4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 20, 2007
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ka walaacsan Xaaladda uu ku sugan yahay Axmed Diiriye

Talaado, November 20, 2007(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa si weyn uga walaacsan xaaladda uu ku sugan yahay afhayeenka Dhaqanka Golahaas Axmed Diiriye Cali, kaasi oo ay dhawaan gurigiisa ka kaxeysteen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.
 
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa shaaca ka qaaday in aysan ogeyn meel uu ku sugan yahay Axmed Diiriye, isla markaana haddii ay isku dayeen in ay ogaadaan loo diiday.
 
“Waxaa noogu war dambeysay Axmed Diiriye iyadoo ay ku kacday Sokor uu qabay, xiligaas wixii ka dambeeyayna wax war ah kama helin”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in ay aad uga xun yihiin xaaladda uu ku sugan yahay Afhayeenka Dhaqanka Beelaha Hawiye.
 
Maxamed Xasan Xaad oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in isaga qudhiisa ay soo gaareen hanjabaado ku saabsan in la xiri doono, sidaas darteedna wuxuu caddeeyay in uu magaalada ka baxay, uuna haatan ku sugan yahay meel magaalada banaankeeda ah.
 
War horay uga soo baxay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa lagu sheegay in afhayeenka Dhaqanka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali loo gudbiyay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, kadib markii ay Saraakiil Soomaali ah ku wareejiyeen Saraakiisha Itoobiya ee Muqdisho ku sugan, hayeeshee ma jirto ilaa iyo haatan cid warkaas xaqiijisay.

Ugu dambeyntiina, Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo la aas-aasay wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Itoobiyaanka soo galeen Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu yahay Gole ka soo horjeeda Siyaasadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, wuxuuna golahan mar kasta ka hadlaa dhibaatooyina ay geystaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia