4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2007
SOKOREEY MAXAMED: “Intii aan sidan ku noolaan lahaa waxaa la ii qaatay aniga oo is-dhinta”

Arbaco, November 21, 2007(HOL): Sokorey Maxamed waxay ka mid tahay Dadka ka barkacay dhibaatooyinka ka jira caasimadad Soomaaliya ee Muqdisho, waxayna haatan ku nooshahay Deegaanka Carbiska oo u dhow Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

15-kii Oktoobar ee aynu ka soo gudubtay ayay qaxday gurigeeda oo ku yaala Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir, waxayna ahayd markaasi xaamilo bilaheedii Uurka dhameysatay oo ay kaliya u harsan tahay in ay umusho.

Sokorey Maxamed oo ahayd Ugub waxay dhashay iyadoo aaney la joogin Umuliso, marka laga reebo gacan ay ka heshay qaar ka mid ah Dadkii ay Qaxootiga isla ahaayeen.

“Dadka aan isla joognay Deegaanka Carbiska kuma jirin Qof Umuliso ah oo igu caawiyay in aan si caadi ah u dhalo, hayeeshee sidii aan muddo dheer u foolanayay markii dambe waan dhalay, aad ayaana u xanuunsaday”ayay tiri Sokorey Maxamed oo u warameysay Wakaaladda Wararka Qaramada Midoobay ee IRIN.

Sokorey oo sii hadleysay waxay sheegtay in markii ay dhashay canugeedi ugu horeeyay ay aad u faraxday, laakin kadib lagu wargeliyay in ay aad u dhiig-baxeyso, isla makraana uusan wax dhaqdhaqaaq ah lahayn canuga ay dhashay, taasi oo naxdin ku abuurtay, “ Mid ka mid ah Haweenkii ila joogay ayaa ii sheegtay in aanan wel welin, dhiiggana uu iga joogsan doono, laakin waxaan aad u naxay markii la ii sheegay in uusan canugeygii badbaadin oo uu geeriyooday”ayay mar kale tiri Sokorey Maxamed.

Sokorey Maxamed waxay sheegtay in uusan weli ka istaagin dhiiggii ka socday tan iyo markii ay Umushay, waxayna sheegtay in ay xaaladdaas adag ugu sii darsantay iyadoo ay ka xanuunsaneyso Kaadi-heysta, isla markaana aysan koontarooli karin kaadida, Waxaan ogaa in ay kaadi I soo dhaaftay marka aan qoyaan isku arko”ayay tiri Sokorey Maxamed oo ka mid ah Dadka ka barakacay magaalada Muqudisho.

“Ninkeygii wuu iga tegay, isagoo ii sheegay in aanan soo carfeynin, isla markaana uusan ila joogi karin, sidoo kalena dadka aan wada nool nahay ayaan iyaguna rabin in ay ii soo dhawaadaan”ayay tiri dhibane Sokorey oo sheegtay in ay nolosha quus ka taagan tahay.

Sokorey waxay ka cabaneysay xanuun dhinaca kaadi-heysta ka haya iyo weliba mid kale oo ka gaaray marinka ay ilmaha soo maraan marka ay dhalanayaan, waxayna sheegtay in aysan heysan dhaqaale ay isku daweys, “Aniga iyo Ninkeyga aad ayaan u faraxsaneyn, waxaana sugeynay canugeena ugu horeeya, hadda waxba ma heysto, ninkeygi waa uu iga tegay, waxaana ku noolahay cunto aan mar mar ka helno hay’adaha gargaarka iyo mid kale oo ay Dad i siiyaan, ma aqaano wax aan sameeyo, qofna igama caawinayo dhibaatada i heysata, lacag ma heysto aan isku daweeyo, mararka qaarkood waxaan is-iraahdaa nolosha aad nooshahay waxaa kuu dhaanta in aad iska dhimato”ayay tiri Sokorey Maxamed oo ah Gabar 20 jir ah oo ay dhibaato ka soo gaartay canugeedii ugu horeeyay oo ay ku dhashay meel aan dhaqtar iyo umuliso lahayn oo u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia