HyperLink HyperLink  HyperLink     

 

Wariye Ajnabi ah oo Muqdisho lagu dilay isagoo sawiranay Banaanbax ka dhacayay Fagaaraha Tareebuunka

 

Sawirqaade Martin Adler, Mogadishu, Somalia


Jimco, June 23, 2006(HOL): Wariyahan oo lagu magacaabi jiray Martin Adler, una shaqeynayay Taleefashinka Channel 4 ee xaruntiisu tahay Dalka Ingiriiska ayaa Rasaas aan la ogeyn meel laga soo ganay waxay kaga dhacday Wadnaha xili uu sawirro ka qaadanayay dad banaanbax ka sameynayay Fagaaraha Tareebuunka ee Magaalada Muqdisho.

Dadka Banaanbaxan isugu yimid oo kumanaan gaarayay, isla markaana ay isu keeneen Golaha Kacdoonka Shacabka iyo Midowga Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay banaanbaxooda ku taageerayeen heshiiskii ay Magaalada Khartoum ku wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Midowga Maxkamadaha Islaamka, walow banaanbaxa dhanka kale looga soo horjeeday Ciidamo shisheeye oo dalka Soomaaliya la geeyo, gaar ahaan kuwo ka socda Dowladda Itoobiya.

Wariye Martin oo u dhashay Dalka Sweden ayaa markii Rasaasta ku dhaceysay waxaa uu ku dhex jiray dadka oo uu sawirro ka qaadayay, waxaana halkii uu ku sugnaa mar kaliya laga maqlay dhawaq rasaaseed, kadibna waxaa uu la arkay Martin oo wadnaha heysta dhulkana ku sii dhacaya.

Sawirka mayda sawirqaade Martin Adler oo yaala goobtii lagu toogtay - qayaarkaada ku furo -

Lama aqoonsan qofkii xabadda ku dhuftay, wuxuuna ku dhex dhuuntay dadkii kala cararay markii ay dhawaqa rasaasta maqleen, hayeeshee waxaa la rumeysan yahay in qofka dilay wariyaha uu ahaa ruux aad u necbeysanayay aragga dadka Ajnabiga ah ee dalka soo gala, xitaa haddii ay yihiin kuwo rayid ah.

Halka lagu dilay Wariyahaan oo ah Fagaaraha Tareebuunka ayaa waxaa ammaankeeda sugayay maleeshiyooyin ka amar qaata Midowga maxkamadaha Islaamka oo halkaasi fariisin ku leh, iyadoo weliba uu muuqday taxadar ay muujinayeen maleeshiyooyinka maxkamadaha oo dadka silig ku celinayay kadib markii aad ugu soo dhawaadeen halka ay Mas'uuliyiinta Maxkamadaha ka qudbeynayeen.

Mas'uuliyiin ka tirsan Midowga Maxkamadaha Islaamka ayaa cambaareeyay falka dilka ah ee loo geystay Wariyahan, waxayna sheegeen in ay ka xun yihiin falka dhacay, waxaana la filayaa in ay saacadaha soo socda war ka soo saaraan.

Waa Wariyihii seddexaad oo Ajnabi ah oo lagu dilo Magaalada Muqdisho, bishii Maarso sanadkii 1994-kii waxaa agagaarka Hotelka Jubba lagu dilay Wariye u shaqeyneysay Taleefashinka Rai ee dalka Talyaaniga, taasi oo lagu magacaabayay Ilaria Alpi, sidoo kalena horaantii bishii Febraayo 2005 ayaa waxaa iridka Hotelka Saxafi lagu dilay Wariye u shaqeyneysay BBC-da oo lagu magacaabi jiray Kate Peyton, iyadoo weliba xiligaas ay Hotelka Saxafi ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia


Hiiraan Online: The Most Trusted Website

   

Hiiraan Online 

Contact:[email protected]
Copyright © 1999-2006 Hiiraan Online