Xildhibaanad-dii ugu Horeysay ee Si Xor ah Looga soo Doortay Somaliland oo soo gaartay gobolka Minnesota, USA

English Af-soomaali

Cabdiraxman Ceynte

Xildhibaanad Ikraan Xaaji Da'uud Warsame oo la hadleysa taageerayaasheeda ku sugan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka


Toddoba bilood ka hor, Marwo Ikran Xaji Da’ud Warsame waxeey aheyd xaas-guri iyo maciishad raadiyaha aqal ka kooban 18 qofood oo ku yaalla degmada Boorame ee gobolka Awdal. Kama aysan warheyn in tallaabada xigta ee ay qaadi doontaayi ay u lalin doonto Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka, halkaas oo ay casho sharaf kula yeelatay Madaxweyne Bush iyo afadiisa Laura.

Marwo Ikran, oo hooyo u ah 9 carruur ah, waxeey gashay buugga taariikhda kolkii ay dhamaadkii sanadkii hore noqotay haweeneydii ugu horeysay ee si dimoqraadi ah loogu soo doorto baarlamaanka ay raggu buux-dhaafiyee ee 82-ka xubin ka kooban ee Somaliland. Haweeneyda kale ee kula jirta baarlamaanka waa la soo magacaabay.

 

Maamulka gooni isu-taagga Somaliland dowlad aqoonsataayi ma jirto. Ha yeeshee, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa dhowr goor ku ammaantay horumarka ay Somaliland ku tallowsatay.

Dhab ahaantii, ammaan kaliya kuma sinnee, Wasaaraddu waxeey Visa-dii Mareykanka ugu soo saartay Marwo Ikran baasaboorka Somaliland.

“Taasi waa baaq wanaagsan,” ayeey tiri Marwo Ikran “ha yeeshee waxaan aad u daneynayaa inaan Somaliland baro dariskeena marka hore, deedna Mareykanka.”

Sidaas waxeey u tiri markii ay kula kulantay dhiggeed oo Kenyan ah Washington D.C shir ka dhacayey, iskuna bartay ineey xildhibaan ka tahay Somaliland, kolkaasna ay eegmo jahawareer leh oo su’aal xanuun badani raacsan tahay wajiga loo saaray. “Xaggee bey Somaliland oogada dunida kaga taallaa?” Markii ay Ikran sharraxday-na, xildhibaannaddii Kenya ayaa la soo booday “Waxaan maqlay xildhibaanno Soomaali ah oo in badan degganaa hotelka 680, deedna iyagoo aan kharash-kii bixin isaga guuray!”.

Marwo Ikran, amakaag dartii, ayeey haddiiba martiqaad rasmi ah u fidisay shan xildhibaan oo qaaradda Africa ku matalayey shirka Washington ka dhacay.

Xildhibaan Ikran waxeey kamid aheyd 30 “haweenka hoggaanka gaaray” oo cirfaha dunida isaga soo kala hayaamay, si ay uga qayb galaan shir saddex maalmood ka soconayey Washington D.C., oo ayna soo qabanqaabisay hay’adda International Republican Institute (IRI).

Hay’addan IRI oo miisaaniyaddeeda laga bixiyo Congress-ka Mareykanka, ahna mid aan macaash-doon aheyn, isla markaana aan xisbi ku dhisneyn waxeey taageertaa dalalka dimoqraadiyadoodu ay soo kobceyso. Sanadkii 2002 ayeey daraasad siyaasadeed ka soo sameeyeen dhulka Somaliland, deedna ka caawiyeen howlo ay kamid yihiin doorashooyinka ay ku soo baxday Marwo Ikran.

Iyadoo la hadlaysa dad u badan reer Somaliland, si weynna u taageersan oo Minneapolis jooga, bishan Marso 19-keedii ayeey ka warbixisay xaaladda Somaliland.

“Nabad iyo naruuro ayaan ku noolnahay, walaalaheen Somaliyana waan la jecelnahay” ayeey tiri iyadoo hortaagan calan aad weyn oo dhabarkeeda ka lulanayey “waxaan-se jeclaan lahayn in dadka qurbuhu soo laabtaan oo dalka maal-gashadaan.”

Yusuf Budle oo madax ka ah taageerayaasha ururka Kulmiye ee reer Minnesota ayaa sheegay ineey si weyn ula dhacsan yihiin Marwo Ikran.

“Tartankeedii hiil iyo hoo-ba waan siinay.” Ayuu yiri.

Boqortooyada Ragga’

Si ay magaceeda ugu qorto sanduuqa codbixinta, Maro Ikran waxeey ka soo dustay garangaro caqabado ah. Ugu horeynba, waxeey ku khasbanaatay ineey soo xodxodato qoyskeeda, si ay ugala hadlaan oday-dhaqameedyada awoodda badan.

“Seygeeygu aad buu ii taageersanaa,” ayeey tiri “isagaana iigu muhiimsan.”

Markii ay oggolaansho ka soo hoysay qoyskeeda ayeey u jalleecday ineey soo shukaamiso odayaasha beesha, si ay ugu fasaxaan ineey ururka Kulmiye ka raadsato isa-soo sharrixid.

Nasiibkeedaa wanaagsanaaday.

Laakiin haddana, ururkeeda, Kulmiye, mucaaradka ugu weyn Somaliland, ayeey ku noqotay inuu qiimeyn ku sameeyo halista ay la iman karto. Waliba iyagoo si weyn u doonayey ineey baarlamaanka majaraha u qabtaan.

Markale ayuu nasiibkeedu wanaagsanaaday.

Laakiin markii wax walba oo dhamaadeen ayaa waxaa soo dhex galay wadaaddo sheegay inuu jiro waxyi diidaya in qof dumar ahi ay xafiis sare qabato. Laakiin wadaado qunyar-socod ah ayaa u soo hiiliyey Marwo Ikran , inkastoo ay iyaga xitaa u caddeeyeen inaaney madaxweyne noqon karin.

Ugu dambeyntii ayeey misana noqotay ineey qanciso shacabka oo si weyn uga didsanaa isa-soo taagidda qof dumar ah. Marwo Ikran oo hore macallin u soo aheyd, laba agoon ahna imminka korisa, ayaa tilmaantay ineey markaas u soo taageero doonatay dadkii ay sumcadda ku dhex lahayd: Dumarka iyo dhallinyarada.

“Xoogga ayaan saaray dhalinyarada oo waxaan u sheegay in, maadaama qof 35-jir ka yari uusan isa soo sharrixi karin, eey ii codeeyaan,” ayeey tiri “ineey ii codeeyeen ayaanan filayaa.”

Maalintii doorashada, lama filaan ayaan dhacay. Marwo Ikraan ayaa ka badbaaday waxa ay ugu yeerto “boqortooyada ragga”, noqotayna haweeneydii ugu horreesay ee si xor ah loogu doorto baarlamaanka Somaliland, ama, sida dad kale qabaan, Soomaaliya oo dhan.

Si kasta oo ay tahay-ba, Marwo Ikraan nolol xiddignimo ayaa u waabariisatay.

“Waa horumuud” ayuu ku sifeeyey Cismaan Saxardiid oo madax ka ah Somali American Democratic Association.

Xitaa kadib markii ay noqotay xildhibaan mashquul ah oo Hargeysa deggan, Marwo Ikraan caruurteeda wakhti ayeey u qoondeysaa. Habeenka Arbacada ayaa ka carrowdaa Hargeysa, iyadoo ku soo jeeda Boorame, safar rafaad badan oo saddex saacadood qaadanaya, waddada uu aad u liidata awgeed.

Yididiilo Siyaasadeed

Marwo Ikraan oo ku jirta Guddiga Joogtada ah ee baarlamaanka ayaa howsha ugu weyn ee ay daneyneyso ay tahay soo celinta xuquuqda dumarka iyo caddaaladda qoyska.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan soo af-jaro dambiga la isaga saariyo dumarka dhanka caddaaladda iyo waliba dhanka bulshada, “ ayeey tiri “Aad baan ugu mammanahay sare-u-qaadidda nolosha dumarka.”

Ku mammanaashaheedaas arriamaha dumarku wuxuuba qofkii dhageysta soo xusiisin karaa boqoraddii Carraweelo ee waayadii hore inta xoog ku qabsatay dhulka Soomaaliya hadda loo yaqaano, raggii badankood ku dabartay howlaha guriga, deed-na dhidibbada u aastay boqortooyo ay dumarku ka seed-caleeyaan.

Inta aysan Somaliland ku guryo-noqon, Marwo Ikran waxaa sugaya Jaaliyadaha Somaliland ee Chicago iyo Columbus, iyadoo hore u soo martay Washington iyo Dallas.

C/raxman Ceynte
Hiiraan Online
Minneapolis, MN
[email protected]

Back to Hiiraan Online

Contact:[email protected]
Copyright © 2006 Hiiraan Online