4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 20, 2007
Dowladda Kenya oo dib-u-celin ku bilowday Soomaalida Magangalyo-doonka ah ee dalka maciinsaday

Talaado, November 20, 2007(HOL): Dowladda Kenya ayaa waxay dib-u-celin ku bilowday Soomaalida magangalyo-doonka ah ee badankood ka cararay dhibaatooyinka ka jira Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimaddiisa Muqdisho.
 
18 Soomaali ah ayay Dowladda Kenya horay dib ugu celisay Dalka Soomaaliya, iyadoo haatanna qorsheyneysa in ay mar kale dib u celiso 32 ruux oo Soomaali ah, kuwaasi oo iyana miciinsaday Dalka Kenya, si ay nabad iyo nolol uga helaan.
 
Dadkani oo lagu xiray Garoonka Jomo Kenyata ee magaalada Nairobi ayaa dib loogu celinayaa dalkooda Soomaaliya kadib markii ay Dowladda Kenya u diiday in ay siiso magangalyo, waxaana go’aanka ay dadkaas ka qaadatay Dowladda Kenya si weyn u cambaareeyay Ururro u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Kenya ka howlgala.
 
Al-Amin Kimathi oo madax ka ah Urur u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in Kenya ay horay u masaafurisay 18 Soomaali ah, haatanna ay qorsheyneyso in ay dib u celiso dad kale oo intaas ka badan, wuxuuna falkaas ku tilmaamay mid lid ku ah sharciga ka yaala dadka magangalyo-doonka ah haddii ay ahaan lahayd midka Kenya ama xitaa midka Caalamiga ah, “Dadkani waxay ka soo baxsadeen Dagaallada ka socda Muqdisho, waxaana dib loogu celiyay in ay dhintaan”ayuuna yiri Mr. Al-Amin Kimathi.

Dadkani ay dib u celineyso Dowladda Kenya oo ah kuwo ay qaldeen qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya ayaa waxay ka carareen dagaallada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
 
Dowladda Kenya ayaa xadka ay la leedahay Soomaaliya waxay xiratay bishii Janaayo ee sanadkan xiligaasi oo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay xukunkii kala wareegeen Maxkamadihii Islaamka Soomaaliya oo muddo lix bilood ah ka talinayay deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, iyadoo sheegtay in ay ka baqeyso in ay dalkeeda soo galaan sida ay sheegtay dad khatar ku ah ammaankeeda oo ka soo cararay Soomaaliya.
 
Ugu dambeyntiina, Shalay ayay ahayd markii seddex nin oo Soomaali ah oo  hubeysan ay ku toogteen Degmada Mandheera ee Gobolka W/Bari Kenya seddex askari oo ka tirsan Ciidamada Ilaalada Xadka Kenya, waxaana lagu soo waramayaa in weerarka lagu qaaday askartaas uu Askari ku dhintay halka labada kalena ay dhaawac noqdeen, walow ay jiraan warar kale oo sheegaya in ay halkaas dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad rayid ah oo ku sugnaa goobta weerarka ka dhacay.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia