Wararka Maanta - Isniin- Mar 27, 2006










· Gaari Magaalada Baydhabo looga dhacay Wasiir ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed
· Maxaa laga qabtay eeddii ay xubnaha Beesha Sade ugu jira Dowladda Federaalka ka sheegteen Guddoomiyaha Baarlamaanka?
· Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo ku kala sugan Magaalooyinka Brussels iyo Khartoum












Gaari Magaalada Baydhabo looga dhacay Wasiir ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed

Isniin, March 27, 2006(HOL): Waxaa sii kordhaya qulqulatooyinka amaan darro ee ay magaalada Baydhabo ka geysanayaan maleeshiyooyin magaalada ku soo qamaamay, kuwaasi oo dadka dhac u geysta, iyadoo kiiskii ugu dambeeyayna uu maalintii shalay ahaa dhacay.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Ibraahin Maxamed Isaaq ayaa sheegay in gaari uu leeyahay shalay looga dhacay gudaha magaalada Baydhabo, xili uu ku dhex jiray xarunta Shirkadda Xawaaladda Amal ee magaaladaas.

Wasiirka oo arrintaas saxaafadda uga waramay ayaa sheegay in gaarigiisa ay dhaceen maleeshiyooyin ka yimid gudaha magaalada Baydhabo, kuwaasi oo sida uu yiri la yaqaano, wuxuuna xaqiijiyay in gaarigiisa loola baxsaday meel ka baxsan magaalada Baydhabo.

"Horay magaalada waxaa uga jiray dhac loo geysanayo Taleefoonnada gacan qaadka ah ee ay wataan Xildhibaanada Baarlamaanka, balse haatan waxaa ku soo darsantay in gaadiidkii ay xubnaha Dowladda wateen dhac loo geysto"ayuu yiri Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ibraahim Maxamed ISaaq oo sheegay in haddii aan wax laga qaban arrimaha dhacaya uu ammaanka Magaalada Baydhabo Calaamatu-su'aal fuuli doono.

Tan iyo intii ay magaalada Baydhabo gaareen xubnaha Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaa magaalada ka dhacay dhac iyo jir-dil loo geystay qaar ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed, iyadoo ka sii horna gudaha magaalada lagu dilay nin ganacsade ah, waxayna dhamaan qulqulatooyinkaas ay magaalada ka dhacayaan iyadoo magaalada Baydhabo ay ku sugan yihiin Xildhibaano kor u dhaafaya 200 oo mudane oo intooda badan ka kala tegay magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia 





 




Maxaa laga qabtay eeddii ay xubnaha Beesha Sade ugu jira Dowladda Federaalka ka sheegteen Guddoomiyaha Baarlamaanka?

Isniin, March 27, 2006(HOL): Wasiirka Hantida Qaranka iyo Qalabeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Maxamuud Sayid ayaa shaaca ka qaaday in eeddii ay ka sheeganayeen guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee ku saabsaneyd in uu faragelin ku hayo arrimaha Beeshooda Sade ay soo dhex galeen Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya.

Maxamuud Sayid Aadan waxaa uu sheegay in markii arrinta faraha ka bixi gaartay, ay madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Geedi ku taliyeen in arrinta isku qabsiga kursiga Xildhibaanimo ee Beesha Sade lagu wareejiyo Maxkamadda Sare ee Dalka, iyadoo inta xiligaas ka horeysana aysan kulamada Baarlamaanka ka qeybgeli karin Sharma-arke Maxamed Xaashi Gaani iyo C/waaxid Cilmi Cumar oo kursigaas isku heysta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa C/waaxid Cilmi u dhaariyay xilka Xildhibaannimo ee Beesha, waxaase arrintaasi ka horyimid siyaasiyiinta beesha iyo xubno dhaqanka u metela, kuwaasi oo ku doodaya in ay xilkaasi u doorteen Sharma-arke Maxamed Xaashi Gaani oo uu booskaas Aabihii ka geeriyooday.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa mar uu ka jawaabayay eedeynta loo soo jeediyay wuxuu isku difaacay in uu isagu si sharci u dhaariyay C/Waaxid oo Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka Beeshiisa kala yimid saxiixyo dhab ah, hayeeshee Maxamuud Sayid Aadan oo qiraya in ay saxiixaas bixiyeen ayaa hadana ku doodaya in ay saxiixaas ka laabteen kadib markii ay diidmo uga timid dhinaca Waxgaradka iyo Odayaasha Beeshooda.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, xiisadda isku qabsiga kursigaas ayaa meel xasaasi ah gaartay, iyadoo dhawaana mid ka mid ah labada nin ee kursigaas isku heysata loo ogolaatay in uu ka qeybgalo kulamada Baarlamaanka, halka midkii kalena ay ciidamada Ammaanka Xarunta Baarlamaanka ay u diideen in uu hoolka shirka galo, ilaa aakhirkii ay arrintu gaarto in Sharma-arke Maxamed Xaashi Gaani oo ah ninka loo diiday in uu kulamada Baarlamaanka ka qeybgalo ay maleeshiyooyin qoryo ku taagaan kadib markii uu amarkooda u dhego nuglaan waayay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia 






 




Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo ku kala sugan Magaalooyinka Brussels iyo Khartoum

Isniin, March 27, 2006(HOL): Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo dalka ka wada maqan ayaa haatan waxay ku kala sugan yihiin magaalooyinka Brussels iyo Khartoum oo ka kala tirsan dalalka Belgium iyo Suudaan.

Guddoomiyaha Baalamaanka Soomaaliyeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa la sheegay in uu xalay gaaray magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, halkaasi oo uu uga qeybgeli doono shir ay leeyihiin Wadamada Jaamacadda Carabta, halka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Geedi-na ay gaareen magaalada Brussels ee dalka Belgium oo ay shir kula leeyihiin madax ka tirsan Midowga Yurub.

Mas'uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo haatan uusan u dhaxeynin khilaaf banaanka yaala ayaa markoodii ugu horeysay waxay socdaallo ku kala bixinayaan dalal dibadda ah, iyagoo ka talaabay caqabad taageero la'aan u soo jiiday Dowladda ay madaxda ka yihiin, taasi oo ahayd in madaxda iyo xubnaha Dowladda ay kala qeybsan yihiin, sidaasi darteedna aysan jirin taageero ay heli karaan tan iyo inta ay ka dhameynayaan khilaafka u dhaxeeya.

Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa marka ay soo dhameystaan shirka ay la leeyihiin madax ka socota dalalka Midowga Yurub waxay iyagoo wada socda mar kale booqan doonaan magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, halkaasi oo ay shir ku leeyihiin madax ka tirsan Jaamacadda Carabta, waxaana la filayaa in ay madaxda Dowladda Soomaaliyeed shirkaasi ka jeediyeen codsi ku saabsan in taageero maaliyadeed loo fidiyo dowladda Federaalka Soomaaliyeed, gaar ahaana la de-dejiyo bixinta dhaqaale ay Jaamacadda Carabta horay ugu yaboohday Dowladda Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia 





 



Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2006 Hiiraan Online