Laanta Afka-Soomaaliga ee BBCda Barnaamijka - Sagaalka Habeenimo - G. Afrika Barnaamika - Shanta Galabnimo G. Afrika Barnaamika - Labada Duhurnimo - G. Afrika




Wararka Maanta- Arbaco, Sept 06, 2006










· Dekedda Muqdisho oo 11 sano kadib ay si habsami leh uga socdaan Howlo Dhoofin iyo soo dejin ah
· Shir looga hadlayay joogteynta Nabadda Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay
· Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo ka soo horjeestay in ciidamo ka socda IGAD la geeyo Dalka Soomaaliya
  Maamulka Degmada Kismaayo oo sharaxaad ka bixiyay nooca wareegto uu ku mamnuucayo Shirarka












Dekedda Muqdisho oo 11 sano kadib ay si habsami leh uga socdaan Howlo Dhoofin iyo soo dejin ah


Arbaco, September 06, 2006(HOL): Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho oo muddo 10 sano ka badan u xirneyd arrimo la xiriiray maamul iyo nidaam la'aan ka jirtay Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa si caadi ah uga socda howlo dhoofin iyo soo dejin ah.

Tan iyo markii Dekedda dhawaan dib loo furay waxaa ku soo xirtay ilaa 6 Markab oo isugu jiray 5 ganacsi ah iyo mid u rarnaa Hay'adda WFP oo iyadu muddo 12 sano ah markii ugu horeysay Markab u kireysan uu ku soo xirtay Dekedda weyn ee Muqdisho, waxaana seddexda markab oo kala yimid Dubai iyo Mombasa lagu kala magacaabaa M.V MANKING, M.V SKIPPER ALI IYO M.V RED LINE I.


Dekedda Muqdisho ayaa mar aan booqday waxaa ku soo arkay seddex Markab oo labo u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed, halka midka kalena uu rarnaa Hay'adda WFP, waxaana halkaasi ku soo arkay howlo soo dejin ah oo u socday si ay xamaaliga Dekedda ku raaxeysanayaan, halka markii ay ka xamaali jireen Dekedaha macmalka ah ay dhibaato ku qabeen badeecooyinka ay Maraakiibta ka soo dejiyaan.

Haatan badeecooyinka saaran maraakiibta waxaa lagu soo dejiyaa wiishashka Markabka, waxayna Xamaaliga ka qaadaan meel banaan oo ka fog biyaha Badda, kadibna waxay saaraan gaadiidkii sii qaadi lahaa oo yaala meel aan u dheereyn Markabka.

Sidoo kale waxaa shaqeynaya oo sidoodii ah Bakhaaraddii ay Dekeddu lahayd, waxaana lagu sii xareeyaan badeecooyinka inta laga daabulayo. howlaha ka socda dekedda Muqdisho waxaa soo dhaweeyay ganacsatada badeecooyinka la soo dega oo markii hore soo dejinta badeecooyinkooda dhibaato kala kulmi jiray sida in ay ka lunto, qoydo amaba uu bur bur soo gaaro.

Ugu dambeyntiina Dekedda Muqdisho waxaa weli ku xiran oo rarka saaran looga dejinayaa Markab u kireysan Hay'adda WFP, kaasi oo wada raashin mucaawino ah oo ku dhow 4000 oo tan, isla markaana la doonayo in loo qeybiyo dad ku tabaaleysan gobollada Banaadir, Shabeelooyinka, Jubbooyinka iyo Gedo.

Idiris Maxamed Cusmaan oo ah Madaxa Hay'adda WFP ee Muqdisho ayaa sheegay in raashinkaas si deg deg ah loo qeybin doono dad ay waxyeelo ka soo gaartay fahaadda webiga Shabeelle oo ku dhufatay deegaano ka tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose, wuxuuna soo dhaweeyay dib u furista Dekedda Muqdisho oo muddo 12 sano ah kadib uu ugu soo xirtay Markab u kireysan Hay'addooda WFP.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia





 




Shir looga hadlayay joogteynta Nabadda Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Arbaco, September 06, 2006(HOL): Waxaa saakay lagu qabtay Xarunta Macluumaadka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee Muqdisho ku taala shir looga doodayay sida loo joogteyn karo nabadda ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan tan laga hirgeliyay Caasimadda Muqdisho.

Shirka waxaa wada qaban qaabiyay Hay'adaha kala ah INXA, COGWO, CRD, Dhaqaaqa Bulshada Rayidka iyo Isbaheyisga difaaca Xoriyadda Hadalka ayaa waxaa ka qeybgalay aqoonyahanno badan oo ka kala socday Bulshada Rayidka iyo Maxkamadaha Islaamka ee la wareegay gacan ku heynta magaalada Muqdisho.

Ujeedka kulankan loo soo qaabeeyay ayuu C/naasir Axmed Cusmaan oo madax ka ah Hay'adda INXA uu sheegay in ay isugu jirto labo arimood oo kala ah in maxkamadaha loo muujinayo in howlaha ay hayaan bulshada rayidka ay yihiin kuwo wax dhisaya oo aan ahayn kuwo xaalad abuur ah iyo in wax la iska yiraahdo sidii loo sii joogteyn lahaa nabadda ka dhalatay Gobolka Banaadir iyo gobollo kale oo ay Maxkamadaha Islaamka gacanta ku hayan.

Shiikh C/raxmaan Maxamuud Jinaqow oo ah guddoomiye ku xigeenka Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka ayaa furitaankii kulanka ka hadlay, wuxuuna ku dheeraaday sharaxaad uu ka bixiyay sida loogu baahan yahay in nabadda laga hirgeliyay magaalada Muqdisho loo sii ballaarin lahaa, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in taasi lagu heli karo iyadoo marka hore Xaqa uu Alle adoomadiisa ku leeyahay la bixiyo, iyadoo marka taas la helana ay Adoomada Alle heli doonaan wax kasta oo ay u baahan yihiin oo ay nabadgelyada ugu horeyso, "haddii aan nabad rabno waa in aan diinta Islaamka isku xukunnaa, isla markaana aan taageernaa, waxaan leeyahay waa la helay dariiqii ee yaanan la gefin mar kale"ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Jinaqow.

Mas'uuliyiinta ka socotay Maxkamadaha Islaamka ee kala ahaa Shiikh C/raxmaan Maxamuud Jinaqow, Shiikh Axmed C/llaahi (Fanax) iyo Shiikh Aadan Cilmi waxay dhegeysteen intii ay ku sugnaayeen halka shirka ka socday dhaliil ay u soo jeediyeen mas'uuliyiin ka socotay Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, iyadoo ay xusid mudan tahay in Bulshada Rayidka iyo Maxkamadaha ay dhawaan ka heshiiyeen mad-madow soo kala dhexgalay.

Fanaanadda Seynad Xaaji Cali Baxsan oo si ugu kacsaneyd Maxkamadaha Islaamka ayaa dhaliil aad u kulul u jeedisay Maxkamadaha, waxayna uga digtay in ay dadka u adkeeyaan Diinta, isla markaana ay hal mar ku soo boodaan, "Dadka Soomaaliyeed waa Dad Muslimiin ah oo weligood Diinta Islaamka ku soo dhaqmi jiray oo aan hadda la bareynin, hayeeshee haddii maxkamadaha ay wax saxayaan waa in ay si tartartiib ah ay dadka wax ugu sheegaan"ayay tiri Fanaanadda.

Shiikh Axmed C/llaahi Fanax oo daba socday hadalkii Fanaanadda ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan dhaliisha loo soo jeediyay, wuxuuna caddeeyay in wax kasta oo bani'aadam qabto ay dhaliil yeelan karaan. Shiikh Fanax waxaa uu intaas kadib ka hadlay isbedelka ka dhacay magaalada Muqdisho ee ay maxkamadaha Islaamka hirgeliyeen, wuxuuna xusay in haatan wixii ka horeeyay aysan xubnaha bulshada rayidka aysan ku dhiiran karin in ay shir qabsadaan iyagoo aan laaluush bixin, sidoo kalena aysan xarumahooda ka bixi karin iyagoo aan wax ilaalo ah wadan, balse sheekadaas laga gudbay hadda, isla markaana magaalada ay nabad tahay.

Shiikh Fanax oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan Arrimaha Bulshada iyo Xiriirka Gobollada ayaa intaas ku daray in Maxkamadaha Islaamka ay wax ka qabteen dhibaatooyin dalka ka jiray 16kii sano ee aynu soo dhaafnay oo isugu jiray hanti xoog la isaga heystay iyo amni darro jirtay, wuxuuna caddeeyay in nabadgelyada la helay ay u saamaxday dad dibadaha ku maqnaa muddo dheer in ay haatan soo booqdaan dalkooda Soomaaliya.

Shiikh Axmed C/llaahi Fanax waxaa uu sheegay in mushkiladda Soomaaliya heysatay mudadii 16ka sano ahayd aysan hubka ahayn, wuxuuna tusaale u soo qaatay in haatan uu hubkii Muqdisho yaalo, hadana ay caasimaddii nabadgelyo tahay, taasina wuxuu Shiikhu sabab uga dhigay iyadoo uu hubka gacmaha ugu jiray dad aan ehel u ahayn, "Dekeddii iyo Garoonkii Muqdisho ayaa furan, Magaaladii waa ammaan, Suuqyadii Hubka lagu kala iibsanayay lama xirin, hubkiina weli lama uruurin, taasi waxay muujineysaa in dad xil kas ah ay hubka gacmaha ku hayaan"ayuu yiri Shiikh Fanax oo kula dardaarmay xubnihii Bulshada Rayidka ka socday in ay ka qeybqaataan dhaqangelinta Kitaabka Alle, "inteena haddii aan isugu tagno dhaqangelinta Kitaabka Alle wuu dhaqangelayaa, haddiise aan ka soo horjeesano dhibaatadeeda ayay leedahay"ayuuna yiri.

C/llaahi Maxamed Shirwac oo ka tirsan Dhaqaaqa Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa isaguna ka hadlay madashii shirka, wuxuuna nuxurka hadalkiisa ku soo koobay Shirwac in loo baahan yahay in loo guntado sidii loo joogteyn lahaa nabadda ka jirta Magaalada Muqdisho, sidoo kalena wuxuu talo ku soo jeediyay in loo baahan yahay in ay Hay'adaha Deeqaha bixiya iyo kuwa Wadaniga ah ee wax heysta ay ka shaqeeyaan sidii Magaalada Muqdisho loo magaaleyn lahaa, isla markaana dib loogu soo celin lahaa adeegyadii ay lahayd ee ay ugu muhiimsanaayeen Biyaha, Korontada iyo Bilicda Waddooyinka.

Prof. Xuseen Macallin Iimaan oo ka mid ahaa aqoonyahankii shirka lagu casuumay ayaa isaguna ka hadlay sida ay suurtagal ku noqon karto in aaney kala daadan dadaallada loogu jiro in ay Muqdisho nabad sii ahaato, wuxuuna ka digay marka horeba in lala yimaado cadaalad darro uu sheegay in ay maamulladii hore la degeen. Maxkamadaha ayuu ku dhaliilay in ay beryahaan sameynayaan falal xoog ku muquunin ah, kadibna marka la iska warsado ay yiraahdaan mas'uuliyiinta maxkamadaha falkaas waxaa uu ahaa mid aan loo dhameyn, "inta aan fal lagu dhaqaaqin ka hor waxaa loo baahan yahay in dadka la wacyigeliyo, wixii sameyntooda ay ka mamnuuc tahayna loo sheego, balse ma ahan in marka fal la sameeyo kadib raaligelin la bixiyo"ayuu yiri Prof. Xuseen Macallin Iimaan oo dagaalladii Muqdisho ka dhacay ee u dhaxeeyay maxkamadaha Islaamka iyo Hoggaamiyayaashii Muqdisho isaga cararay uu kaga dhintay wiil uu dhalay.

Xaawo Ciise Wehliye oo ka socotay Hay'adda IIDA oo hoos tagta Dalladda Haweenka COGWO ayaa madashii shirka ka soo jeedisay hadal isugu jiray dhaliil iyo talo, waxayna ugu horeynta Maxkamadaha ku eedeysay in ay waddooyinka Muqdisho ku daadiyeen dhalinyaro isku heysta Qori iyo Garbaash, kuwaasi oo aan wax nidaam ah lahayn, "maalin dhaweyd aniga oo socda agagaarka Baar Ubax ayaa waxaan la kulmay Wiil dhalinyaro ah oo garbaash la dhacaya Nin la ii sheegay in uu ku qaldamay Wadada oo uu seed uusan lahayn ka dhigtay gaari uu watay, ninkaas markii uu ka xanuunsaday garbaashkii lagu dhuftay wuxuu isku dayay in uu ninka qoriga ka boobo, hayeeshee waxaa isugu tegay ciidamadii maxkamadda, weyna kaxeysteen, ilaa iyo haatan ma aqaano sheekada ninkaas meesha ay ku dameysay"ayay tiri Xaawo Ciise oo maxkamadaha kula talisay in ay nidaamkaas wax ka bedelaan.

Dhacdooyinka noocaas oo kale ah in ay dhici karaan waxaa garawshiyo ka bixiyay Shiikh Aadan Cilmi oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan dhinaca Arrimaha Bulshada iyo Xiriirka Gobollada, wuxuuna sheegay in maalin dhaweyd ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka dhacday dhacdo tan ay Xaawo sheegtay la mid ah, wuxuuna intaas raaciyay in ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo degeen Haweeney iyo Gabdho ay dhashay oo Xamar booqasho u yimid, kuwaasi oo sida uu maleeyay laga keenay Dalalka Reer Galbeedka balse Dubai looga soo labisay xijaab aysan aqoonin sida loo qaato. Shiikhu wuxuu sheegay in gabdhaha markii ay garoonka ka soo degeen ay mid ka mid gambadii madaxa ugu xirneyd ka dhacday kadibna uu askari ku sugnaa garoonka uu gabadhii Garbaash u baaciyay dabadeedna uu ku yiri "Naa is-astur", hayeeshee ay gabadhii ku tiri kalmad caay ah oo af-ingiriis ahayd, taasi oo haddii askariga aqooni lahaa ku kalifi lahayd in uu xabad ku dhufto.

Xaawo Ciise Wehliye waxay talo u soo jeedisay dadka Muqdisho ku dhaqan oo ay u qishtay in ay maxkamadaha Islaamka qaab sahlan u taakuleyn karaan, waxayna tiri "Dadka Muqdisho ku dhaqan oo la sheego in ay labo milyan ka badan yihiin haddii ay iska qaadaan qofkii hal doollar, Maxkamadaha Islaamka wax weyn bey ku qaban karaan, nabadda in ay hormartana waxaa fure u noqon karaa in ay Maxkamadaha dhaqaale helaan".

Shiikh Aadan Cilmi oo ah ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Bulshada iyo Xiriirka Gobollada ee Maxkamadaha Islaamka ayaa isna hadlay, wuxuuna sheegay nabaddu in ay asal iyo farac leedahay, "Dadka haddii ay Alle raacaan oo ay awaamiirtiisa fartoomaan nabadgelyo ayay ku noolaanayaan, sidaas darteed haddii aad tihiin xubnihii Bulshada Rayidka waxaan idin leeyahay intii aad u doodi lahaydeen Xuquuqda Dadka u dooda xuquuqda Alle.

Shiikhu waxaa uu dhinaca kale difaacay eedeymaha mar kasta loo jeediyo Maxkamadaha Islaamka ee la leeyahay mey waxaas iyo wax hebla wax ka qabtaan, "Annaggu waxaan jirnaa labo bilood, waadna garan kartaa canug labo bilood jir ah sida uu yahay, waxaad noogu talageleysaan oo aad naga sugeysaan canug labo bilood jir ah tallaabadii uu qaadi lahaa"ayuu yiri Shiikh Aadan oo sheegay in ay maxkamadaha Islaamka dhiirigelin uga baahan yihiin Bulshada rayidka, "Hooyada marka uu canugeeda kufo ma tiraadho waad kuftay ee waxay tiraahdaa waa booday, marka waxaan idinka sugeynaa haddii aan kufno dhiirigelintii aan ku istaagi lahayn"ayuu mar kale Shiikh Aadan Cilmi.

Madiino Maxamuud Cilmi (Madiino Janaraal) ayaa iyaduna ka mid ahayd xubnihii Bulshada Rayidka ka socday ee Mas'uuliyiintii Maxkamadaha ka socday dhaliisha u jeedisay, waxayna Madiino Janaraal dib u qooraansatay in markii maxkamadaha Islaamka ay dagaalka kula jireen Hoggaamiyayaashii Muqdisho laga ceyriyay waxa garabka ka helayeen ay ahaayeen Bulshada Rayidka, sidaas darteedna waxay ugu baaqday Mas'uuliyiinta Maxkamadaha in ay albaabada furaan, ileen sida ay tiri Guri Albaabkiisa xiran yahay si loo galo lama yaqaane.

"Haddii aad hoggaankii tihiin, annaguna gacmihii ayaa nahay, waxaan ku baaqeynaa in laga fogaado wax kasta oo keeni kara anaa iri, haddii taasi dhacdase waxaad ogaaneysaan in Maxkamadaha gambar gaaban loogu fadhiyo. Madiino Janaraal waxay xubnihii Bulshada Rayidka ka socday ay u sheegtay in aan Maxkamadaha laga lahayn, isla markaana looga baahan yahay in howsha dhinacooda ka qabsadaan, iyadoo ugu dambeyntiina carrabka ku adkeysay in tan iyo markii ay Maxkamadaha Islaamka la wareegeen gacan ku heynta Muqdisho ay hareen su'aalo ku hor gudbanaa dadka Muqdisho, kuwaasi oo ay ka xustay, {Mucaawino ma dooneysaan, haddii aad dooneysaan dekedda iyo garoonka furta, yaa tahay, halkee ka timid iyo kuwo kale}.

Ugu dambeyntiina kulanka looga hadlayay joogteynta Nabadda Soomaaliya ee ay soo wada qaban qaabiyeen ay'adaha kala ah INXA, COGWO, CRD, Dhaqaaqa Bulshada Rayidka iyo Isbaheyisga Difaaca Xoriyadda Hadalka ayaa waxaa loogu talagalay in uu socda maanta iyo berri, waxaana la filayaa in gunaanadka shirka laga saaro qoraal lagu xusayo waxyaabihii ka soo baxay shirkii labada maalmood u socday Bulshada Rayidka Soomaaliyeed iyo Maxkamadaha Islaamka.


Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo ka soo horjeestay in ciidamo ka socda IGAD la geeyo Dalka Soomaaliya

Arbaco, September 06, 2006(HOL): Cutubyo ka tirsan Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta waxay magaalada Muqdisho ka sheegeen in ay la dagaalami doonaan haddii ay dalka Soomaaliya cag soo dhigaan ciidamo ka socda Urur Goboleedka IGAD.

Ciidamadan ayaa muujinayay sida ay uga soo horjeedaan Faragelinta ay Dowladda Itoobiya ku heyso dalka Soomaaliya, waxaana isugu yimid Xaruntii Xisbiga Ciidamo ka tirsanaa Ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo isugu jiray Rag iyo Haween, iyadoo weliba ay xusid mudan tahay in ay isu soo baxaas ciidan ay ka qeybgaleen Ciidamadii ku naafoobay dagaalkii 1977-kii ee dhexmaray Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Jen. Maxamed Nuur Galaal oo saxaafadda kula hadlay Xaruntii Xisbiga oo ay Ciidamada isugu yimaadeen ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ay u diyaargaroobaan sidii ay dalka Soomaaliya uga difaaci lahaayeen cadaw ku soo socda oo uu Dowladda Itoobiya ku tilmaamay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay Jananka in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Itoobiya ay cadaawad ka dhaxeyso.

Wuxuu ugu baaqay Itoobiya in ay dalka Itoobiya isaga baxdo, haddii ay ka bixi weysana waxaa uu caddeeyay in ay iyagoo cago-cad ay ku noqon doonaan dalkooda, wuxuuna Jen. Galaal intaas ku sii daray in ay si wanaagsan isu yaqaanaan Ciidamada labada dal oo labo jeer oo hore dagaal iskala horyimid.

Jen. Galaal waxaa uu sheegay in Dalka Soomaaliya uu cadaw ku soo duulayo, Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Maxkamadaha Islaamkana aysan lahayn wax tabar ah oo ay dalka ku difaacaan, sidaas darteedna wuxuu dalalkii Soomaaliya saaxibada lahaa oo uu Masar si gaar ah uga xusay ka codsaday in ay taageeraan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Isu soo baxa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee maanta lagu qabtay Xaruntii Xisbiga waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu ka dhacay Fagaaraha Tareebuunka Banaanbax ay soo qaban qaabiyeen Maxkamadaha Islaamka oo lagu diidanaa in ciidamo ka socda dalalka IGAD la geeyo dalka Soomaaliya.

Dhanka kalena, sida ay ku soo warameyso Wariyaheena magaalada Kismaayo Sahra Cabdi Axmed waxaa maanta Magaaladaas ka soo saaray qoraal ku socda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed Wasiirka Gaashaandhigga Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo la ogyahay in uu si weyn uga soo horjeedo ciidamo shisheeye oo loo diro Soomaaliya.

Wasiirka waxaa uu ugu baaqay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed in ay u diyaar garoobaan difaaca dalka, wuxuuna kula taliyay Saraakiisha Ciidamada in ay Xarumo ka sameystaan Deegaanada ay uga sugan yihiin, isla markaana ay xiriir joogto ah la yeeshaan Wasaaradda Gaashaandhigga.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Maamulka Degmada Kismaayo oo sharaxaad ka bixiyay nooca wareegto uu ku mamnuucayo Shirarka

Arbaco, September 06, 2006(HOL): Maamulka degmada Kismaayo ayaa waxay toddobaadkan soo saareen wareegto ay ku mamnuucayaan kulamada qarsoodiga ah ee aanay ogayn, mudaaharaadyada iyo muxaadarooyinka aan lala soo socodsiinninba.

Wareegradaas oo uu ku saxiixnaa guddoomiyaha maamulka degmada Kismaayo Xaaji Daahir Maxamed Cilmi (Daahir Carrabeey) ayaa waxaa isla markiiba dadku ay qaateen fasiraado kala duwan oo la xiriirta wareegtadaas, waxaana qaar ka mid ah dadweynuhu ay ku micneeyeen tallaabo qaad la xiriira dhinaca maamul goboleedka Jubbaland oo la rabo hawlihiisu in ay degdegaan, hal meelna ka socdaan, iyadoo qaar kalena ay ku fasireen in dhinaca diinta la soo faragashaday oo muxaadarooyinka diiniga ah la diiddan yahay iyada oo laga fogaanayo dhinaca maxaakiimta islaamiga ah.

Mar ay saxaafadda gudaha wax ka weydiisay Daahir Carrabeey wareegtada uu soo saaray maamulkiisa iyo cabashooyinka ka soo baxayaba waxa uu ku tilmaamay in muxaadarooyinka diiniga ah ee diinta ku kooban aan la diiddanayn ee la diiddan yahay kuwa magac diimeed lagu qabanayo balse siyaasadi ku dheehan tahay.

Wareegtadan oo markii dambe saxaafadda inay qaadqaado loo diiday ayaa waxaa ay ku badatay hadal haynta dadka magaalada Kismaayo, iyadoo fasiraadda dambe ee guddoomiyaha degmada Kismaayo uu ka bixiyay muxaadarooyinka ay xoogaa rajadii culumada ee dhinaca muxaadarooyinka soo celisay.

Wareegtada oo nuqul ka mid ah loo akhriyay saxaafadda balse loo diiday koobi in laga siiyo ayaa waxaa adkaatay in aan koobbi ka helno. Balse waxaa la mamnuucay saddex qodob oo ay ka mid yihiin: Shirarka Qarsoodiga ah, Mudaaharaadyada, Muxaadarooyinka, kuwaasoo sida uu maamulka degmadu sheegay la qaban karo oo keliya marka la soo ogeysiiyo maamulka degmada oo uu ogolaado.

Sahra Cabdi Axmed, Hiiraan Online
[email protected]
Kismayo, Somalia






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2006 Hiiraan Online