Wararka Maanta(Qeyb Labaad)- Talaado- June 20, 2006










· MADAXWEYNE C/LLAAAHI YUUSUF IYO RA'IISAL WASAARE GEEDI OO ITOOBIYA IYO SUUDAAN U DHOOFAY (Suudaan oo dhexdhexaadineysa Dowladda Federaalka iyo Midowga Maxkamadaha Islaamka)
· SHIIKH SHARIIF: “Markii aan eegnay hadalka C/llaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi waxaa cad in aysan waxba kala duwaneyn Hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho”
· Dagaal Labo Maleeshiyo Beeleed ku dhexmaray Degmada Buula Burte












MADAXWEYNE C/LLAAAHI YUUSUF IYO RA'IISAL WASAARE GEEDI OO ITOOBIYA IYO SUUDAAN U DHOOFAY (Suudaan oo dhexdhexaadineysa Dowladda Federaalka iyo Midowga Maxkamadaha Islaamka)

Talaado, June 20, 2006 (HOL): Waxaa maanta ka amba baxay magaalada Baydhabo oo xarun KMG ah u ah Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, iyadoo la sheegay in ay labadaas mas'uul u kicitimeen dalalka Itoobiya iyo Suudaan.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in madaxweynaha oo gaaray Addis Ababa, isla markaana joogi doona saacado kooban uu kulamo la qaadan doono mas'uuliyiin ka tirsan Midowga Afrika, kuwaasi oo ay ka wada hadlayaan sidii ciidamo nabad ilaalin ah loo geyn lahaa Soomaaliya.

Midowga Afrika oo shir ka yeeshay sidii ciidamo loogu diri lahaa Soomaaliya ayaa waxaa uu ku talo bixiyay in marka hore Soomaaliya loo diro wafdi xaqiiqo raadin ah oo soo qiimeeya is-bedellada ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Ra'iisal Wasaare Geedi oo isna galabta ka amba baxay Magaalada Baydhabo ayay wararku sheegayaan in uu isna madaxweynaha Addis Ababa ugu tegi doono, iyagoo kadibna u wada amba bixi doona Magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, halkaasi oo ay kulamo kula soo qaadan doonaan madax ka tirsan Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD.

Xaalka Soomaaliya wuxuu noqday mid indhaha beesha caalamka ay ku soo jeedaan, waxaana jira warar sheegaya in Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir uu wada hadallo u qabanayo Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maxkamadaha Islaamka, iyadoo dhinaca kalena Wakaaladda Wararka Ehtiopia (ENA) ay baahisay in Ra'iisal Wasaare Meles Zenawi iyo Gen. John Abizaid oo ka tirsan Taliyayaasha Taliska Dhexe ee Mareykanka ay ka wada hadleen xaaladda ka taagan Soomaaliya.

Guddoomiyaha Midowga maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa horaantii todobaadkan ku eedeeyay Dowladda Itoobiya ay ciidamo soo gelisay gudaha Soomaaliya, walow ay eedeyntaas dowladda Itoobiya beenisay, inkastoo ay hadana xaqiijisay in ay ciidamo u dirtay xuduudka kala qeybiya Soomaaliya.

Socdaalka Mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ay ku aadeen Addis Ababa iyo Khartoum ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed uu dhawaan u codeeyay in ciidamo nabad ilaalin ah oo aan la kala soocin loo diro Soomaaliya, iyadoo taasina ay si weyn uga soo horjeesteen Midowga Maxkamadaha Islaamka oo shaaca ka qaaday in aaney jirin sabab xiligan ciidamo shisheeye loo geeyo Soomaaliya, iyagoo taasina sabab uga dhigay in uu ammaanka caasimadda Soomaaliya oo ciidamadaas loo dalbayo uu ka hagaagsan yahay sidii uu horay u ahaa.

Ugu dambeyntiina dalabka ka yimid Dowladda Federaalka ee Ciidamada Shisheeye iyo socdaalka ay madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha ku tageen Addis Ababa iyo weliba hadallo aysan jecleysan mas'uuliyiinta Maxkamadaha oo ka soo yeeray labadaas mas'uul ayaa waxay cirka ku sii dhejinayaan rajadii laga qabay in uu wada hadal gudaha dalka ku dhexmaro Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Maxkamadaha Islaamka oo la wareegay gacan ku heyntii Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




SHIIKH SHARIIF: “Markii aan eegnay hadalka C/llaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi waxaa cad in aysan waxba kala duwaneyn Hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho”

Talaado, June 20, 2006(HOL):Guddoomiyaha Midowga Maxkamadda Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa si kulul uga jawaabay hadal shalay ka soo yeeray Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo ahaa in Midowga Maxkamadaha Islaamka ay meelihii ay qabsadeen ee Balcad iyo Jowhar ay ka geysteen falal isugu jiray dil, bililiqo iyo faro-xumeyn Dumar.

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in hadalkaasi uu ahaa mid aaney waxba ka jirin, wuxuuna caddeeyay in Maxkamaduhu ay si wanaagsan ula dhaqmeen dadka ku sugan Balcad iyo Jowhar oo ay horay uga talin jireen Hoggaamiye kooxeedyada Muuse Suudi Yalaxow iyo Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamka waxaa uu intaas ku daray in markii uu eegay hadallo ay yiraahdeen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Geedi ay u soo baxday in aysan waxba is-dhaamin hoggaamiyayaashii kooxaha ee ay Muqdisho ka ceyriyeen.

Wuxuu sheegay in uu si weyn uga naxsan yahay in uu wiiqmay dadaalkii la waday ee ay dhinacyada dowladda iyo Maxkamdaha ku wada hadli lahaayeen, “iyaga (dowladda) ayay dan ugu jirtaa in la wada hadlo oo ay xal raadiyaan waayo iyaga ayaa doonaya in ay Muqdisho yimaadaan”ayuu yiri Shiikh Shariif oo sheegay in ay iyagu mar walba wada hadal diyaar u yihiin.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed oo ka hadlay aragtidooda qabsashadii Midowga Maxkamadaha ee magaalooyinka Muqdisho, Balcad iyo Jowhar ayaa sheegay in ay Maxkamaduhu ku qaldan yihiin ay weerar qaadaan, isla markaana ay magaalooyin qabsadeen, wuxuuna Madaxweyne Yuusuf sheegay in Maxkamado Islaam uu u yaqaano kuwo aan dadka dilin oo aan hub qaadan, wuxuuna ku tilmaamay in ay yihiin kuwo xukun doon ah, halka ra'iisal Ra'iisal wasaare Geedi-na uu sheegay in ayba Maxkamadaha falal tacadiyo ah ka geysteen meelihii ay qabsadeen, waxayna labadoodaba ugu baaqeen Maxkamadaha in ay dib ugu laabtaan Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Dagaal Labo Maleeshiyo Beeleed ku dhexmaray Degmada Buula Burte

Talaado, June 20, 2006 (HOL):Dagaal culus oo la isku weydaarsaday hubka noocayadiisa kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in uu ku dhaxmaray degmada Buula Burte ee Goboka Hiiraan labo maleeshiyo Beeleed oo halkaas wada degan.

Sida ay xaqiijinayaan Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan gudaha degmada Dagaalka oo socday in ka badan 4 saac ayaa ka bilowaday muran la xiriira Bar koontarool oo kooxo maleeshiyo ah dhigteen Aga-gaarka Buundada Degmada Buula-Burte, taasoo ka careysiisay Maleeshiyo sida la sheegay Horay looga qaaday Bar koontarool oo ay halkaas ku lahaayeen.

Wararku waxaa ay intaas ku darayeen in weerarka lagu soo qaaday Barta Koontarool ee maleeshiyadu Fadhiday uu sii fido, taasoo keentay in ay ku soo beeraan dhinacyo kale oo kala taabacsan labada garab.

Dagaalka ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen ilaa 4 ruux halka in ka badan 6 ruuxna ay ku dhaawacmeen, Iyadoo warku intaas ku darayo in dhinacyadii dagaalku dhexmaray ay iskala baxeen Gudaha Magaalada, mana jiraan ilaa hadda dadaalo la doonayo in xaaladda lagu qaboojiyo.

Dhanka kale Howlgal ay ka sameeyeen Ciidamada Maxkamaddii dhawaan lagaga dhawaaqay Magaalada B/weyn wadda dheer ee isku Xirta Goballada Galgaduud iyo Mudug waxaa ay kula wareegeen Baro Koontarool oo markii hore fariisin u ahayd kooxo maleeshiyo ah oo aan cidna ka amar qaadan, taasoo  ay si weyn u soo dhaweeyeen Gaadiidleyda isticmaasha Jidka laamiga ah oo markii hore kooxaha maleeshiyadu ka qaadan jireen lacag sharci daro ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn , Somalia






 



Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2006 Hiiraan Online