Cadde Gaabow oo ku qancay in uu xilka Guddoomiyenimo ee Gobolka Banaadir cod doorasho ah uga helo Golaha Deegaanka
Axad, March 26, 2006(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Gaabow (Cadde) ayay warar aynu ka helnay ilo ku dhow dhow sheegayaan in uu ku qancay, isla markaana aqbalay in uu xilka Guddoomiyenimo ee gobolka Banaadir uu mar kale doorasho u galo, si uu cod uga helo xubnaha Golaha Deegaanka ee dhawaantan loo dhisay Gobolka Banaadir.
Wararku waxay sheegayaan in Guddoomiye Cadde Xasan uu Hotelka Nabadda ee magaalada Muqdisho ku leeyahay la tashiyo ku saabsan arrintaas, iyadoo ay jiraan warar aan weli si buuxda loo xaqiijin oo sheegaya in khilaaf uu soo kala dhexgalay isaga iyo ku xigeenadiisa.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in ku xigeenada Cadde Xasan aaney ku qanacsaneyn in isagoo ay soo magacawday dowladda Federaalka uu mar kale guddoomiyenimadiisa ka dhex raadiyo gole aaney si sharci ah u aqoonsaneyn dowladda Federaalka, lamana oga sida uu Guddoomiyaha Gobolka ugu qancin doono ku xigeenadiisa go'aankiisan uu mar kale ugu soo tartami doono jagada guddoomiyenimo ee gobolka Banaadir, inkastoo aanu Cadde Xasan weli arrintan si buuxda uga hadlin, marka laga reebo hadalkiisii Jaraa'id ee uu shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Maxaakiimta Islaamiga ee magaalada Muqdisho, sidoo kalena wararku ma aaney sheegin in arrintan ay isku og yihiin isaga iyo Ra'iisal Wasaare Geedi oo magacaabay horaantii sanadkii hore.
Dhinaca kalena, Maanta ayaa la filayaa in la furo fadhigii labaad ee golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ee uu Guddoomiyaha u yahay Maxamuud Cumar Maxamed (Tootow), iyadoo doorashada guddoomiyaha la sheegay in ay dhici doonto maalmaha ugu soo horeeya ee fadhiga xubnaha golahaas.