Hiiraan online - News and information about Somalia
 HyperLink HyperLink  HyperLink     

 

 

Maamul goboleedka Puntland oo sheegay in uu wada shaqeyntii kala laabtay Ra'iisal Wasaare Geedi

Axad, May 21, 2006 (HOL): Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta war cad ka soo saartey qoraal dhawaan ka soo baxay Ra'isal wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi, kaasi oo tilmaamay in Puntland aysan soo saari karin wax shidaal iyadoo fulinaysa heshiisyadii ay la gashey shirkadaha Range iyo Concert.

Fadhi labadii maalmood ee ugu dambeysay ay magaalada Garoowe ku lahaayeen xubnaha golaha wasiirada Puntland ayaa maanta laga soo saarey qoraal jawaab ah oo lagu muujiyey sida Puntland aysan ugu qanacsaneyn isla markaana aanay ugu hogaansami doonin warka ka yimid Prof.Cali Max'ed Geedi.

Qoraalkan uu ku saxiixan yahay Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Gen.Cadde) ayaa si toos ugu socdey Ra'isalwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Cali Max'ed Geedi waxaana ogeysiis ahaan lagu siiyey Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed, Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah ayaa waxaa lagu sheegay in in Prof. Geedi uu si toos ah uga horyimid horumarka Puntland iyo dadaalka lagu doonayo in lagu kobciyo dhaqaalaha iyo horumarka bulshadeed ee Puntland hiigsaneyso, waxaana lagu sheegay in Puntland ayan mar danbe u dul qaadan doonin xad gudubyada uga imaanaya dhinaca Ra'salwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya, gaar ahaan ayaa lagu yiri qoraalka isagoo tiro ka dhawr jeer ka baxay heshiisyo ay galeen Puntland iyo DFKMG ah.

Madaxweyne Cade Muuse wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in qoraalka Cali Max'ed Geedi aanu aheyn mid soo marey xafiiska Madaxtooyada Puntland, balse ay ku arkeen Web Site-yada, taasi oo uu Cadde Muuse ku tilmaamey inay tahay mid meel ka dhac ku ah Dawlad Goboleedka Puntland.

Qoraalka ka soo baxay Dowlad Goboleedka Puntland waxaa lagu sheegay in qoraalkii Ra'islwasaare Geedi uu xambaarsanaa erayo iyo hadalo xasaasi ah isla markaana lagu shaaciyey Internetka inta uusanba qoraalkaasi soo gaarin madaxtooyada Puntland, waxayna Puntland u aragtaa falkaasi mid meel ka dhac ku ah Dowladnimada Puntland iyo shacabkooda oo ku guda jira baadi goobka horumarka dhinac dhaqaale iyo bulsho ayaa lagu yiri qoraalkan.

Gen.Cade Muuse wuxuu ku tilmaamey qoraalka Cali Max'ed Geedi in uu yahay mid aan ka turjumeyn siyaasada ama afka DFKMG ah balse uu yahay mid ku kooban xafiiska Ra'islawasaare Cali Max'ed Geedi.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu cadeeyey in Dawlad Goboleedka Puntland ay horey u haysatey qoraalo muujinya inay ka faa'ideysato khayraadkeedka dabiiciga, kuwaasi oo uu soo saarey Prof.Geedi, isla markaana hadalkan iminka ka soo baxay Geedi uu yahay mid is burinaya, taasi oo ah la yaab 8 bilood ka dib ku yimid Ra'islawasaaere Geedi.

Qoraalkan maanta ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Dowlada Puntland wuxuu sheegayaa in uu jirey wargalin ay Dawlad Goboleedka Puntland ku wargalisey DFKMG ah inay bilaabayso soo saarista shidaalka iyo Gaaska, isla markaana heshiisyadii Dawladii hore ay yihiin kuwa xiligan jiritraankoodii dhamaadey, sidaasi darteed ay Puntland sharciyan xad u leedahay inay soo saarto shidaalkeeda.

Maadaama ay noo cadaatay in qoraalka uu soo saaray Geedi iqaab khaldan loo soo shaac bixiyey iyadoon la soo gaarsiin Dawlad Goboleedka Puntland ayaa waxay ka fursan weyday in Puntland ay dib ugala noqoto Ra'isalwasaaraha salwasaaraha Federaalka dhamaan wixii kalsooni ahaa oo ay Puntland ku qabtay xafiiska Raysalwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed inta uu xilkaasi hayo Cali Maxamed Geedi.


By: C/naasir Yaasiin Of SBC Online
And Iidle Macallin Cumar Of Hiiraan Online

Hiiraan Online: The Most Trusted Website

   

Hiiraan Online 

Contact:[email protected]
Copyright © 1999-2006 Hiiraan Online