Wararka Maanta - Qayb labaad - Jimco 28, 2006










· Wasiirkii Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Cabdalla Deerow Isaaq oo Salaaddii Jimcaha kadib lagu dilay Magaalada Baydhabo
·  Shir looga hadlayey arrimaha Soomaaliya oo lagu abtay qolka 12-naad ee aqalka hoose  “House of Commons” ee boqortooyada Britain.  
· Marxaladdii ugu adkeyd oo hadda ka soo dhex muuqatay mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka iyo Golaha Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan
· Xildhibaan Barre Hiiraalle oo guddi farsamo u magacaabay dhismaha Maamul Goboleedka Jubba-land
· Seminaar ku saabsan barashada Xuquuqda Aadanaha oo Muqdisho lagu soo gebagebeeyay












Wasiirkii Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Cabdalla Deerow Isaaq oo Salaaddii Jimcaha kadib lagu dilay Magaalada Baydhabo
 

Jimco, July 28, 2006(HOL): Alle ha u naxariistee waxaa maanta Salaaddii Jimcaha kadib lagu dilay gudaha Magaalada Baydhabo Wasiirkii Dastuur iyo Arrimaha Federaalka Cabdalla Deerow Isaaq, iyadoo dilkiisana uu ka dambeeyay nin ku hubeysnaa Bastoolad, kaasi afar xabadood marxuumka kaga dhuftay saableyda iyo wadnaha.

Marxuumka ayaa markii la dilayay waxa uu Salaaddii Jimcaha ku soo tukaday Masjid ku yaala Xaafadda Cunaaye ee magaalada Baydhabo, iyadoo xiligaasna uu ku sii jeeday hoygiisa. marxuumka ayaa dhaawac ahaan loogu qaaday cusbitaalka Daarul Shifaa ee magaalada Baydhabo, halkaasi oo uu ku naf waayay, waxaana kadib meydkiisa la geeyay guriga uu magaalada Baydhabo ka deganaa.

Dilka marxuum Cabdalla Deerow waxaa si weyn uga xumaaday Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyeed, kuwaasi oo iyagoo oynaya lagu arkayay guriga uu deganaa marxuumka, sidoo kale waxaa si weyn uga xumaaday dilkaas dadweynaha Reer Baydhabo oo iyagu beryahaan u soo joogay falal lagu waxyeeleynayo dad mas'uuliyiin ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Alle ha u naxariistee Cabdalla Deerow Isaaq waxaa uu ku dhashay Degmo ka tirsan Gobolka Bakool, wuxuu qabay waxbarasho ilaa heer Kuliyadeed ah, isagoo markii ay dhacday dowladdii horena ka mid noqday Ururkii SDM oo uu kadibna kaga sii gudbay Jabhaddii RRA-da oo uu Xoghaye guud ka noqday, ilaa ay u suurtagashay in uu ka mid noqdo ergadii Beelaha Digil iyo Mirifle ee loo qaaday Shirkii Carta.

Marxuum Cabdalla Deerow wuxuu howlkarnimo uu sameeyay uu ku helay in loo doorto shir guddoonkii shirkii Carta oo intii uu socday uu noqday Guddoomiyihii Baarlamaanka Dowladdii Carta ee uu madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan. mar kale ayuu marxuumka ka mid noqday ergadii ka qeybgashay Shirkii Soomaalida Kenya loogu qabtay ee ay ka soo baxday Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Marxuumka shirkaasi wuxuu ka helay jagada Xildhibaanimo, isagoo kadibna noqday Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka oo uu ahaa ilaa maanta

Habeen hore ayay ahayd markii agagaarka Xarunta Shirkadda Hormuud ee magaalada Baydhabo lagu dhaawacay Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Avv. Axmed Ibraahim Maxamed oo dhaawaciisa loo duuliyay Magaalada Baydhabo kadib markii wax looga qaban qaayay gudaha dalka. hayeeshee waxaa su'aali ka taagan tahay sababta loo ugaarsaday mas'uuliyiintii ku magacawneyd Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka.

Magaalada Baydhabo ayaa tan iyo markii ay fariisinka ka dhigatay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka dhacay falal amni darro ah, kuwaasi oo dad lagu waxyeeleeyay, waxaana Axaddii dhaweyd gudaha Baydhabo lagu dhaawacay Guddoomiyaha Magaalada Baydhabo Axmed Maadeey Isaaq, iyadoo ka sii horna dhaawacyo loo geystay Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale iyo Xildhibaan Gaagaale.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia





 




Shir looga hadlayey arrimaha Soomaaliya oo lagu qabtay qolka 12-naad ee aqalka hoose  “House of Commons” ee boqortooyada Britain.

 Shir looga hadlayey arrimaha Soomaaliya oo ay agaasintay hayadda “Foreign Policy Centre” ayaa lagu qabtay qolka 12-naad ee aqalka hoose  “House of Commons” ee boqortooyada Britain. Shirkan oo ayaa cinwaankiisu ahaa Somalia: Prospect for Peace.

 Waxaa shirka ka soo qeyb galay in ka badan 100 ruux. Waxaa ku wehliyey soomaalida ugana tira badnaa dadka aan u dhalan soomaalida oo isugu jiray dad ka socda Jamacadaha, hay’adaha caalmiga ah iyo kuwa wadankan Britain.

 Waxaa shirka gudoominayey Philip Fiske  de Gouveia oo ah Director of Foreign Policy Centre’s Public Diplomacy.   Waxaa loo marti ahaa Marwa: Kerry McCarthy MP oo  ka tirsan xildhibaanada baarlmaanka lagana soo doorto magaalada Bristol.

Furitaankii Philip Fiske  de Gouveia ayaa soo dhaweeyey ka soo qeyb galayaasha.  Waxaa shirka ka hadlay ka dib firitaankii shir gudoonka Mudane Alun Michael MP oo ah xildhibaan ka trisan Baarlamaanka lagana soo doorto magaalada Cardiff. Mudane Michael wuxuu aad  ugu nuux nuuxsaday guulaha ay gaareen Somaliland wuxuuna sheegay inay tahay mid ku dayasho mudan  wuxuuna si aad ah u cadeeyey fikirkiisa ku beegan arrimaha Somaliland iyo xaqooda.

 Waxaa ku xigay oo hadalka qaatay Dr Stig Hansen oo wax ka dhiga jaamacada Bath “University of Bath”. Dr Hansen wuxuu qeexay ujaadooyinka, fikradaha iyo mabaadiida Midowga Maxkamadaha  asagoo ka gaabsadayn inuu magacyada shaqsiyaadka sheego. Wax cusub umuuna sheegin qofkii soomaali ah balse muraadkiisu wuxuu ahaa inuu la hadlo dadka aan soomaalida aheyn si uu uga dhaadiciyo in maxakamudu yihiin dad kala duwan kalan aragti duwan balse ku midoobay inay xal u keenan mashaakil daba dheeraaday.

 Waxaa hadalka qaatay Cawaale Kulane oo caan ku ah  u ololeynta xuquuqda aasaasiga ah ee bulsha ahna Project Manager for NHS (National Health Service) and writer for BBC website. Cawaale wuxuu ka hadlay safar uu dhawaan ku gaaray Muqdisho. Wuxuu la qeybsaday dhageystayaashiisa wuxuu indhidhiisa ku soo arkay oo ha in ay Muqdisho tahay maanta meel aad u nabdoon. Wuxuu kaloo aad ugu nuux-nuuxsaday in uu yahay wada hadal jidka lagu xallin karo qilaafka oo dhanka kalana ka digay qatarta ka iman karta dagaal. Wuxuu ku baaqay in la wada hadlo oo danta ummada somaaliyeed laga hor dhigo dan kasta.

 Aamina Cali oo ayaa hadalkii lagu soo dhaweeyey. Amina oo ah Political Researcher la shaqeysa Lord Tom Pendry (House of Lords) ahna gabar  aad u diyaarsan. Amina waxa ay si gaar ah hoosta uga xariiqday walaaca ay dawladaha deriska ay ka muujiyeen dawlad islaam ah oo ka dhalata Somaaliya  ahna xaqiiq cad haddaan indhaha la is qabaneyn wal wal ay qabaan dawlado badan oo dunida ah. Dadka ka mid ah ka soo qeyb galayaasha ayaa u qaatay in Amina  ay u cudur daareyso faragelinta dawladaha shisheeye. Waa sida lagu yaqaan cilmi baaree oo ah  qof xaqiiqda taabta, marakana ay Amina xaqiiqda taabatay balse aaney u cudur daarin shisheeye soo galay Somaliya.    
 Karin Chrsitiansen oo ka shaqeysa Overseas Development Institute ayaa ka hadashay muhiimka ay leedahay in dadka Somaaliyeed iyaku xalkooda helaan oo aanay marna lagu gaareyn nabad waarta dibada wax kaaga yimaada.

 Intaa ka dib waxaa hadalkii qaatay Marwo Kerry McCarthay (Member of Parliament) oo sheegtay in arimaha Soomaaliya hariyeen mishaakilka ka dhacaya bariga dhexe loona baahan yahay in lagu baraarugu waxna laga qabto mashaakilka Soomaaliya. Mar ay ka hadleysay sababta ay u deneyneyso Soomaaliya, waxa ay sheegtay magaalada laga soo doorto in ay degan yihiin soomaali badan  waajibna uu ka saran yahay  in ay ka tarjunto dadka ay baarlamaanka wakiilka uga tahay. Waxay ku cel-celisay in danta Soomaalida ay tahay mid dadka soomaaliyeed u taal.  Marwo Kerry oo ay dadka intiisa badan aad horay ugala socoteen  saxaadada markay Qaadka ka hadaleysay ayaa iyadu ku amaanan siday ugu guntatay danta dadka soomaaliyeed.

 Inaa ka dib ayuu shir gudoonku u furay su’aalaha ka soo qeyb galayaashii. Dadkii hadlayey waxay walaac badan ka muujiyeen faragelinta Itoobiya qaarna cambaareeyeen. Waxaase nasiibdaro la oran karaa in ay dadka somaalida ah  qaar ay caadifad qaaday oo intii laga hadli lahaa maxaa xal u ah dalka in lala kala jirsaday dhinacyada ay taageeraan. Tusaale ahaan waxaa waqti badan qaatay qodobka Somaliland iyo amaanida labada qolo waa NTG iyo Maxaakiimtee. Dadka qaarna kama aaney gaabsan in dhinaca kale ay dhaliilaan ama ka soo horjeestaan fikrada qofka aan ku ra’yi aheyn.   Waxaa wax wanaagasan ahaa in shirka oo si rasmi ahaan loogu casumay 70 qof ay xaadir ahaayeen in ka badan 100, taas ay mujineyso sida loo daneynayo arrimaha soomaaliya. Waxaa xusid mudan oo farax leh in soomaalida ka soo qeyb gashay ay ka kala yimaadenn ila  New Zealand, waqooyiga America iyo Yurub oo dhan. 

Waxaa amaan mudan Foreign Policy Centre, oo soo qabanqaabiyey, marwo Kerry Mccarthy MP oo gogosha fidisay, shir-gudoonka  Philip Fiske  de Gouveia, qubarada  ka hadashay shirka iyo martisharaftii  ka soo qeybgashay dhamaantood.

Hashim Duale
Leicester, UK
E-Mail: [email protected]






 




Marxaladdii ugu adkeyd oo hadda ka soo dhex muuqatay mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka iyo Golaha Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan

Jimco, July 28 (HOL) - Runtii markii hore xaalku waa uu hagaagsanaa  marka la eego Mas'uuliyiita  Maxkamadda Islaamiga  iyo Golaha Odayaasha Dhaqanka, laakiin waxaa uu qaraaraaday markii maalmihii aynu soo dhaafnay kulamo iyo shirar is daba joog ah ay qaateen labada dhinaca.

Golaha Odayaasha Dhaqanka oo markii horeba si weyn u saluugsanaa Aas aaskii maxkamadda Islaamiga ayaa waxaa xaalka uga sii daray ayaa la oran karaa  kadib markii Qaar ka mid ah mas'uuliyiinta Maxkamaddu kulan ay la qaateen Golaha odayaasha dhaqanka ka sheegeen in Amaanka iyo xasiloonida ku soo noqotay Gobolka loo baahan yahay in looga mahad celiyo Maxkamadda,  iyadoo aysan wax shaqo ah ku laheyn maamul iyo odayaal dhaqan toona,  taasoo dhinaca odayaasha si weyn uga careysiisay.

Waxaa haddana dhanka kale arrimaha uga sii daray  kadib markii dhawaan degmada Buula Burte ay soo gaareen  ciidamo wata gawaarida dagaalka oo sida la sheegay ka amar qaata Golaha Maxkamadaha islaamiga, kuwaasoo lagu fasiray in ay Buula burte u joogaan dabagal ay ku hayaan haddiiba ay dhacdo,  halkaasoo ay soo maraan  ciidamo baxsad ah oo ka soo haray Hogaamiye kooxeedyadii laga itaal roonaday.

Laakiin dhinaca odayaasha waxaa ay joogitaanka ciidamada ku fasireen in ay qeyb ka tahay tuhunkii markii horeba laga qabay Maxkamada ee ku wajahnaa in ay gacan saar la leeyihiin dhinca Muqdisho loona dul-qaadan karin.

