4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2007
Baadariga ugu sareeya mad habta Catholic oo ugu baaqay dhinacyada Soomaaliya isku haya

Khamiis, November 22, 2007(HOL): Baadariga ugu sareeya Madhabka Catholic ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda dlaka Soomaaliya, gaar ahaan xaaladda Bani’aadannimo ee ka taagan Magaalada Muqdisho oo dadka ku nool ay isugu darsameen nabadgelyo darro iyo weliba saboolnimo.
 
Baadariga oo ka hadlayay kulan uu Todobaadkiiba mar ugu qudbeeyo Dadka Madhabtaas raacsan ayaa wuxuu sheegay in uu si wel wel leh ula socdo waxyaabaha ka dhacaya Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay Beesha Caalamka in ay ka shaqeyso sidii xal nabadeed loogu heli lahaa dhibaatada Soomaaliya.

Pope-ka 16aad ee Madhabka Catholic waxaa uu intaas ku daray in uu sidoo kale ugu baaqayo dadka huwan mas’uuliyadda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya in ay xil iska saaraan sidii loo heli lahaa xal nabadeed iyo sidii dhibka looga saari lahaa dadweynaha qaaliga ah.
 
Baadariga oo la hadlayay dad Arbaco kasta isugu soo baxay Barxadda San Pietro ee dalka Talyaaniga ayaa wuxuu sidoo kale ugu baaqay Hay’adaha Samafalka in  ay u dhabar adeygaan sidii ay u caawin lahaayeen dadka ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, dhib kasta oo ay ku mudanayaan.

Hadalka uu jeediyay Baadariga Kaniisadda Catholic ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dad ka badan 500 kun oo Ruux ay ka barakaceen Magaalada Muqdisho kadib markii ay ka dhaceen Dagaallo culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, marka laga soo tago hadalka Baadariga ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Talyaaniga oo ku saabsan xaaladaha bani’aadannimo ee ka jirta Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Dowladda Talyaaniga ay mar kasta sheegto in ay Dowladaha Caalamka uga aqoon badan tahay Dalka Soomaaliya, iyadoo ku andacooneysa in ay Soomaaliya horay u gumeysatay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia