3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 20, 2007
C/kariin Faarax Laqanyo oo si weyn ugu ololeynaya qabashada Xilka Ra’iisal; Wasaarenimada Soomaaliya
Talaado, November 20, 2007(HOL): Tan iyo wixii ka danbeeyay Markii uu xilka R/Iisul wasaaraha iska casilay Pro. Cali Max'ed Geedi islamarkaana Baarlamaanka Soomaaliya Fadhi ay ku yeesheen Magaalada Beydhabo ku ogolaadeen in xukuumada cusub ee la soo dhisayo laga keeni karo Dibada  iyo gudaha Baarlamaanka ayaa waxaa siweyn u soo ifbaxayay xubno aan ka tirsaneyn Baalamaanka Federaalka oo u xusul duubaya sidii ay u qaban lahaayeen xilka R/Iisula wasaaraha Soomaaliya.
 
Shaqsiyaadkan sida weyn u doonaya in ay qabtaan kursiga uu baneeyay R/Iisul Wasaarihii hore Cali Max'ed Geedi ayaa hadda bilaabay in ay kulamo la qaadaan Madax-weyne C/laahi Yuusuf Axmed oo ah Mas'uulka ugu danbeyntii looga fadhiyo in uu ku dhawaaqo R/Iisul wasaaraha Cusub, sidoo kale waxaa jira xiriiro hoose oo lala sameynayo dhinaca Dowlada Itoobiya oo la og-yahay saameyta  ay ku leedahay soo xulida shaqsiga qabanaya xilka R/Iisul wasaaraha.
 
C/kariin Faarax Laqanyo oo ah Saaxib weyn oo ay leedahay dowlada Itoobiya islamarkaana gacan  ku lahaa soo galitaankii Ciidamada Itoobiya ee gudaha dalka Soomaaliya ayaa hadda u muuqda shaqsi u ololeynaya qabashada xilka R/Iisul wasaaraha waxaana uu dhawaan soo gaaray Laqanyo Dalka Itoobiya isaga oo ka soo baqoolaya Magaalada London.
 
Soo laabashada Laqanyo ayaa lala xiriirinayaa sidii uu mas'uuliyiinta dalka Itoobiya kala hadli lahaa arimo u badan dhismaha xukuumada cusub ee soo socta iyo doonistiisa in uu qabto xilka R/Iisal Wasaarah Soomaaliya waxaana uu u muuqdaa Laqanyo mas'uul kaga faa'ideysanay arintan Beesha uu ka soo jeedo ee Hawiye oo ah tan marka la eego awood qeybsiga iska leh kuriga R/Iisal Wasaaraha Soomaliya.
 
Inkastoo Laqanyo uu yahay Saxiib aad ugu dhaw Dalka Itoobiya ayaa hadana doonistiisa la xiriirta kursiga R/Iisul wasaaraha waxaa ay dadka sida weyn ula socda arimaha siyaasada sheegayaan in aysan aheyn mid  cad marka la eego siyaasada Laqanyo oo ah mid ka bilaabatay is magacaabistiisii Madax-weynaha Maamul gobaleedka Midland ee gobalka Hiiraan oo uu markii danbe uga sii xuub siibtay gacan saarka Itoobiya.
 
Laakiin marka dhan laga eego Rajada iyo hamiga Siyaasigan ku cusub Masraxa Siyaasada ayaa waxaa sii hurinaya sida ay isugu fiican yihiin Mas'uuliyiinta sar sare ee Itoobiya sida Wasiirka Arimaha Dibada ee Itoobiya Suim Mesfin  oo inta badan ah Nin ay ka wada hadlaan halka xaalada Soomaaliya xiligan ay mareyso.
 
Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed oo bishan gudaheeda looga fadhiyo in uu soo magacaabo R/Iisal wasaaraha Cusub ee Soomaaliya ayaa wada kulamo iyo la tashiyo uu la sameynayo dhinacyada ay arintani u quseyso gaar ahaan Beesha Hawiye oo la og-yahay in uu ka soo dhax baxayo Mas'uulka soo socda ee qabanaya xilka R/Iisal Wasaaraha.
 
Waxaase cadaan ah marka arinta dhanka kale la eego in Madax-weyne C/laahi Yuusuf uu arintan magaacbista la tashiga ugu badan uu kala sameynayo dowalada Itoobiya oo ah saxiibka koowaad ee dowlada Soomaaliya taasoo qasab ka dhigeysa in R/Iisul wasaaraha Soo socda noqdo mid rabitaan badan u haya siyaasada Itoobiya islamarkaana ka fiyow Siyaasadaha kooxaha ka soo horjeeda siyaasada Dowlada Soomaaliya iyo tan Itoobiya.
 
Ragga ilaa hada la og-yahay in ay qabaan Rajada la xiriirta qabashada xilka R/Iisul wasaaraha ama la hadal hayo ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha Gudaha Max'ed Max'uud Guuleed Gacmo-dheer, Wasiirka Waxbarashada Ismaaciil Hure Buubaa iyo waliba Rag uu ka mid yahay Cali Mahdi Max'ed oo ahaa hogaamiyihii shirkii dib u hishiisiinta ee kol hore lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Onlie
[email protected]
Beledweyn, Somalia











Click here
11/20/2007 5:10 AM EST
Talaado, November 20, 2007(HOL): Dowladda Kenya ayaa waxay dib-u-celin ku bilowday Soomaalida magangalyo-doonka ah ee badankood ka cararay dhibaatooyinka ka jira Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimaddiisa Muqdisho.

11/20/2007 5:09 AM EST
Talaado, November 20, 2007(HOL): Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir ay ku yeesheen Xaruntooda New York waxay kaga hadleen xaaladda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Nabdgelyo la’aanta iyo Gargaarka Bani’aadannimo ee ay u baahan yihiin Dad badan oo ka barakacay dhibaatada ka jirta Magaalada Muqdisho.

11/20/2007 5:08 AM EST
Talaado, November 20, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in uu howlgeliyay waaxda Dad-dhigidda Dowladda Hoose, taasi oo ay haatan kadib dadka ka heli karaan Dukumiintiyada lagama maarmaanka ah ee ay u baahan yihiin.

11/20/2007 5:08 AM EST
Talaado, November 20, 2007(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa si weyn uga walaacsan xaaladda uu ku sugan yahay afhayeenka Dhaqanka Golahaas Axmed Diiriye Cali, kaasi oo ay dhawaan gurigiisa ka kaxeysteen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

11/20/2007 5:06 AM EST
Talaado, November 20, 2007(HOL): Shir ballaaran oo ay soo qaban qaabsay dowladda Uganda oo ay ka soo geb galeen madaxda Somali Community, Duqeyda Somalida, Haweenka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan Uganda ayaa maanta ka dhacay hoyga guddoomiyaha Somali Community Mudane Xuseen Garweyne.