5/12/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 1 , 2007
Maxamed Dheere oo Dadka Magaalada Jowhar meel fagaare ah kala hadlay

Isniin, January 01, 2007(HOL): Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo maanta garoonka Kubadda Cagta Jowhar kula hadlay dadweynaha magaaladaas oo sameynayay banaanbax ay ku taageerayeen dib u soo noqoshada maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in ay guddomiyihii Gobolka sidoodii u howlgelayaan.

 

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in mudadii shanta ahayd ee uu shaqeynayay maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ay degmooyinka Gobolka gaareen horumar, iyagoo u shaqeynayay sida dowlad oo kale waayo ayuu yiri degmooyinka gobolka waxaa ay leeyihiin saldhigyo, xarumo caafimaad iyo maxkamado.

 

Maxamed Dheere waxaa uu ku cel celiyay in dadka Gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan kuwa Magaalada Jowhar looga baahan  yahay in ay is-cafiyaan, gacmaha is-qabsadaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii loo soo celin lahaa Qarannimadii Soomaaliyeed.

 

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa uu sheegay in ciddi wax tirsaneysa oo dacwad qabta ay u dacwoon karto Maxkamaddii gobolka oo la furay, wuxuuse dadka ku booriyay in ay is-cafiyaan, isla markaana iska iloobaan is-qab-qabsi iyo wixii dhibaato horseedi kara.

 

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in uu si KMG ah u howlgelinayo Guddoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Shabeelaha Dhexe tan iyo inta ay gobolkaas Dowladda Federaalka ugu soo magacaabeyso maamul cusub.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia