4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 23, 2007
Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo sheegay in uu wada hadal la furayo Mucaaradka Dowladdiisa

Jimco, November 23, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo wareysigii ugu horeeyay siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Mareykanka (VOA) ayaa wuxuu ku sheegay in ay Xukuumaddiisa wada hadal la furi doonto Mucaaradka ka soo horjeeda Dowladdiisa.

“Waxaan aad ugu dadaali doonaa in aan Dadka Dowladda Mucaaradka ku ah ka qanciyo waxyaabaha ay Dowladda ku mucaaradsan yihiin, aniga oo baadi-goobaya waxa ay tabanayaan, haddii ay ahaan lahayd in ay dhaliilsan yihiin waxqabadka Dowladda, haddii ay ahaan lahayd in la dhegeysan waayay fikradahooda iyo haddii ay ahaan lahayd in ay awood qeybsi aawgiis wax u mucaaradsan yihiin”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
 
Nuur Cadde waxaa uu sheegay in inta uusan tallaabo qaadin uu doonayo in uu helo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in uu aad u jecel yahay in uu ku tiirsanaado Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa uu sheegay in uu jagada Ra’iisal Wasaarenimada isu soo sharacay kadib markii uu arkay xaaladda uu dalka Soomaaliya ku sugan yahay, wuxuuna caddeeyay in uu u bareeray qabashada xilkan oo uu gudashadiisa ku tilmaamay waddo qodxo leh oo la marayo, "Haddii qof kasta yiraahdo dhibkan uma bareeri karo oo qof kasta sugo xaalad degan oo yacni muxuu ahaa xasiloon, hadde xaalad noocaas ah ma imaan karto haddii aan dadaal badan loo hurin oo aan loo bareerin dhibaatada jirta"ayuuna yiri Ra'iisal Wasaaraha oo sheegay in uu gudashada xilkiisa u marayo Waddo Nabadgeed.
 
Wuxuu ka hadlay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan iyo goorta laga maarmi doono, wuxuuna sheegay in cid kasta oo Muqdisho ku sugan looga baahan yahay in ay xalka wax ka raadiso, “Ciidamada Itoobiyaanka waxaa laga maarmi doonaa markii nabadgelyo la abuuro oo Umaddeena is-fahamto oo markaasina Ciidamo aan leenahay aan sameysanno”ayuu mar kale  yiri Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
 
Wareysiga uu VOA-da siiyay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu shalay ka sheegay magaalada Baydhabo wax yar kadib markii la magacaabay in marka uu Xukuumaddiisa soo dhiso uu xoogga saari doono Nabadgelyada, Dib-u-heshiisiinta iyo Fududeynta Gargaarka Bani’aadannimada, “Waxaan xoogga saari doonaa Nabadgelyada, Dib-u-heshiisiinta iyo Fududeynta Gargaarka Bani’aadannimada” ayuuna yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Nuur Cadde waa Ra’iisal Wasaarihii labaad oo ay yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya oo seddex sano jirsatay, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ra’iisal Wasaarahan uu ka yimid Dibadda Baarlamaanka Soomaaliya, halka Ra’iisal Wasaarihii hore ee is-casilay Prof. Cali Maxamed Geeddi laga soo magacaabay gudaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhegayso Waraysiga Nur Cadde  -VOA

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia