3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 23, 2007
Soo Noqoshada Somaliland ee Maxamed Cabdi Xaabsade 11 sano kadib

Jimco, November 23, 2007(HOL):Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabse ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ay ka wada-hadleen sidii maamul loogu samayn lahaa Gobolka Sool, isla markaana waxa uu ku dooday inaanu u socon mansab siyaasiya oo uu wakhtagan ka qabto Somaliland, balse ay kaliya u jeedadiisu tahay, sidii Gobolka Sool uga qayb-qaadan lahaa horumarka ay Gobolada kale ee Somaliland gaadheen.

Mr. Xaabsade sidaa waxa uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Waxaana uu ugu horeyn ku bilaabay hadalkiisa oo uu yidhi Axmed Cabdi Xaabsade “Waxaan ka imi Gobolka Sool, laba maalmood ka hor, oo Puntland hore u haysatay, imikana ay Somaliland xukunto. Sidaa darteed, halkan (Hargeysa) ayaanu nimi, oo aanu u nimi dhibaatooyin badan oo ka jiray magaalada Laascaanood oo u baahan in wax laga qabto, oo muddadii badnayd ee ay Somaliland iyo Puntland isku hayeen maamulka Sool iyo Cayn iyo Sanaag Bari, intaas ba dhibaataa taagnayd, iyo in aanay Hay’adaha iyo mucaawinooyinku aanay gaadhi jirin.” Mr. Xaabsade waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Kolkaa maanta hadii Somaliland ku adkaatay inay maamulka la wareegto, waxaanu halkan u nimi sidii maamulkii uu u dhismi lahaa, isla markaana loo heli lahaa wax-qabad dhab ah, oo magaaladii iyo dhulalka kale ee raacsaniba, ay kor u kaca dalku gaadhay ama Hay’adaha ay ka heleen ama sidoodadaba ay maamulka uga heleen in uu gaadho Gobolka Sool ayaanu u nimi. Hadana meel fiican ayay ii maraysaa, Madaxweynahana waa is aragnay, wada-hadalna waa ka yeelanay arrintaas. Wasiiro badan oo nala socday ama hawsha wax ka soo qabtay ama halkanba ku sugnaa waa is aragnay iyagana, cid walibana waxay diyaar u tahay sidii wax looga qaban lahaa Gobolka. Sidaasaanan magaalada u imi.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Xaabsade.

Hadalkaa kooban ka dib waxa Axmed Cabdi Xaabsade ay Suxifiyiintii shirkiisaa jaraa’id ka qayb-galay waydiiyeen Su’aalo dhinacyo badan taabanayay, su’aalihii iyo jawaabihii uu ka bixiyayna waxa ay u dhaceen sidan.

S: Axmed, Hadii aynu taariikhda dib ugu noqono Adigu Somaliland raggii aas-aasay ayaad ka mid ahayd, kursiga ugu sareeya ee Golaha Wakiilladana madaxbaad ka ahayd, ka dib si ay wax u dhaceenba waad dhaliishay Somaliland oo Puntland baad u wareegtay oo si adag ayaad uga soo horjeedsatay Somaliland, Markaa immika hadaad leedahay Somaliland wax baanu isku darsanaynaa, oo dhidibada ayaan u aasayaa, maxaa lagugu aamini karaa imika, maxaase is bedelay ee adiga ku soo celiyay?

J: Aamin dee maaha, maxaa lagugu aamini karaa meesha ma taalo, anigu muwaadin baan ahay reer Somaliland ah, hore-na siyaasad baa la isku qabtay oo is qabadbaa jiray is qabadkii wax badan baa iska bedelay, oo wixii maalintaa taagnaa ma taagna, maalintaa dimuquraadiyad baanu ku hadlaynay in la gaadho. Waa la gaadhay, Axsaab ayaa la furay, tartan baa yimi wada-xaajood baa yimi, wax wadaag baa yimi. Markaa is bedelkaa dhacay ayaa aniga isoo celiyay.

S: Axmed, waxa jira siyaasiyiin badan, Garaado iyo dadweyne Gobolka Sool u dhashay oo weli jira dhinaca Puntland. Siyaasada idinkaga imanaysa dhinaca Puntland, sideed uga jawaab celinaysaan, amaba aad jeceshihiin in aad u wajahdaan?
J: Taasi waa wax hawl yar, horta maamul baa meeshii qabtay, oo taagan, oo xukumaya. Aduunkana meel walba mucaarid iyo iska hor imaad waa jiraan. Laakiin hada waxa taagan in maamulkii uu Somaliland yahay, xukunkiina gacanta ku hayo. Wixii khilaafaada ee yar-yarna waa laga wada-hadlayaa, waa laga heshiinayaa, waana la iska saxayaa.

S: Waxa la leeyahay mawqifkaaga ka sokaw socdaalkaagani waxa uu la xidhiidhaa in aad mansab doonayso, dadka qaarna waxaabay leeyihiin Golaha Guurtida ayaa loo waddaa, Wasiir-baa laga dhigayaa. Markaa ma noo sheegi kartaa ilaa imika mansabka aad doonayso Somaliland inaad ka qabato?.

J: Wax mansab ah oo aan u socdaa, oo hadda inaan qabto aan u socdaa maba jiraba. Kaliya waxaan u socdaa maamulkii Somaliland inuu gaadho dhulkaa, in dadkii ay helaan xuquuqda ay la haayeen, in maamulkii istaago iyo inay soo noqdaan wada-lahaanshihii iyo wax wadaagii.

S: Waxaad sheegtay inay wax badani is bedeleen, dimuquraadiyadi Somaliland ka jirto. Markaa ma ku qanacsan tihiin adiga iyo taageerayaashaadu, inaad ka qayb-qaadataan nidaamkan dimuquraadiga ah ee Somaliland?.

J: Haa, waa ku qanacsanahay aniga iyo wixii ila socdaaba, aduunkana dimuquraadiyad ayaa lagu wada noolaan karaa, lagu wada-shaqayn karaa, tiina hadii ay maanta saxantay, taas ayuunbaanu sii taageeraynaa, oo xoojinmaynaa.

S: Waxa aad ka mid tahay ragga siyaasiyiinta ah ee magaca ku leh Gobolka Sool. Markaa markii aad halkan timaadeen,  Madaxweynaha ayaad la kulanteen, maxaad ka wada-hadasheen Madaxweynaha?

J : Waxa ka mid ahaa waxyaabaha aanu ka wada-hadalay Madaxweynaha, in maamulkii la gaadhsiiyo Gobolka Sool, oo si dhab ah beesha reer Sool-na ay uga qayb-gasho haday tahay mid Gobol iyo haday tahay mid Qaran-ba, oo uu maamulka gaadhsiiyo ilaa iyo meesha u dambaysa ee tuulooyinka ah.

J: Md. Xaabsade, intii is bedelka ka dib shaqo badan ayaad ka soo qabateen Laascaanood, maamul baad soo dhisteen, taana waxa dhinac socda in ay Isimadii beeshu ku shirayaan Boocame. Shirkaa Isimada oo dad badani ay u dhagataagayaan, maxaad ka filaysaa inay ka soo bixi karaan?.

J: Horta Isimadu waxay u taagan yihiin hab-dhaqan, laakiin Siyaasiyiin maaha. Shirkaana Isimo ayuun baa isugu tagay, Isimaduna waxay leeyihiin guddoon ee go’aan malaha, siyaasiyiintiina way ka maqanyiin. Halkaa waxa ka soo baxaa waxa uu noqonayaa wax aan loo dhamayn, hadaan loo dhamayna mid meel u socon kara maaha. Waxa loo baahan yahay, oo aanu qabanaynaa shir loo dhan yahay oo Isimo, siyaasiyiin iyo wax-garad mid dibad jooga iyo mid guda joogaba in lagu qabto Laascaanood gudeheeda, oo la isugu yimaado. Maaha in ay Odayaal meel isugu tagaane, waxaanu baahinaynaa shir wayn oo la isugu yimaado, oo danaha Gobolka lagaga tashado.

Gobolku 17-sanno ayuu dhibaataysnaa, iyada oo aanu maamulkii hore-na waxba ka qaban, maanta is hayntaas waanu ka soo hor-jeednaa. waxaanu rabnaa in sida ay tahay meel la isugu raaco.

S: Axmed, waxa jiray warar sheegaya in waqtigii Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, uu yimi Magaalada Laascaanood, aad u soo dirtay laba gaadhi, oo aad Gobolka ka soo eryatay sida aad sheegatay. Goorma ayaad arrimaha noocaas ah ka heshiiseen Madaxweynaha iyo xukuumada Somaliland?.

J: Dee, maamulka markaa isku maanu haysan, ee laba maamul oo is haya ayaanu ahayn. Laakiin maanta meel baanu ka soo wada jeednaa.

S: Shirkan aad sheegtay in aad qabanaysaan beel ahaan, goorma ayaad doonaysaan in aad qabataan?.

J:  Horta Magaalada lagu qabanayaa waa Laascaanood, waqtiguna waa marka la isla eego, ee ay haboonaato, maamulkuna si wanaagasan isu taago, muddo yar ka hor ayuu hada dhashay maamulku. Ilmaha yari marka uu dhasho in la koriyo ayuu u baahan yahay, ilmihii ayaanu korinaynaa, waa aslaaxinaynaa, dabeetana markaas ayaanu u baaqaynaa in nin waliba yimaado.

S: Muddadii maamulka Somaliland uu la wareegay Laascaanood, Maamul goboleedka Puntland waxa uu ku eedeeyay in dhibaatooyin badan oo arrimaha bulshada ahi ay ka jiraan. Markaa eedaymahaa adigu sideed u aragtaa, maxaase ka jira?.

J: Waxba kama jiraan weeye. Maamulka Puntland-na horeba wax uma keeni jirin. Laakiin hada maamulka Somaliland waxa uu keenay daawo, wixii carruurtu wax ku baran lahayd, Raashinkii dadkaasi lagu quudin lahaa iyo in hanaankii magaalada wax laga qabto. Markaa cid wax xasuuqday ma jirto, magaalada dagaal kama dhicin, cidi isma dilin, colaadina ma taalo. Maanta magaalada Laascaanood hadaad dhex-marto laba qof oo is haya, oo siyaasad iskaga soo hor jeedaa ma jiraan, mid dhaqan oo la isku hayaana ma jirto. Markaa waxa la sheegay waa waxba kama jiraan.

S: Waxaad tahay Siyaasi caan ah, oo miisaan weyn ku leh Gobolka Sool, dad badan ayaana TV-da kaa daawanaya. Markaa maxaad dadka ku odhan lahayd ee aad u soo jeedin lahayd?.

J: Waxaan u soo jeedinayaa, horta ummada Soomaaliyeed inay ka waantawdo isku dir iyo dadka in la kala dilo meel kasta oo ay joogaanba Somaaliyi. Dadka reer Somaliland ahna waxaanu u sheegaynaa dalkii waa mid, Somaliland waa mid, xadbay leedahay, hore waxa u jirtay Somaliland iyadaa dhalisay isku darka, isku darkaasina waxa uu keenay in aan wax la wadaagi karin, taas ayaa keentay hada in la kala noqdo. Markaa anagu Soomaali-nimo ma diidanin, laakiin waxaanu leenahay dantayada ayaanu ka fikiraynaa, oo ka tashanaynaa.
 
Dhinaca kale, xaflad qayb ka ah soo dhawaynta Xaabsade, ayay u qabteen qaar ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Somaliland, halkaas oo laysku waydaarsaday hadallo isugu jiray kaftan iyo duur-xul. “Xaabsade Xoolo idinkama rabee, xurmuu idinka mudan yahay, haddii uu xurmo waayana wuu tegayayaaye ogaada” sidaa waxa kaftan ahaan u yidhi, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland.
 
Barkhad M. Kaariye    Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.













Click here
11/23/2007 6:48 AM EST
Jimco, November 23, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo wareysigii ugu horeeyay siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Mareykanka (VOA) ayaa wuxuu ku sheegay in ay Xukuumaddiisa wada hadal la furi doonto Mucaaradka ka soo horjeeda Dowladdiisa.

11/23/2007 6:43 AM EST
Jimco, November 23, 2007(HOL): Labo gaari oo mid Ural uu yahay oo ay wateen Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo baxay dhinaca Xarunta Villa Somalia ayaa saaka subaxnimadii waxaa lagu qarxiyay Wadada Folorenza, gaar ahaan nawaaxiga Barxadda Wardhiigley.

11/23/2007 6:38 AM EST
Jimco, November 23, 2007(HOL): Inta la og-yahay labo Ruux ayaa ku dhaawacantay Dagaal Saakay ka dhacay Deegaanka Bacda oo qiyaastii 50km u jirta magaalada Beledweyne sida uu HOL u xaqiijiyay Gudoomiyahay Degmada Matabaan C/laahi Warsame Dabagooye.

11/23/2007 6:35 AM EST
Jimco, November 23, 2007(HOL): Iyadoo asbuucyadii la soo dhaafay ay buux dhaafiyeen dhaawacyadii la geeyey Isbitaallda Dayniile iyo Madiina ayaa maanta Dad badan oo ku sugan Isbitaaladaas oo la il-daran dhaawacyo ka soo gaaray dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaa loo qeybiyey Isbitaalkiiba 10.000.000 Sh. So. (Toban Milyan Shillin Soomaali ah).