Kulamada maalmihii aynu soo dhaafnay u socday maxkamadda iyo odayaasha dhaqanka ayaa waxyaabaha  aan laysku afgaran ee lagu soo qaaday ka mid ah weerar maxkamaddu sheegtay in ay ku qaadi doonto hadii ay qeybo ka mid ah Gobolka fariisin ka sameystaan Hoggaamiye kooxeedyadii ka soo tagay deeganadii ay ku noolaayeen, taasoo odayaashu ay ku fasireen arrimo xad-gudub ah waayo ayay yiraahdeen ma jiro khilaaf u dhaxeeya  dadka reer Hiiraan iyo hoggaamiye kooxeedyada haddii weerar lagu qaadana arrimuhu noqon karaan kuwo u eg  tii ka dhacday oo kale sida ay hadalka u dhigeen odayaasha  magaalada  Xamar.

Muranka iyo is-faham darrada soo kala dhex-galay dhinca maxkamadda iyo odayaasha dhaqanka oo markii hore ahaa kuwo isku dhaw marka la eego dhinca maamulka ayaa la oran karaa waa mid murjin karta sida hadda xaalku yahay waxaana sidoo kale xusid  mudan  in odayaasha dhaqanku ku tilmaameen  gawarida dagaalka ee  ku sugan  degmada Buula burte iyo  daafaheeda in ay yihiin kuwo duulaan ku ah  qaar ka mid ah deegaanada Gobolka,  iyagoo ku andacoonaya sida hadalka loo dhigay in ay duulaan ku yihiin  hoggamiye kooxeedyadii hore.

Khilaafka adag ee labada dhinac ayaa waxaa ka marag kacaya shirar hadda u bilowday odayaasha dhaqanka iyo culimada  Ahlu suna Wal-jamaaca oo aad moodo in ay yihiin kuwo hadda uga dhaw dhinaca odayaasha  culimada hoggaamisa maxkamadda islaamiga ah ee Gobolka.

Dhanka kalena, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee maamulkii Gobolka Hiiraan Ing. C/llaahi Cabdi Cali  (Koofi) oo ka mid ah mas'uuliyiinta sida weyn ula socta Isbedelka dhacaya, gaar ahaan maxaladda hadda uu ku sugan yahay Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in waqtigan la oran karo waa xiligii ugu wanaagsanaa ee Gobolka soo maray  maddama ayuu yiri  shacabka ku dhaqan Gobolka  si isku mid ah u qaateen ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Ing. Koofi waxaa uu intaas ku daray in maxkamaduhu ay ku amaanan yihiin wax ka qabashada howlo sida uu sheegay ay ka gaabiyeen mas'uuliyiinta maamulka hadda jira, waxaana uu farta ku fiiqay  dhinaca nabad-gelyada oo uu sheegay in maxkamaduhu wax badan ka qabteen, loona baahan yahay ayuu yiri in mas'uuliyiinta maamulka hadda jira ay ku taageeraan dadaalka ay sameeyeen Maxkamadu, laakiin waxaa uu Ing. Koofi ka digay in aan loo dulqadan karin siyaasado iyo faragalin kale oo dusha looga keeno shacabka ku dhaqan gudaha Gobolka oo haddii ay is-kaashadaan ayuu yiri iyaga isku tashan kara.

Ing. Koofi waxaa uu si weyn u weeraray  Dowladda Itoobiya oo uu ku tilmaamay in ay tahay mid aan marnaba rabin  nidaam iyo kala danbeyn  lagu soo celiyo dalka soomaaliya, isagoo intaas ku daray in markii ay dowladda Itoobiya aragtay  sida shacabka ku dhaqan gudaha dalku isugu tashanayo markiiba bilowday warar aan waxba ka jirin  sida uu hadalka u dhagay. waxaa kaloo uu sheegay in aan mar kale loo dulqaadan doonin in ciidamo Itoobiyaan ah  iska soo galaan gudaha Gobolka  oo haddii ay dhacado uu sheegay in ay la dagaalami doonaan inta samaha Jecel.

Hadalka Koofi ayaa ku soo beegmay xili  labadii maalmood ee aynu soo dhaafnay  ciidamo wata gawaari kuwa dagaalka ah ay ku sugnayen  degmada Buula-burte  kuwaasoo ka amar qaata Golaha maxkamadaha  islaamka, waxaana joogitaanka ciidamadaas walaac ka muujiyay  qaar ka mid ah Bulshada Goblka, gaar ahaan maamulka hadda jira oo sheegay in arintaas ay keeni karto iska hor imaad dhaca.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia






 




Xildhibaan Barre Hiiraalle oo guddi farsamo u magacaabay dhismaha Maamul Goboleedka Jubba-land

Jimco, July 28, 2006(HOL): Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraalle ayaa ku magacaabay xubnaha soo dhisaayo maamulka guud ee Jubbooyinka, waxaana uu wasiirku xunahaasi u sheegay in ay noqonayaan kuwa soo xulayo iskuna soo duba ridaayo qaabeynta barnaamijka mideynta saddexda Gobol ee Jubooyinka.

Xubnaha loo magacaabay ayaa kala ah: wasiir ku xigeenka Amniga Qaranka C/rashiid Maxamed Xiddig, Xasan Maxmed Nuur (Qalaad), Ambasador C/Shire Warmase, Bille Cabdille Cabdi, Cabdi Maxamed Maxamuud Yey, Aw-Xasan Cismaan Junbur, Dr. Cabdi Cartan Aadan, C/raxmaan Xaaji Axmed Waldiire, Xuseen Salaad Dhicis, Deeq Caabi iyo laba kale.

Xubnahaasi ayaa dhamaantood wuxuu waajibaadkooda shaqo noqonayaa Dejinta iyo Bixinta Dakhliga Dhaqaalo ee shirka ku baxaayo, isugu yeerida xubnaha Shirkaasi ka qeybgelaayo, wargelinta dadka ka qeybgelaayo shirka ee gudaha iyo dibada, soo saarista nidaamka maamul gobleedka iyo waajibaadyo kale oo la mid ah kuwan.

Xunahani ayaa waxay ku shaqeynayaan oo ay fariisin ka yeelanayaan maanta laga bilaabo xarunta Isbahysiga Dooxada Juuba ee Baranwaa , waxaana ay noqonayaan hagayaasha Kulankaasi lagu dhisayo dowlad Goboleedka Jubba-land.

Sahra Cabdi Axmed, Hiiraan Online
[email protected]
Kismayo, Somalia






 




Seminaar ku saabsan barashada Xuquuqda Aadanaha oo Muqdisho lagu soo gebagebeeyay
 

Jimco, July 28, 2006(HOL): Siminaar ku saabsan barashada Xuquuqda Aadamiga oo ay soo qaban qaabisay xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadamiga ayaa lagu soo gabagabeeyay Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho, iyadoo seminaarkaasna uu socday muddo seddex maalmood ah.

Seminaarkan ayaa waxay ka qeybgalayaashu ku baranayeen casharo ku saabsan Xuquuqda Aadamiga, gaar ahaan Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga, Qaabka loo baaro, loo diiwaangeliyo, loogana warbixiyo Xadguubyada dhanka ka ah Xuquuqda Aadamiga, Dimuqraadiyadda iyo maamul wanaaga.

Xubnihii ka qeybgalay siminaarka oo tiradoodu dhameyd 30-qofood oo ka kala socday dadka laga tirada badan yahay, saxaafadda, qaasatan Raadiyayaasha madaxa bannaan ee Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah culumaa'udiinka Soomaaliyeed ayaa mudadii uu socday siminaarka ka faa'iideystay, iyagoo ballan qaadey casharradii ay barteen in ay kula noqon doonaan Bulshada siina gudbin doonaan.

Siminaarka uu soo xiray Dr. Cabdi Weheliye Siyaad oo ka mid ah aas-aasayaashii xarunta, ahna xubin ka tirsan guddiga fulinta ee xarunta Dr. Ismaaciil Jumcaale ee Xuquuqda Aadamiga ayaa kula dardaarmay ka soo qaybgalayaasha in aysan dayicin duruustii ay qaateen, isla markaana ay shaqadooda ku dabaqaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in sababta ay xaruntu ugu qabaneyso siminaarrada ay yihiin in Dadka Soomaaliyeed ay bartaan Xuquuqda Aadamiga, si ay xaqooda u difaacdaan, Xuquuqda dadka kalena ay u dhowraan, "si taas loo suurtageliyo waa in la bartaa waxa ay tahay xuquuqda aadamiga iyo waxa ay ka kooban tahay" ayuu yiri Cabdi Weheliye oo ugu dambeyntii u mahadceliyey Hay’adda National Endowment For Democracy, NED oo maalgelisey siminaarkaas

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright � 2006 Hiiraan Online