4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 23, 2007
Dagaal saaka ka dhacay Deegaanka Bacda oo 50km u jirta magaalada Beledweyne
Jimco, November 23, 2007(HOL): Inta la og-yahay labo Ruux ayaa ku dhaawacantay Dagaal Saakay ka dhacay Deegaanka Bacda oo qiyaastii 50km u jirta magaalada Beledweyne sida uu HOL u xaqiijiyay Gudoomiyahay Degmada Matabaan C/laahi Warsame Dabagooye.
 
Dagaalka ayaa sida wararku sheegayaan dhax-maray koox ka tirsan Makamadii islaamiga Gobalka Hiiraan iyo Ciidamada Maamulka Gobalka ee halkaa Fariisinka ku lahaa, waxaana warku intaa ku darayaa in kooxaha soo weeraray Fariisinka Ciidamada halkaa ka kaxeysteen gaari Noociisu yahay (Rooneed) iyaga oo sidoo kalana qaar ka mid ah Ciidamadii halkaa joogay ka qaatay hubkii ay heysteen.
 
Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya deegaanka saakay dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in wali halkaa ay ku sugan yihiin kooxda weerarka soo qaaday, kuwaasoo hakad galiyay isku socdkii gadiidka gobalada dhaxe ilaa hadana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka gobalka.
 
Maalmihii aynu soo dhaafnay waxa jiray warar isa soo taraya oo sheegaya in qeybo ka mid ah Gobalka gaar ahaan deegaanada ku dhaw magaalada Beledweyne ku sugan yihiin xubno ka tirsan Maxkamadihii islaamiga,  taasoo sababtay in Ciidamada Itoobiyaanku meelaha qaar ka sameeyaan baaritaano lagu baadi goobayo xubanaha ka tirsan Maxkamadaha ee la sheegay in joogaan deefaha Magaalada.
 
Weerarka saakay ka dhacay deegaanka Bacda ayaa sii kordhinaya cabsi markii horeba dadku ka qabay cawaaqibka ka dhalan kara dhaq-dhaqaaqa ay wadaan Kooxaha maxkamadaha iyo dareenka arintaa ku aadan ee dhinaca Ciidamada Itoobiya.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn Somalia