3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2007
Munaasabad lagu maamuusayay Maalinta Macallinka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Beledweyne
Arbaco, November 21, 2007(HOL): Munasabad lagu maamusayo Maalinta Macalinka Soomaaliyeed ee 21-Nov-2007 islamarkaana ay ka soo qeyb-galeen inta badan Macalimiinta dugsiyada iyo xubno ka socday hay'adaha ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyay magaalada Beledweyne.
 
Gudoomiyaha Wax-barashada Gobalka Hiiraan Max'ed Maclin oo ugu horeyn ka hadlay Munasabada ayaa si balaaran uga warbixiyay heerka  ay soo martay wax-barashada guud e dalka laga soo bilaabo xiligii Gumeysiga ilaa maanta oo sida uu sheegay wax-barashadu mareyso meeshii ugu sareysay.
 
Max'ed Macalin waxa uu sheegay in marka la Eego Xiligii Gumeystaha wax-barashadu aheyd mid xadidin islamarkaana cida loo ogolaa in ay wax-barato ahaayeen kuwa ka shaqeeya xafiisyadii waqtigaa gumeysigu maamuli jiray, ilaa markii danbe loo gubo waqti dalku isagu ismaamulo wax-barashaduna noqoto mid hor marsan lagana wada qeyb-galay.
 
Gobalka Hiiraan mar uu ka hadlayay ayuu sheegay Gudoomiyaha wax-barashadu in 60% la oran karo waa ay dhigtaan dugsiyada dhalin-yarada gaartay waqtigii wax-barashada, lakiin waxaa uu aad u dhaliilay islamarkaana uu ku tilmaamay arin aan aan wanaagseyn sida qoysaska qaar u kala hor mariyaan caruurta ay dhaleen gaar ahaan Gabdhaha oo sida uu sheegay Max'ed Macalin lagu tunto xuquuqda ay u leeyihiin in ay waxbartaan taasoo mar marsiiyo looga dhigayo in Gabadhu aysan waxba ku soo kordhineyn qoyska mar hadii bariba la guursanayo.
 
Waxaase xusid mudan in wax laga xumaado lagu tilmaamay in Dugsiyadii sare ee Magaalada in ay  wali yihiin Deegaan dadku isaga nool yahay,  "" Waa Wax lala yaabo in jiraan Qoysas hoy ka dhigtay Dugsiyadii wax-barashada ee Magaalada kuwaasoo caruurtoodana u doonaya in ay wax-bartaan ayuu yiri Gudoonka wax-barashada gobalka oo ka codsaday dadkaasi in ay baneeyaan Goobaha wax-barashada.
 
inta badan ka qeyb-galayaasha ayaa diirada wada saaray sida mar walba loogu baahan yahay gacan siinta kuwa ku howlan howlaha wax-barashada maadaama ay yihiin ciidanka ugu xooga badan ee la dagaalamaya cadawga ugu weyn aduunka ee ah Jahliga.
 
Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka dhisan ilaa hada 6 dugsi oo isugu jira Hoose Dhaxe iyo Sare  Lakiin dhibaatada ugu weyn ayaa ah in Ardeyda ka soo baxda dugsiyada Gobalka gaar ahaan kuwa Sare ay ku jah-wareeraan dhameystirka waxbarasho marka laga raabo kuwo yar oo fursad u hele in ay tagaan Jaamacadaha ku yaala Magaalada Muqdisho.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia











Click here
11/21/2007 7:20 AM EST
Arbaco, November 21, 2007(HOL): Waxaa dhawaan shir ku yeeshay Hotel Holiday In Ealing London. NW3 Jaaliyadda Beesha Xawaadle ee ku nool Magaalada London ee Dalka Ingiriiska, iyadoo shirkaasina uu ahaa mid lagu taageerayay heshiis colaad joojin ah oo ay beelaha Xawaadle iyo Abgaal ku gaareen Deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

11/21/2007 3:46 AM EST
Arbaco, November 21, 2007(HOL): Sokorey Maxamed waxay ka mid tahay Dadka ka barkacay dhibaatooyinka ka jira caasimadad Soomaaliya ee Muqdisho, waxayna haatan ku nooshahay Deegaanka Carbiska oo u dhow Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

11/21/2007 3:44 AM EST
Arbaco, November 21, 2007(HOL): Salaadiin ka soo jeeda Beesha Habargidir oo muddooyinkan dambe ku howlaneyd sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda ka dhex taagan Dowladda Ferderaalka oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

11/21/2007 3:43 AM EST
Arbaco, November 21, 2007(HOL): Guddoomiyaha Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman Inj. Sudaan Cali Axmed ayaa wuxuu ku dhaawacmay weerar ay kooxo Baabuur watay ku soo qaadeen, kaasi oo la doonayay in qaab shil ah loogu dilo.