dib-u-xoreyna Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Ra’iisal Wasaare cusub loo magacaabay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo markii la magacaabay kadib sheegay in uu wada hadallo dib u heshiisiin ah la gelayo mucaaradka ka soo horjeeda Dowladdiisa oo uu ku jiro Isbaheysiga la baxay Dib u xoreynta Soomaaliya ee ku sugan Dalka Eritrea.

Nuur Cadde ayaa haddii uu ogolaado barlamaanka Soomaaliya waxaa uu wajahayaa Wadan ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay mid ay ka jiraan Xaalado bani’aadannimo oo aad u daran.

Kumaan dad ah ayaa lagu dilay dagaallo ka dhacay magaalada Muqdisho tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Itoobiyaanka soo galeen Soomaaliya, iyadoo ay sidoo kalena guryahooda ka carareen Dad gaaraya Hal Miyan oo Ruux, kuwaasi oo qaarkood xaalad nolol xumo ah ay ku heyso inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
 
Dhawaan ayay ahayd markii dad magangalyo-doon ah oo ka barakacay Magaalada Muqdisho ay Dowladda Kenya dib ugu soo celisay Dalka Soomaaliya, kadib markii ay iska diiday Dowladda Uganda oo sheegtay in aysan dadkaasi heysan Dal-ku-gal sax ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia