4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 20, 2007
Dowladda Uganda oo u digtay dadka Somaaliyeed ee wadankeeda u soo safraya iyo kuwa ku nool

CAPTAIN HERMAN “Somalidu waan  in ay sharci ku nagula dhaqmaan”

KHADIIJO GURXAN “Haddii Qabiil uu wax ii tarayo ninkeygii oo ahaa Ceydiid ma dileen”

Talaado, November 20, 2007(HOL): Shir ballaaran oo ay soo qaban qaabsay dowladda Uganda oo ay ka soo geb galeen madaxda Somali Community, Duqeyda Somalida, Haweenka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan Uganda ayaa maanta ka dhacay hoyga guddoomiyaha Somali Community Mudane Xuseen Garweyne.


Taliyaha Ciidamada Garoonka Diyaarahada ee Entebbe International Airport Captain Owomugisha Herman ayaa ugu horeytii shirkaas ka hadlay, wuxuuna sheegay in ay jiraan qodobo dhow ah oo laga doonayo in ay Somalida ka helaan, isla markaana ay ku dhaqmaan Somalida Uganda joogta iyo kuwa ka soo deganaya intaba.

“Marka hore waxaan Ilaahey idinkaga baryaynaa in wadankiina uu Nabad iyo degeshaansho ku soo dabbaalo, waayo waxaad tihiin walaalaheen, dhibkiiina waan ka damqaneynaa” ayuu ku bilaabay hadlakiisa, wuxuuna u sii dhaadhacay ujeedka shirka, isagoo yiri “Waxaan dhib ku qabnaa haddii aan nahay Madaxda Uganda, gaar ahaan saraakiisha Garoonka Diyaaradaha dadka ka soo baxsanaya dhibaatada ka taagan Somalia, mahan in aan diidanahay, laakiin waxaa jirta in dadkaas ay si sharci ah aysan ku socon, waayo waxaan heynaa Cadeymo ay ka mid yihiin in aan aragnay dad Somali ah oo wata ticket one way ah oo aan laheyn return ama noqosho, ma dalka ayaad leedihiin?, sidaas oo kale waxaan heynaa dad Somali ah oo meel ay ka yimaadeen aan la aqoon oo garoonka ka soo degay, waayo wax cadeyn ah oo sheegaya in ay ka soo baxeen Muqdisho ama magaalo kale (Exit) kuma taalo Baasaboorradooda, ma cirka ayay ka yimaadeen mise dhulka, waan kala garan weynay, sidaas oo kale waxaan heynaa dad badan oo aan xitaas baasaboor wadan oo na soo gaaray oo garoonka ka soo degay”.

Captain Herman wuxuu sheegay in Dowladda Uganda ay soo dhaweyneyso dadka Somalida ah meel kasta ha ka yimaadaane, laakiin ay sharci ku dhaqmaan, iskana saxaan qaladaadka jira, sidaas oo kale ay dadka diyaaradaha soo saaraya ay iska ilaalinaan qiyaanadooda oo ay u soo dhameystiraan documents kooda safarka.

Qodob kale oo mihiim ahaa ayuu Captain Herman kala hadlay Somalida Magaaladda Kampala wuxuu yiri “inta uu socodo shirka Commonwealth waxaan idinka codsaneynaa in aad habeenkii guryihiina ku jirtaan, waayo waxaa jira dad kale oo doonaya in ay isku keen diraan oo doonaya in ay qash-qashaadaan madaxda iyo wufuuuda caalamiga ah ee noo imaaneys, waxaan nahay isku dhiif, iku kalar, isku cunto iyo isku qaarad intaba”

Captain Herman wuxuu sheegay in documents kasta oo sax ah, ha ahaado mid hore iyo mid dambe intaba ay waaxda socdaalka aqbaleyso, haddii uu dhameystiran yahay.

Sidoo kale shirkii galabta waxaa ka hadshay Marwadii uu ka geeriyooday ALLAHA u naxariitee General Maxamed Faarax Ceydiid oo la yiraahdo Khadiijo Gurxan oo iyadu isku xirta Dowladda Uganda iyo Somalida wadankan, waxayna tiri “anigu waxaan har iyo habeen u taaganahay difaaca iyo u doodiida dadkeyga Soomaaliyeed ee Uganda jooga ama soo galay, madoona in la I ceebeeyo, waa in aan la shaqeynaa dowladda, ammanka la sugnaa, amaradeedana aan qaadanayaa, waayo wadankooda ayaan joognaa, inagu waan soo gubnay keenee, kanna ku dari meyno, shrcigoodana waa in aan u hoggaansanaa”

Khadiijo oo ka jawaabeysay hadal uu yiri mid ka mid ahaa ka soo qeyb galayaashii shirka oo sheegay inuu ka mid ahaa dad ay ka soo dabiinatay xabsiga, laakii markii hore Khadiijo ka fahansanaa in ay hal qolo dowladda kala shaqeyso ayaa tiri “Ana dadku waa is kugu keymid, Qabiil Haddii uu wax ii tarayo ma dileen ninkeygii Ceydiid, Sooaaliduna waa iskugu key mid, sidaas oo kale haddii qabiil wax tarayo dowlad ayaa lagu noqon lahaa”

Khadiijo waxay sheegtay in dadka SOmalida ah sida ay dowladda Uganda uga taxadarto aysan jirin cid kale oo ay u xushmeyso, waxayna intaas ku dartay in dowladda Uganda ay diyaar la tahay wax kasta oo ay communitiga Somalida ay codsadaan.

Khadiijo waxay todobadkii hore Garoonka Entebbe ka soo dabiintay dad gaaraya 30-qof oo la garan waayay meesha ay ka yimaadeen maadama Basaboorka ay wateen uusan laheyn Exit, lakiin ka soo qaxay Muqdisho.

Gudoomiyaha Somali Community Association in Uganda Xuseen Garweyne oo isna ka hadlay kulankiii maanta ayaa sheega in Somalida looga baahan yahay isku duubni wuxuu yiri “Gacmo wada jir ayay wax ku gooyaan, waxaa inoo fiican in aan isku difaacno midowgeena, waayo waxaan joognaa dal kale oo aan keenii, waloow dadlkeena labaad uu yahay”

Guud aan dadkii ka soo qeb galay shirki maanta ayaa ballan qaadan in ay dowladda Uganda kala shaqeynayaan arrimaha ay codsaneyso, waloow si gooni ah looga codsanayo Diyaarahada Muqdisho ka soo baxa in ay sharciga garoomadda iyo dadka Safarka ah ilaaliyaan.

Dowladda Uganda ayaa dooneysa in guud ahaan ay adkeyso ammaankeeda maadaama uu shirka caalamiga ah ee Commonwealth uu ka dhacayo 23-25 bishan, isla  markaana ay ka soo qeyb galayaan madaxda 53 wadan oo ay horkaceyso Boqoradda INgiriika Queen Elizabeth, waxaana jirta cabsi laga qabo Al-qaacida, waxaana dadka Somalida ah ay ku jiraan dadka la tuhunsan yahay.
 
Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Email:-
[email protected]
Kampala, Uganda