4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2007
Banaanbaxyo lagu taageerayo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo maanta ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso iyo Garowe

Khamiis, November 22, 2007(HOL): Banaanbaxyo lagu taageerayay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee loo magacaabay xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya ayaa maanta wuxuu ka dhacay Magaalooyinka Muqdisho, Boosaaso iyo Garowe.

Banaanbax si weyn loo soo agaasimay ayaa saakay markii lagu dhawaaqay Ra’iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxaa uu ka dhacay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, kuwaasi oo kala ah Shibis, C/Casiis iyo Kaaraan.
 
Dadweynihii Banaanbaxa ka qeybgalay oo caleemo qoyan ruxayay ayaa waxay ku dhawaaqayeen ereyo ay ku taageerayeen Ra’iisal Wasaaraha cusub, waxayna  qaar ka mid ah dadkaas ay sheegeen in Ra’iisal Wasaaraha cusub uu noqon doono mid Soomaaliya ka bixiya dhibaatada ay ku jirto.
 
Ku simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kana mid ah Guddoomiye ku xigeennada Gobolka C/llaahi Xasan Ganey Firimbi oo ka hadlay magacaabista Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa sheegay in ay Ra’iisal Wasaaraha cusub uu yahay nin ay si weyn u yaqaaneen muddo dheer, isla markaana uu ku kalsoon yahay in uu xilka loo magacaabay gudan karo, isagoo hoosta ka xariiqay in Ra’iisal Wasaaraha la magacaabay uu yahay sida uu hadalka u yiri nin sharci-yaqaan ah oo ku bannaan in xilkaas loo magacaabo.
 
Sidoo kalena banaanbaxyo lagu taageerayay magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa waxay ka dhaceen Magaalooyinka Boosaaso iyo Garowe ee Gobollada Bari iyo Nugaal, iyadoo qaar ka mid ah Dadkii banaanbaxaas isugu soo baxayna ay sheegeen in ay taageerayaan wax kasta oo ay sameyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Nuur Cadde waa Ra’iisal Wasaarihii labaad oo ay yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya oo seddex sano jirsatay, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ra’iisal Wasaarahan uu ka yimid dibadda Baarlamaanka Soomaaliya, halka Ra’iisal Wasaarihii hore ee is-casilay Prof. Cali Maxamed Geeddi laga soo magacaabay gudaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, magacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa waxay soo af-jareysaa su’aal ay maalmahan is-weydiinayeen Shacabka Soomaaliyeed, taasi oo ahayd qofka uu noqon doono Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo jireen mas’uuliyiin badan oo isu soo sharaxay in loo magacaabo Xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia