4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 20, 2007
Maamulka Gobolka Banaadir oo howlgeliyay Waaxda Dad-Dhigidda Dowladda Hoose

Talaado, November 20, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in uu howlgeliyay waaxda Dad-dhigidda Dowladda Hoose, taasi oo ay haatan kadib dadka ka heli karaan Dukumiintiyada lagama maarmaanka ah ee ay u baahan yihiin.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Cali (Dhagaxtuur) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in Waaxda Dad dhigidda Dowladda Hoose ay howsheeda bilowday, isla markaana ay dadka ugu hagaagi karaan wixii adeeg ah ee ay u baahan yihiin.

Dhagaxtuur, waxaa uu sheegay in ay Dadku ka heli karaan Waaxdaas Warqadaha Aqoonsiga, Dhalashada, Asluubta, Warqadda Guud ee Qoyska, Caafimaadka iyo tan Jinsiyadda, isagoo caddeeyay in ay dadka adeegaas ugu hagaagi karaan Xarunta Waaxda Dad-dhigidda oo ka soo horjeeda Hotelka Panorama ee ku yaala agaagarka Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka waxaa uu ka digay in ay dadka ka dhego adeygaan qaadashadaha Dukumiintiyadaas oo qaarkood ay muhiim u yihiin in ay dadku galaan safarro ka baxsan Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka bilaabi doonaan baaritaanno ay ku xaqiijinayaan in ay dadka dhoofaya heystaan warqadaas.
 
“Ciddii lagu helo iyadoo wadata warqadaha been abuurka ah ee lagu sameeyo Suuqa Cabdalla Shideeye ee Bakaraaha tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa, waxaana dadka uga digeynaa in ay Dukumiintiyadaas ka qaataan Suuqa Cabdalla Shideeye”ayuu yiri Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur oo wax laga weydiiyay sida ay ka yeelayaan warqado la mid ah kuwa ay bixinayaan oo laga helo Suuqa Cabdalla shideeye ee Bakaaraha.

Suuqa Cabdalla Shideeye oo mudadii 17-ka sano ahayd  ee aanu ka soo gudubnay ahaa Waaxda Socdaalka Soomaaliya ayaa weli waxaa uu u muuqdaa mid shaqeynaya oo howshiisa wata, weliba xili ay Dowladda Federaalka furtay Waaxdeeda Socdaalka, isal markaana ay soo sameysay Baasaboor aan la been abuuri karin oo e-passaport ah, inkastoo ilaa haatan aanu jirin Dal lagu tegay baasaboorkan oo ogolaasho gelid ah (entry) ku dhiftay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia