Wararka Maanta- Khamiis- May 18, 2006










· Rag u dhashay gobolka Bay oo tacadiyo Bani'aadanimada ka baxsan loogu geystay gobolka deegaano ka tirsab Gobolka Mudug
· Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo loo qabtay Tababar ku Saabsan Heshiiska Cotonou ( Cotonou Partnership Agreement )
· Ra'iisal Wasaare Geedi oo jawaab ka bixiyay sida uu ka yeelayo Wasiirrada Muqdisho ku sugan












Rag u dhashay gobolka Bay oo tacadiyo Bani'aadanimada ka baxsan loogu geystay gobolka deegaano ka tirsab Gobolka Mudug


Khamiis, 18 May 2006 (HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in degmada Bacaad weyn oo qiyaastii dhanka waqooyi kaga aadan Magalada Gaalkacyo 35 KM uu ka dhacay fal aad xun oo lagula kacay dhalinyaro ganacsato ah oo dhamaantod ka soo jeeda gobolka Bay.

Dhalinaradan oo tiradoodu gaarayso ilaa 7 dhalinyaro ah ayaa lagu eedeeyey inay geesteen fal tuuganimo iyo xatooyo ah oo aysan geysan sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo ku sugan halkaasi.

Ragaani dhalinyarada ah ayaa loo geystay jir-dil iyadoo gacmaha iyo lugahaba laga jajabiyey, iyadoo kadibna sida ay sheegeen dhalinyarada qudhooda caag la dhalaaliyey dusha looga shubay.

Sidoo kalena waxaa la sheegay in nimankani xiniinyaha laga bixiyey, waxaana falkaas aad uga xumaaday oo cambaareeyay qaar ka mid ah dadka Gobolka Muduug, kuwaasi oo sheegay in tacadiga loo geystay dhalinyaradaas uu yahay mid aan weli ka dhicin deegaanada Puntland.

Cusbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo ayaa haatan lagu dabiibayaa ragani iyadoo ay si weyn ugu gurmadeen dadweynaha reer Gaalkacyo, isla markaasina laga soo qaaday meshii waxyelada loogu geystay oo ahayd Tuulada lagu magacaabo Bacaadweyn

Shaqaalaha Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo oo aan maanta la xariirnay si aan wax uga ogaano ragaani haybtooda iyo magacyadooda ayaa waxaa ay noo sheegeen in ay qeyb ka mid ah ragaasi xaladdooda caafimaad ay aad u liidado welina ay kooma ku jiraan .

dadkii falkaani geystay ayaan ila iyo hadda gacanta lagu soo dhigin, walow baadi goob loogu jiro sidii loo so qaban lahaa dadkaasi iyadoo dhinaca kalena ay dadka reer Gaalkacyo ay ku badatay hadal heynta dhacdadaasi iyo dadka geystay sida aan waajibkooda loo marin hayeeshee sida ay maamulku sheegeen lagu raad joogo dadka wax-ma-garatada ah ee geystay falkaas foosha xun.

Nagacyada iyo Jufooyinka ay ka soo jeedaan Dhalinyarada Tacadiga loo geystay

Cabdi Macalin Cabdi ( Aflow )Jiroon

C/raxiin Cali Nuur ( Jiroon

Maxamed Shariif Saafi ( Jiroon )

Xuseen Aadan Ibraahim ( Liisaan )


Dhalinyaradan waxaa loo geystay xadgudubyo Damiiri ah oo Bani'aadannimada ka baxsan

Iidle Macallin Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia 





 




Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo loo qabtay Tababar ku Saabsan Heshiiska Cotonou ( Cotonou Partnership Agreement)


Khamiis, 18 May 2006 (HOL): Hay'adda Cilmi Baarista iyo Wada-tashiga Soomaaliyeed ee (CRD) waxaa ay maanta u furtay madaxda gudiyadda Baarlamaanka tababar la xiriira heshiiskii Contonou agreement.

Ujeeddada kulankan soconaya labada maalmood oo ah kii ugu horreeyay oo noociisa ah, waa soo bandhigidda macluumaad guud oo ku saabsan Heshiiska loogu magac daray Cotonou oo soomaaliya dhinac ka tahay.

HESHIISKA COTONOU

Heshiiska Cotonou waa iskaashi ku saleysan kaalmo iyo ganacsi oo dhex maray 15ka dal ee ku bahooday Ururka Midowga reer Yurub iyo 77 dal oo ah dalalka loo yaqaano ACP (African, Pacific iyo Caribean) waxaana la saxiixay bishii Juun sannadku markuu ahaa 2000.

Taariikh ahaan heshiiskan waxaa ka horreeyay heshiisyo kale sida kii Younde oo ay ku bahoobeen dalalka Afrika ee Afka Faransiiska ku hadla horraantii 60yadii, waxaa xigay heshiisyadii la magac baxay Lome I, II, III, VI.

Haddaba, heshiiska Cotonou wuxuu kaga duwan yahay kuwii ka horreeyay isagoo mudnaan gaar ah siinaya aqoonsadayna kaalinta hormuudnimo ee kooxaha bulshada ku hawlan horumarka dalka, kaabayana hay'adaha dowladda, marka laga hadlayo horumarka iyo adeegga bulshada. Haddaba heshiiskan wuxuu aqoonsaday kooxahaasi kuwa soo socda:

•  Qaybaha hantida gaarka loo leeyahay (Private sector) oo iyaga ka sokow horumarka abuura fursado shaqo.

•  Qaybaha xirfadleyda (Professional Sectors) sida dhaqaatiirka, qareennada, macallimiinta, Injineerrada iwm.

•  Ururrada bulshada rayidka ah (Civil Society Organizations) oo iyagu inta badan ku howlan wacyigelinta bulshada iyo u galaangalka xuquuqda aadanaha iyo dowlad wanaagga (Good Governance)

Soomaaliya iyo Heshiiska Cotonou

Xilligii heshiiskan la saxiixay sannadkii 2000, kama jirin dalka dowlad dhexe oo caalamku aqoonsan yahay, sidaasoo ay tahay wuxuu heshiiska soomaaliya u aqoonsaday in ay ku jirto xaalad gaar ah, ayna tahay in loo abuuro fursad ay kaga faa'iideysan karto heshiiskan sida uu tilmaamayo qodobka 93aad faqradiisa 6aad.

Haddaba sida aad la socotaan waxaa hadda ka jirta dowlad dhexe taasi oo suurtagelisay in madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Ra'iisal wasaaraha ay dhowaantan kula kulmeen xarunta EUda ee Brussels waddanka Biljimka madaxda Midowga Yurub, ayna halkaa ku wada saxiixdeen qoraal is-afgarad (Memorandum of Understanding), kaasoo albaabka u furaya siday soomaaliya u saxiixi lahayd heshiiska Cotonou mustaqbalka dhow.

Waxqabadka xafiiska CRD ee Barnaamijka taageeridda kooxaha ku hawlan horumarka kaabayana hay'adaha dowladda.

Tan iyo markii uu xafiiskan bilaabay hawsha waxaa ugu horeyn la qabtay kulamo wada tashi oo ujeedadoodu tahay xog ururin dhab ah oo ku saabsan maxaa jira oo shaqeynaya iyadoo mar walba mudnaanta la siinayey kooxaha leh qaab dhismeed �'Networking system''.

Haddaba waxaa soo if baxay hay'ado aan iyagu lahayn qaabkaas isku xiran, isla markaana daboola baahida bulshada. Taasi waxay keentay culeys ah sidii la isugu keeni lahaa kooxahaas kala firirsan, loona mideyn lahaa. Dabadeed xafiisku wuxuu abuuray ama dhisay guddi loogu magac daray Guddiga wadatashiga oo ah dad runtii bulshada dhexdeeda maqaam sare ku leh.

Dabadeed xafiiska iyo guddiga waxay ku guuleysteen in ay mideeyaan dadkaasi ilaa iyo haddana waxaa la diyaariyay Koox Howleed (Working Group) kuwaasoo noqonaya mustaqbalka Hay'adaha horumarka ku hawlan talana ka siiya dowladda barnaamijyada horumarineed.

Tababarkii maanta waxaa ka hadlay furitaankiisa Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cumar Dalxa, oo ku nuux-nuuxsaday muhiimada uu tababarka noocaani ah u leeyahay Barlamaanka, �Tababarkan waxaa uu siin doonaa gudiyadda Baarlamaanka aqoon ay si hufan ugula xisaabtimi karaan dowladda� ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka. Sidoo kale waxaa isna halkaa ka hadlay Jabriil Ibraahim Cabdulle, madaxa Xarunta CRD, oo sheegay in ay u arkeen in ay lama huraan tahay in Baarlmaanku wax ka ogaado qodobadda heshiika Cotonou, si ay dowladda iyo kooxaha ku howlan horumarka dalk ( Non-State Actors) ay u wada shaqeeyn lahaayeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
 






 




Ra'iisal Wasaare Geedi oo jawaab ka bixiyay sida uu ka yeelayo Wasiirrada Muqdisho ku sugan

Khamiis, 18 May 2006(HOL): Waxaa saakay lagu qabtay Xarunta KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliyeed ee magaalada Baydhabo kulan ay Xildhibaanada Baarlamaanka su'aalo ku weydiinayeen Ra'iisal Wasaare Geedi, iyadoo su'aalahaasina ay ku saabsanayeen sida uu Ra'iisal Wasaaraha ka yeelayo Wasiirada Xukuumadda Federaalka ku jira ee Muqdisho dagaallada ka wada.

Xildhibaano ay ka mid ahaayeen Caasho Axmed Cabdalla ayaa Ra'iisal Wasaaraha weydiiyay go'aanka uu ka qaadanayo wasiirada Muqdisho ku sugan ee ku lugta yeeshay dagaalladii Muqdisho ka dhacay, �Md. Ra'iisal Wasaare Baarlamaanka Soomaaliyeed waxa uu maanta kaa sugayaa in aan keento warqaddii aad xilka uga qaadeysay wasiirrada Muqdisho ku sugan ee shacabka xasuuqaya�ayay tiri Caasha Axmed Cabdalla.

Intaas kadib Ra'iisal Wasaare Geedi oo ka wajaabayay su'aalihii la weydiiyay ayaa ugu horeyn ka codsaday guddoomiyaha Baalamaanka in Xildhibaanada Baarlamaanka ay fikirkooda soo gudbiyaan, isla markaana ay iska iloobaan in ay Baarlamaanka oo dhan wakiil ka noqdaan, sida in la yiraahdo baarlamaanka wuxuu kaa sugayaa, �haddii aan ka jawaabo su'aasha la I weydiiyay ee ku aadan go'aanka ay Xukuumadda ka qaadaneyso Wasiirrada Muqdisho jooga, waxaan idiin caddeynayaa in aan wasiirradaas u diray qoraal aan ugu sheegayay in ay Baydhabo ku yimaadaan, howlaha dowladdana ay ka qeybqaataan, haddii ay diidaan kadib ayuu jiraa go'aanka aan ka qaadan doono�ayuu yiri Ra'iisal Wasaare Geedi oo sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay tahay dowlad dib u heshiisiin, isla markaana go'aannada qaarkood aanan laga dhigi ku soo bood ee ku dhawaaq.

Xildhibaano badan oo Muqdisho ku sugnaa intii ay dowladda Federaalka kala qeybsaneyd, isla markaana ku fikir ahaa wasiirrada hubeysan ee Muqdisho ayaa haatan waxay si weyn ugu kacsan yihiin Wasiirrada Muqdisho, waxaana xubnahaas Xildhibaanada ah laga maqlay marar badan iyagoo dalbanaya in xil ka qaadis lagu sameeyo wasiirradii ay Muqdisho saaxibada ku ahaan jireen.

Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Bootaan Ciise Caalim, Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) oo ku kala magacaaban Wasaaradaha Amniga, Ganacsiga, Hub ka dhigista Maleeshiyooyinka iyo Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, isla markaana ka wada tirsan Isbaheysiga La dagaalanka Argagixisada iyo Soo celinta Nabadda ayay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ee Baydhabo Fadhiya si weyn u daneynayaan, iyagoo ku eedeynaya wasiirradan in aysan Umadda danaheeda ka shaqeyneynin, tiiyoo la ogyahay in qudhooda aaney wax la taaban karo u qaban Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed oo muddo 16 sano dowlad la'aan soo ahaa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia 






 



Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright � 2006 Hiiraan Online