4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 23, 2007
Gaadiid ay wateen Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu qarxiyay Magaalada Muqdisho

Jimco, November 23, 2007(HOL): Labo gaari oo mid Ural uu yahay oo ay wateen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay dhinaca Xarunta Villa Somalia ayaa saaka subaxnimadii waxaa lagu qarxiyay Wadada Folorenza, gaar ahaan nawaaxiga Barxadda Wardhiigley.
 
Gaariga oo ay saarnaayeen Ciidamo aan tiro badneyn ayaa la sheegay in aysan wax khaaare ah oo buuran soo gaarin marka laga reebo in uu saameeyay firir ka soo baxay qaraxii haleelay oo ahaa mid xooggan.

Ciidamada Itoobiyaanka oo ay la socdaan Ciidamo Soomaali ah ayaa markaasi kadib waxay ku yaaceen xaafadaha u dhow halka lagu qarxiyay, halkaasi oo ay ka kaxeysteen dad dhowr ah oo ay qaarkood waddooyinka ka qabsadeen, halka kuwo kalena ay guryo kala baxeen.
 
Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah ayaa haatan lagu arkayaa qeybo ka mid ah Waddooyinka Wadnaha iyo Wadada Folorenza ka tagta ee aada dhinaca Xarunta Villa Somalia, kuwaasi oo gebi ahaanba joojiyay isu socodka dadka iyo gaadiidka isticmaali jiray Waddooyinkaas.
 
Qaraxa lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka ayaa markii uu dhacay waxaa mar kaliya guryahooda ka soo cararay Rag aad u badan, kuwaasi oo da’dooda ay  kala duwaneyd, waxayna ragaasi ka cararayeen in ay Ciidamada Ciidamadaas kala kulmaan labo arrimood oo kala ah in la xiro ama la dilo.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, beryahan dambe ayaa meelaha lagu arko Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya waxaa ka fogaada Dadka, iyadoo dadkuna ay go’aankaas qaateen kadib markii dhawaan ay Ciidamada Itoobiyaanka dad badan oo rayid ah ku dileen xaafado ka tirsan Degmooyinka, Hodan, Howl-Wadaag, Wardhiigley, Dayniile, Yaaqshiid iyo Huriwaa, iyadoo dadkaas la dilayna ay ku jireen Caruur, Haween iyo Dad Waayeello ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia