5/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 19, 2007
Xubno Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo Hargeysa soo gaaray

Isniin, 19 November 2007 (HOL)- Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo kala ah Wasiirrada Hawlaha Guud Siciid Sulub Maxamed, iyo Boosaha iyo isgaadhiinta Liibaan Ducaale Casayr oo uu weheliyo Axmed Cabdi Xaabsade oo shalay ka soo kicitimay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, isla markaana xalay ku hakaday magaalada Burco, ayaa saaka soo gaadhay Magaalada Hargeysa, ee xarunta Somaliland.

Labadan Wasiir iyo Axmed Cabdi Xaabsade waxa si diiran ugu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo ay ka mid yihiin, Wasiirrada, Ganacsiga, Caddaaladda, Arrimaha Dibedda, Qorshaynta iyo Masuuliyiin ka socotay Axsaabta qaranka. Waxaanay u muujiyeen siday ugu faraxsan yihiin imaatinka Axmed Cabdi Xaabsade ee Hargeysa. Kaas oo muddo sagaal sanno ku dhaw Masuuliyad ka hayay Maamul Goboleedka Puntland ee Somalia.

Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub oo wax laga waydiiyay intii ay xalay ku sugnaayeen Magaalada Burco ujeedada socdaalkoodan, ayaa waxa uu si kooban u yidhi, “Hawshii awalba aanu haynay ayaanu u soo noqonay, waayo dee sow marna la tagi maayo marna lama soo naqon jirin. Laakiin, Xaabsade immikaa ugu horaysa, markaa beri ayaanu imanaynaa Hargeysa.” Inkasta oo aanay faahfaahin intaa ka badan bixinin Masuuliyiintani, haddana waxa la filayaa in Axmed Cabdi Xaabsade uu la kulmi doono Madaxweyne Rayaale, hase ahaatee ma jiraan warar dheeraad ah oo intaa dhaafssani. 

Dhinaca kale, Wasiirka hawlaha guud ee Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa isaga iyo wafti uu hogaaminayaa in muddo ahba ay ku sugnaayeen Magaalada Laascaanood oo ay u joogeen dib habaynta  maamulka  iyo adeegyada bulshada.
 
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland