4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2007
Ururro ka shaqeeya Xaquuqda Aadanaha oo qeylo-dhaan ka soo saaray Fatahaadda Webiga Shabeelle

Sabti, November 24, 2007(HOL): Ururro ka shaqeeya xaquuqul Insaanka oo tiradoodu gaarayso 8-urur, kana howlgala Gobollada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ayaa qaylo dhaan ku aaddan fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka geysnayo deegaanno ka tirsan Somalia muujiyay.

Sideeddaan urur oo kala ah: LORDO, SRCS (Bisha Cas), KAHRO, WANLA WEYN HUMAN RIGHT, CDCR, Y.D.R, SMVIARDO IYO SOHRA ayaa kulan ballaaran ku yeeshay Magaalada Baydhabo waxayna soo saareen cod wadajir ah oo ay kaga digayaan fatahaadaha uu sameynayo webiga Shabeelle oo khasarooyin ba’an ka geystay gobollada dalka qaarkood, gaar ahaan Gobolka Shabeellada dhexe oo si weyn ugu fatahay.

Waxay ka digeen ururrada iyagoo qoraalkooda uu yahay mid ku socda Dowladda Federaalka Somalia iyo sidoo kale Hay’adaha UN-ka iyo kuwa kale ee xaaladaha bani’aadamnimo ka shaqeeya in biyahaan ay sababi karaan in Gobolka Banaadir iyo gobollada kale ee dalka kala go’aan, iyagoo si gaar ah u xusay waddada isku xirta Muqdisho iyo Gobolka Bay.

“Wabiga Shabeelle ayaa fataahaadiisa bilaabay bishan November horaanteedii;    waxyeelo ba’anna wuxuu u geystay dhul-baaxad leh oo u dhaxeeya Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose; wuxuuna si gaar ah u saameeyay dhowr tuulo oo hoos-tagta degmooyinka Balcad iyo Afgooye; ayaa fatahaaddiisu waxay iminka maraysaa inay biyahaas billaabaan inay jiiraan laamiga u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn” ayaa lagu yiri qaylo dhaanta ay wadajirka u soo saareen 8-deedaan Urur ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadamnimo.

Ururradaan ayaa waxay sheegeen inay hay’adaha Samafalka ka codsanaynaa   inay sida ugu dhaqsaha badan wax ugu qabtaan dhibaatooyinka ay geysanayaan fatahaadda wabiga Shabeelle; kuwaasoo ku faafaya maalinba maalinta xigta deegaanno cusub oo leh dhul-daaqsin ah iyo mid beereed;

“Biyahan waxay halis u yihiin inay kala jaraan xilligaan waddada habowlaha u ah isu socdka bulshada ee u dhexeysa Gobolka Banaadir iyo Gobollada kale ee Koonfurta dalka ku yaalla” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka wadajirka ah ee 8-da urur ay soo saareen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia