3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2007
Shir ka dhacay Magaalada London oo lagu taageeray Heshiis ay Beelaha Xawaadle iyo Abgaal ku gaareen Deegaanka Moqokore ee Gobolka Hiiraan

Arbaco, November 21, 2007(HOL): Waxaa dhawaan shir ku yeeshay Hotel Holiday In Ealing London. NW3 Jaaliyadda Beesha Xawaadle ee ku nool Magaalada London ee Dalka Ingiriiska, iyadoo shirkaasina uu ahaa mid lagu taageerayay heshiis colaad joojin ah oo ay beelaha Xawaadle iyo Abgaal ku gaareen Deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Shirkan oo ahaa mid ay Dadkii ka qeybgalay aad ugu faraxsanaayeen Heshiiska colaad joojinta ah ee ay labada Beelood wada gaareen ayaa waxaa laga soo saaray qodobo ay ka mid ahaayeen:

In ay si buuxda u taageerayaan heshiiskaas labada beelood oo walaalaha ah ay gaareen.

In la fuliyo dhamaan go’aannadii  heshiiska lagu gaaray.

Iyo In ay labada beeloodba iska ilaaliyaan dhamaan wixii keeni kara in uu wiiqmo ama uu xumaado heshiiskii ay labada beelood wada gaareen.

Shirka ay labada Beelood ku heshiiyeen oo 15-kii bishan ka dhacay Deegaanka Moqokori ayaa waxaa shir guddoominayay Duubabka Dhaqanka labada Beelood oo kala ah Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo Imaam Maxamuud Imaam Cumar iyadoo sidoo kalena ay goob-joogayaal ka ahaayeen Madaxda Maamullada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan oo ay hoos-yimaadaan deegaannada ay labada Beelood ku dagaalameen.
 
 
Magacyada  Xubnaha Beesha Xawaadle ee baaqa soo saaray.
 
Noor Iidow Beyle                                                   Gudoomiyaha beesha Xawaadle
Mohamed Axmed Mohamed (dhagaweyne)     Gudo-Xigeenka 1aad ee Beesha
Abulaahi Ali Sheekh (Yaaqshiid)                         Gudo-xigeenka 2aad ee Beesha
Mohamed Keydsane Xusen                                 Xoghayaha Guud ee  Beesha
Islaaw Bare Faarax Rooble                                 Xoghayaha Maaliyada  
Abdulaahi aadan Nuur                                         Xibin Giddiga Fulinta
Maxamed Abdulaahi Shuceyb                           Xibin Giddiga Fulinta
Islaaw Maxamud Maxamed Ugaas
Cali Maxamed Arab
Akid Ayaxoow
Cabdi Cilmi Gumaas
Guhaad Ibraahim Cabdi
Cabdirashiid cilmi
Cabdiwahaab Sheekh Ibraahim
Sheekh Saalax Maxamed Macalin
Sabriye Xalane Gaalshire
Axmed X. Maxamed (Cagakoonbo)
Ismaaciil Cilmi Xareed (Atoore)
Cabdulaahi xuseen Fiidshe
Maxamud Cilmi Caalin (Mexico)
Khaliif Muumin Tooxow
Muxudiin Keynaan (Shiino)
Abdikariin Deexey Maxaad
Nuur Cumar Cariif
Oday Maxamud Ibraahim Isaaq
Bashiir Mocow
Abdiges Xusen Sh Sharaawe
Mohamed Macalin Xasan
Kishow
Maxamed Daahir Cali
Mohamed Ismaaciil (Atoore)
G/sare Bare Shuri Faarax
Cilmi Muxumed Maalin
Pro Aweys Mohamed Waasuge
Ibraahim Cabdule Joolaal
Cabulaahi Xasan Sheekeeye
Muuse Weheliye Geedi
Axmed Raage Maxamed
Maxamed Tahliil Muumin
Cabdi Cilmi Axmed (Cabdi Dheere)
Maxamed Xasan Cilmi
Xaali Cunshur Baaley
Cabdi Faarax Beyle
Cismaan Mohamud Mahamed (Xumay)
Faarax  Maxamud Maxamed    (Xumay)
Dr Dirir Abdi Ibraahim
Col Abdulaahi Ali sheikh aadan (Yaaqshiid)
Maxamud Ciise Xaamud (Jilacow)
Salaad Dhalin Omar
Maxamud Guure Weheliye
Abdi Faarax Sharaawe (Laqanyo)
Sh Garaad Axmed Cadow
Faarax Ahmed Sharmarke
Cabdirashiid Amed Sharmarke
Maxamud Cabdi Gaab
Xaaji Maxamed Alaale
Dr Daahir Xasan Cabdi
Dr Cismaan Cilmi Guuleed
Buraale aadan Deeqow
Cabdi Xusen Faahiye
Faarax Cali Rooble
Dr Shuuriye Muumin
Cali Nuur Sugaal
Cabdulaahi Sheekh aadan
Axmed Maxmed Dhoore (Shuqul)
Yuusuf  (Amaano)
Col Cali Aadan Guuleed
Dr Maxmed Muumin Raage
Drs Caasho Faarax Ducaale
Khaliif Warsame Waasuge
Cali Cabdulle Guure
Xusen Mocow Kheyre
Cabdulqaadir Cabdule Xooshow
Maxamed Xasan Dalab
Cali Eelaay
Cali Maxmaed Wehliye (Cali Afweyne)
Cali Maxamed Caraale
Xuseen Cali Fiidow
Inj Abdirashiid Ali Omar

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
11/21/2007 7:07 AM EST
Arbaco, November 21, 2007(HOL): Munasabad lagu maamusayo Maalinta Macalinka Soomaaliyeed ee 21-Nov-2007 islamarkaana ay ka soo qeyb-galeen inta badan Macalimiinta dugsiyada iyo xubno ka socday hay'adaha ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyay magaalada Beledweyne.

11/21/2007 3:46 AM EST
Arbaco, November 21, 2007(HOL): Sokorey Maxamed waxay ka mid tahay Dadka ka barkacay dhibaatooyinka ka jira caasimadad Soomaaliya ee Muqdisho, waxayna haatan ku nooshahay Deegaanka Carbiska oo u dhow Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

11/21/2007 3:44 AM EST
Arbaco, November 21, 2007(HOL): Salaadiin ka soo jeeda Beesha Habargidir oo muddooyinkan dambe ku howlaneyd sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda ka dhex taagan Dowladda Ferderaalka oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

11/21/2007 3:43 AM EST
Arbaco, November 21, 2007(HOL): Guddoomiyaha Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman Inj. Sudaan Cali Axmed ayaa wuxuu ku dhaawacmay weerar ay kooxo Baabuur watay ku soo qaadeen, kaasi oo la doonayay in qaab shil ah loogu dilo.