4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 23, 2007
Deeq lacageed gaareyso 20 milyan oo la gaarsiiyey bukaanada ku jra Isbitaallada Madiino iyo Dayniile


Jimco, November 23, 2007(HOL):  Iyadoo asbuucyadii la soo dhaafay ay buux dhaafiyeen dhaawacyadii la geeyey Isbitaallda Dayniile iyo Madiina ayaa maanta Dad badan oo ku sugan Isbitaaladaas oo la il-daran dhaawacyo ka soo gaaray dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaa loo qeybiyey Isbitaalkiiba 10.000.000 Sh. So. (Toban Milyan Shillin Soomaali ah).
 
Sida ay saxaafadda u sheegtay Caasha Cismaan Ugaas (Caasha Shaacuur) oo iyada loo soo wakiishay qeybinta lacagtaan waxaa lacaagtan soo dhiibay gabdho Soomaaliyeed oo ku  sugan Dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaalada Birmingham.
 
Hadaba Isbitaalka Madiina oo ugu horeyntii lacagta la gaarsiiyay ayaa bukaannada ku jira waxay dhamaayeen 165 bukaan, waxaana la siiyey 10.000.000. Munaasabaddii qeybinta lacagtaas kadib ayaa waxaa ka mahadceliyey Agaasimaha guud ee Isbitaalka Madiina Dr Xasan Cismaan Ciise (Dr. Buurane ) oo sheegay in ay ku soo aaday deeqdaan xili ay u baahnaayeen bukaanada jiifa Isbitaalka ee la il daran dhaawacyada ka soo gaaray dagaalladi ugu dambeeyey ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.
 
Sidoo kale deeqdaan qeybteedii kale ayaa la gaarsiyey bukaano ku jira Isbitaalka Dayniile ee Duleedka magaalada Muqdisho, kaasoo howlaha caafimadka ay si weyn uga socdaan kadib markii si wanaagsan loo dayactiray, loona dhameeyey howlihii adeegga guud ee Bulshada, waxaana ugu dambeeyey Gaari Ambulance ah oo bishan gudaheeda uu ugu deeqay Isbitaalka ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdi Cali Faarax, kaasi oo degan Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Dadkaan dhaawaca ah oo aan kula kulmay labada isbitaal ayaa waxey u badnaayeen dhalinyaro inkastoo ay ku jireen caruur iyo Haween da’ walba leh. dhaawacyadaan qaarkood ayaa waxaa ka maqnaa xubno muhiim ah sida gacan ama lug halka qaar kalena lagu sameeyey qaliimo kala duwan, waxaana la kulmay mid ka mid ahaa dhaawacyadii oo lagu jeexayo Saalada qaliinka ee isbitaalka, waxaana aan si weyn uga naxay markii aan arkay qof suuxsan oo jirkiisa mindi saaran tahay oo hadba dhinac loo gedinayo .

 Dadkii halkaas ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Caasho Cisman Shaacuur oo sheegtay in deeqdaan oo kale loo baahan yahay in la isaga daydo iyada oo sheegtay wixii ay isbitaalda ku soo aragtay in ay ahaayeen waxyaabo lala argagaxo oo aan la fiiri Karin.

“Waxaa ka mid ahaa waxyaabihii aan soo aragnay Haween  Xaamilo ah oo madfac ku dhacay iyaga iyo ilmahoodiina ay yaalaan isbitaalka, waxaa kale oo aan ragnay dad jirkoodii kala maqan yahay oo la kala jaray kuwa dhibaatooyin farabadan heystaan oo qax ku jira, waxaan rajeynaynaa in aysan intaas uga harin dadaalka ay muujiyeen gabdhahaan waana in ay ogadaan in ay u baahan yihiin gacantooda”ayay tiri Caasha Cismaan Ugaas (Caasha Shaacuur).

Faadumo Maxamuud Cadaawe ayaa waxay ka mid tahay Dhaawacyada jiifa Isbitaalka Dayniile, waxayna ku soo dhaawacantay Xaafadda Gubta  ee Degmada Dayniile. Faaduwmo markii ay soo dhaawacmeysay waxay ahayd Xaamilo bilaheedii Uurka Dhameystay, Qalliin ayaa looga sameeyay halkii uu Madfac gurigooda ku dhaawacay uu ka haleelay, hayeeshee waxaa qasab noqotay in mar kale Saalada Qalliinka lagu celiyo kadib markii ay fool noqotay, waxaana lagu guuleystay in Canug nool laga soo saaro.



Muuse Maxamuud Jiisow
[email protected]
Muqdisho Somaliya