4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2007
Salaadiin ka soo jeeda Beesha Habar-gidir oo ugu baaqay dhinacyada Dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka in ay wada hadal aqbalaan

Arbaco, November 21, 2007(HOL): Salaadiin ka soo jeeda Beesha Habargidir oo muddooyinkan dambe ku howlaneyd sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda ka dhex taagan Dowladda Ferderaalka oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

Salaadiintan oo kala ah Suldaan C/naasir Jaamac Seed, Cali Maxamed Cali (Ugaas Cali) iyo Suldaan Cali Suldaan Axmed Nuur (Sudlaan Cali Horseed) ayaa waxay horay u sheegeen in ay u istaageen sidii ay u dhexdhexaadin lahaayeen dhinacyada isku haya Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxayna muddo kadib haatan soo saareen hadal ay ku sheegayaan meesha ay wax u marayaan.
 
Suldaan C/naasir Jaamac Seed ayaa sheegay in ay kulamo la qaateen Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiyaanka ee Muqdisho ku sugan, wuxuuna caddeeyay in ay Saraakiishaas ka ogolaadeen in ay dhexdhexaadiyaan iyaga iyo dhinaca kale ee dagaalka  kala soo horjeeda.
 
Suldaanka waxaa uu sheegay in ay dhibaato ka taagan tahay iyagoo aan aqoonin Xafiis ay ugu hagaagaan dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ama xitaa Taleefoonno ay kala xiriiraan, “waan isku daynay in aan la xiriirno dhinaca ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, balse waxaan weynay xafiis ama taleefoonno aan kala xiriirno” ayuu yiri Suldaan C/naasir Seed.
 
“Qolooyinkan ka soo horjeeda Dowladda Federaalka waxaan ugu baaqeynaa in ay wada hadal ogolaadaan, isla markaana ay miiska wada hadalka la yimaadaan waxyaabaha ay rabaan in laga daayo”ayuu yiri Suldaan C/naasir Jaamac Seed oo hadalkiisa ku sii daray in dhibaatada jirta oo xabad lagu sheegaa aysan xal keeneynin in ay dhibaatada sii badiso mooyee.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Salaadiintan oo u muuqda kuwo is-xil saaray ayaa waxay ku cel celinayaan in mushkiladda ka taagan Magaalada Muqdisho laga wada hadlo, isla markaana la badbaadiyo inta ka hartay Dadkii ku dhamaaday Dagaalladii Muqdisho ka dhacay ee dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia