3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2007
Guddoomiyaha Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman oo la dhaawacay

Arbaco, November 21, 2007(HOL): Guddoomiyaha Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman Inj. Sudaan Cali Axmed ayaa wuxuu ku dhaawacmay weerar ay kooxo Baabuur watay ku soo qaadeen, kaasi oo la doonayay in qaab shil ah loogu dilo.
 
Inj. Suudaan Cali Axmed oo qudhiisa ka hadlay weerarka lagu qaaday ayaa sheegay in shalay mar uu ka soo baxay Hotelka Naasa-hablood oo uu shir jaraa’id ku qabtay ay kooxo Baabuur watay ku hor-gudbeen Mooto uu watay, isla markaana uu dhaawac jabniin ah ka soo gaaray mid ka mid ah labadiisa lugood.

“Waxaan ka soo baxay Hotelka Naasa-hablood oo aan ku qabtay shir jaraa’id oo aan uga hadlayay kufsi loo geystay gabar 8 jir ah iyo weliba shaqo joojinta lagu sameeyay Xarunta Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman, falkan la igu soo weerarayna wuxuu dhacay wax yar kadib markii aan shirka jaraa’id soo dhameeyay “ayuu yiri Inj. Sudaan Cali Axmed.
 
Inj. Suudaan waxaa uu sheegay in gaariga lagu hor-gudbay ay kooxaha watay cabaar ceyrsanayeen, ugu dambeyntiina ay u dhigeen Mootadii uu watay, wuxuuna caddeeyay in weerarkaas gaariga loo adeegsaday uu ahaa mid la doonayay in lagu dilo, isagoo meesha ka saaray in falkaas uu ahaa shil caadi ah.
 
Inj. Suudaan Cali Axmed waxaa uu sheegay in muddo bilooyin ah ay raadsanayeen ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in ay dhowr jeer tageen xafiiskiisa, wuxuuna farta ku fiiqay in amar ka soo baxay Dowladda Federaalka lagu xiray Xarunta Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman.

Wuxuu sheegay Inj. Suudaan in baaris lagu hayo ciddii ka dambeysay falkii lagu dhaawacay, isago caddeeyay in la hayo gaarigii loo dhigay oo ay qabteen Dad ku sugnaa halka lagu dhaawacay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in uu falkaas ahaa mid qorsheysan oo la doonayay in qaab shil oo kale ah loogu dilo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
11/21/2007 7:20 AM EST
Arbaco, November 21, 2007(HOL): Waxaa dhawaan shir ku yeeshay Hotel Holiday In Ealing London. NW3 Jaaliyadda Beesha Xawaadle ee ku nool Magaalada London ee Dalka Ingiriiska, iyadoo shirkaasina uu ahaa mid lagu taageerayay heshiis colaad joojin ah oo ay beelaha Xawaadle iyo Abgaal ku gaareen Deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

11/21/2007 7:07 AM EST
Arbaco, November 21, 2007(HOL): Munasabad lagu maamusayo Maalinta Macalinka Soomaaliyeed ee 21-Nov-2007 islamarkaana ay ka soo qeyb-galeen inta badan Macalimiinta dugsiyada iyo xubno ka socday hay'adaha ayaa maanta lagu soo gabo gabeeyay magaalada Beledweyne.

11/21/2007 3:46 AM EST
Arbaco, November 21, 2007(HOL): Sokorey Maxamed waxay ka mid tahay Dadka ka barkacay dhibaatooyinka ka jira caasimadad Soomaaliya ee Muqdisho, waxayna haatan ku nooshahay Deegaanka Carbiska oo u dhow Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

11/21/2007 3:44 AM EST
Arbaco, November 21, 2007(HOL): Salaadiin ka soo jeeda Beesha Habargidir oo muddooyinkan dambe ku howlaneyd sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda ka dhex taagan Dowladda Ferderaalka oo kaashaneysa Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.