4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2007
Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo Bam Gacmeed lagu weeraray xili ay marayeen Xaafadda Suuqa Xoolaha

Khamiis, November 22, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah oo saaka howlgallo ka sameynayay Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa ayaa saaka waxaa lagu weeraray Bambo Gacmeed.

Qarax ka dhashay Bambo Gacmeedkaas lagu weeraray Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxaa ku dhaawacmay Askari Itoobiyaan ah, halka rasaas ay fureen Ciidamada Itoobiyaanka ay ku dhaawacmeen labo ruux oo rayid ah.
 
Goob-jooge ku sugan Deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa HOL u sheegay in ay Ciidamadaas qadar daqiiqado ah kadib ay dib ugu laabteen xarunta Warshaddii Baastad iyo Xeradii Maslax, halkaas oo ay saaka ka soo baxeen. Goob-jooguhu wuxuu intaas ku daray in ay Ciidamadan caado ka yeesheen inay todobaadkiiba labo jeer ay halkaas yimaadaan (maalmaha Arbacada iyo Khamiista).
 
Dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo weliba isu socodka dadka iyo gaadiidka Deegaanka Suuqa Xoolaha  ayaa si caadi ah ku soo noqday kadib muddo kooban oo ay dadku ka carareen halka Ciidamada Itoobiyaanka lagu qarxiyay, iyagoo ka baqayay in ay waxyeello gaarsiiyaan Ciidamada Itoobiyaanka.
 
Qaraxa lagu weeraray Ciidamadan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xaafado ka tirsan Degmooyinka, Huriwaa, Yaaqshiid, Wardhiigley, Hodan, Howl-Wadaag iyo Dayniile ay bilaabeen in ay dib ugu soo laabtaan guryahoodii oo ay ka carareen, wuxuuna qaraxan si weyn u cabsi gelinayaan dadka ku soo noqday xaafadahooda oo meelo ka mid ah ay weli ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya.
 
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan ayaa tan iyo markii ay yimaadeen Magaalada Muqdisho waxaa lala beegsadaa weerarro ku dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah, kuwaasi oo ay ka dambeeyaan Kooxo ka soo horjeeda joogitaankooda dalka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciidamada Itoobiyaanka ay haatan bilaabeen inay dadka si aan kala sooc lahayn u dilaan mar kasta oo weerar lagu qaado, waxayna taasi dad badan ku kaliftay in ay ka cararaan meelaha ay ka dhow yihiin Ciidamada Itoobiyaanka.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia