4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2007
MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF: “Waxaan ugu hambalyeynayaa Ra’iisal Wasaaraha cusub xilka uu qabtay, waxaanse uga tacsiyadeynayaa dhibka adag ee hor-yaala”

Khamiis, November 22, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta xilka ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya ku dhawaaqay ayaa mar uu ka hadlayay xafladdii uu ra’iisal Wasaaraha ku magacaabay waxaa uu ka sheegay in uu ra’iisal Wasaaraha cusub u hambalyeynayo, mar kalena uu uga tacsiyeynayo dhibaatada adag ee hor-taala, “Waxaan ugu hambalyeynayaa Ra’iisal Wasaaraha cusub xilka uu qabtay, waxaanse uga tacsiyadeynayaa dhibka adag ee hor-yaala” ayuuna yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha cusub laga sugayo in uu si dhaqsi ah u soo magacaabayo Xubno Wasiirro ah oo awood leh, kuwaasi oo sida uu madaxweynaha yiri ka samata-bixiya dadka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku jiraan.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu baaq u jeediyay Baarlamaanka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay gacan buuxda siiyaan Ra’iisal Wasaaraha cusub iyo Xukuumadda uu soo dhisayo.
 
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo isna halkaas ka hadlay wuxuu ballanqaaday in uu isna soo dhisi doono Xukuumad awood leh oo ku dhaqmi doonta Axdi KMG ah ee u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay inta uusan soo dhisin  Xukuumadda ka hor uu sameyn doono la-tashiyo uu la yeenayo madaxda kale ee Dowladda iyo weliba bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan.
 
Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa waxaa hor-taala howl culus, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu madax u noqday Dal iyo Dad muddo 17 sano ah dhibaato ku jiray, kuwaasi oo haatan ay la soo deristay xaalado nabadgelyo iyo nolol la’aan ah.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inuu Ra’iisal Wasaaraha cusub soo dhiso Xubnaha Xukuumaddiisa oo uu ka keeni karo Baarlamaanka Soomaaliya Gudahiisa iyo Dibaddiisa, iyadoo marka uu Xukuumaddaas soo dhisana uu Baarlamaanka kalsooni weydiisan doono.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia